Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey
Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka laga dareemayo duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay Somaliland soo dhoobtay bariga Laascaanood oo haatan ay isku uruursanayaan.
Ciidamada Somaliland ay geystay halkaasi ayaa gaaraya illaa 40 kun oo askari, kuwaas oo isku jiro milatariga iyo kuwa loo yaqaano rru ee sida gaarka ah u tababaran, sida ay ku warrameen ilo wareedyo xilkas ah oo la hadlay Idaacada Som Media ee magaalada Muqdisho.
Ujeedka Somaliland ayaa ah sidii dib ugu qabsan laheyd magaalada Laascaanood oo dagaal looga soo saaray, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan magaaladaasi oo ay horay uga dhaceen rabshado & mudaharaadyo ka dhan ah Somaliland.
Dhinaca kale ciidamada ku sugan magaalada iyo dadka deegaanka ayaa dhankooda wada guluf dagaal, waxaana saacadihii la soo dhaafay Laascaanood gaaray ciidamo gurmad ah, si ay xoojiyaan ciidamada deegaanka ee Somaliland kula dagaalamaya halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale uu dib u qarxo dagaalka, maadaama labada dhinac ay sameynayaan dhaq-dhaqaaqyo milatari.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana madaxda Somaliland iyo waxgaradka SSC ay ka dhaga fureysteen baaqyada nabadda ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda.
Dagaalka ka socda Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana ku dhintay 900 oo qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,000 qof,, waxaa sidoo kale ku barakacay illaa 900,000, kuwaas oo qaarkood ka talaabay xadka u dhexeeyo Soomaalya iyo Ithopia