Imtixaan Af-soomaali fasalka 12aad Baladeyne

0

 

Abaalxumo

Deeqo waxa ay ayeeyo u ahayd carruur badan ee tuulada tareejanta ee kutaalay koonfurta magaalada beled-weyne.

Maalin maalmaha ka mid ah Deeqo waxa ay hoos fariisatay geed harweyn, goor duhur ah ee qorraxdu aad u kulushahay. Carruurta tuulada ayaa u yimaadeen waxa ayna fariisteen hareeraheeda.Inyar kadib ayaa wiil yar oo carruurta la socdey uu ku yiri: “Ayeeyo sheeko noo sheeg”, Deeqo oo ilka caddeyneysa ayaa waxa ay tiri:waqti aad u fog ayaa waxa jiray tuulo la dhihi jiray Deefow waxa ayna kutiil meel  aad u fog ee u eg barta cirka iyo dhulku ay kukulmaan.

Tuulada waxaa ku noolaa wiil la dhihi jiray Maxamed oo geesi ah Maxamed waxa uu ahaa wiil toban iyo shan roob jir ah. Maalin isaga oo ag socda webiga shabeelle dhankiisa bari ayaa waxa uu arkay yaxaas kujira dabin, waxa uuna wiilkii kuyiri: “wiilyahow icaawi oo iga saar dabinkaan”.

Wiilkii baa kuyiri: “waad icuneysaa haddii aankaa bixiyo”.yaxaaskii ayaa kujawaabay maya ha iga baqin, wiilkii markii uu kusoo dhawaaday ayaa waxa dafay ilkihii ku dhex yiil afkii dheeraa ee yaxaaska. Wiilkii oo afkii kujira ayaa yiri: “wanaagii miyaad xumaan iigu badeshay”.

Nolosha ayaa sidaan ah buu ku jawaabay yaxaaskii, waxaana uu raaciyay“ haddii aad ileedahay yaxaas ayaa gardaran, waxaaan u bandhigeynaa  garteena saddexda ruux ee ugu horreysa ee halkan soomaridoonta.

Kii koowaad waxa uu ahaa dameer duq ah,markii loo jeediyay gartii oo ah macunaa mise waan daayaa waxa uu yiri:

 “abaal malaha aadamaha ee cun sababtoo ah anigu waagaan yaraa ee xoogga lahaa waa lay jeclaa oo waxaa la isiin jiray cunno, hooy iyo daawo, hadda oo aan duqoobay waa la isoo eryay oo duurka ayaan wareegaa oo kunoolahay.

Ruuxii labaad waxa uu noqday faras kaas oo raacay fikraddii yaxaaska iyo dameerka ee ahayd wanaaga uu wiilku sameeyay in xumaan loogu abaal gudo.

Markhaatigii saddexaad ayaa noqday Dawaco oo rabtay in ay bad-baadiso wiika yar, waxayna tiri: “anigu sheekadaan ma aanan fahmin ee hadda ha la soo billaabo, waxaan rabaa inaan arko sida uu wiilka u galay afka Yaxaaska”. Yaxaaski afkiisii ayuu furay wiilkiina waa uu ka soo booday, waxa uuna istaagay webiga jiinkiisa.

Dawacadii baa tiri: “wiilow hilib Yaxaas ma cuntaa?.Maxamed baa waxa uu ku jawaabay haa,

Maxamed waxa uu u cararay xaggii tuuladii waxa uuna kasoo kaxeeyey reerihii tuulada degganaa oo wato ulo ,seefo,midiyo oo uu la socdo Eeygii lagu ugaarsan jiray.dadkii tuulada waxay dileen Yaxaaskii, Eeygiina waxa uu eryaday Dawacadii, wax yar kadib waxa uu dilay dawacadii wiilka badbaadisay.

Dulucda sheekaduna waxa ay tahay wanaaga marar badan waxa lagu abaal mariyaa xumaan.

 Deeqo sheekadadii halkaas ayey ku sooxirtay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

QAYBTA 1AAD: Goobo geli xarafka jawaabta saxda ah (20 dhibcood):

1.            Deeqo sababta ay reer tareejanta ay usiiyeen magaca ayeeyo waxa ay ahayd iyada ooay hooyo u ahayd:

b)Tiro yar oo carruur ah

t) Tiro badan oo carruur ah

j) Tiro aad u yar oo carruur ah

x) Midnaba

  2. Deeqo xaggee bey ahayd tuuladii ay ku nooleed?

        b. Tareejanta

        t. Camalow

        j.  Baarrey

       x. Dhoqor.

3. Maxamed da’diisu waxa ay ahayd:

        b.Tobaniyoshan roob

        t. Toban roob

        j. Toban iyo lix roob

       x. Toban iyo todobo roob

     4. Markhaati yaasha garta loo dhiibay waxa isku aragti noqday:

       b. Kii koowaad iyo kii afaraad

       t. Kii seddaxaad iyo labaad

       j. Kii labaad iyo koowaad

      x.Dhamaantood

  5. Maxamed waxa badbaadiyey:

        b. Faras

        t. Dameer

        j. Yaxaas

        x. Dawaco

6. Dulucda sheekadani waa:

          b. Wanaag xumi kugud

          t. Xumaan xumaan kugud

          j. Wanaag wanaag kugud

         x. Midnaba

7. seddaxdaxubnoodeeiskuaragtidaahiwaa:

           b.Dawacadii, YaxaaskiiiyoFaraskii.

           t. Faraskii,DameerkiiiyoYaxaaskii.

           j. Dameerkii, Faraskii iyo Dawacadii.

          x. Yaxaaskii, Dameerkii iyo Dibigii.

8. Dawacadiiwaxaadilay:

     b.Faraskii.

     t. Dameerkii.

     j. Yaxaaskii

         x. Eeygii.

 

 


9. Yaxaaskii waxa dilaydadkiidegganaatuulada:

      b. Barta u eg in ay kukulmaancirkaiyodhulka

      t. BarigaAfgooye

      j. BarigaAfrika

     x.Midnaba.

11. Erayga “yaac" macnihiisuwaa:

B.Amakaag.

T.firxash

J.Ashqaraar

X.cajiib

12. Erayga"hantool" waxaa la mid ah:

B. naxash.

T.hanqar.

J.hanqal.

X.hangal.

13.” Hojis" waxaa loo yaqaan:

B.lugtadembeeemeeriska

T.lugtahoreeemeeriska.

j.tuduca.

x.maansada.

 

 

14.Erayga” dululaati” waxa lid ku ah:

B.Agas

T.jaaq

j.ciq

x.baylah.

15.Earyga“ biid" waxa la mid ah:

B.bidhe

T.bidde

j.waxba

x.doobi.

16. Earyga“ afjig" macnihiisuwaa:

B.yaab

T.afkalaqaad

j.afxiris

x.aflagaado.

17. Erayga “bigaadin” waxaa la mid ah:

B.bogasho

T.bogid

j. boholyow

x.hanbalyo.

 

 

 

18. Erayga” kalsooni” waxa lid ku ah:

B.kaftan

T.kas

j.jamasho

x.qoonsi.

19. Erayga” kamiin" waxa lid ku ah:

B.gaasir.

T.qoor.

j.aroor.

x.wabax.

20.Erayga" baylah" waxaalamid ah:

B.baynax

T.baydi

j.dayac

x.beeddal.

QAYBTII 2AAD: Buuxi meelaha bannaan  (10 dhibcood)

1.    Tareejanta waxa ay ku taal: …… ……...........................

2.    Yaxaasku waxa uu ku jiray: ……………………………...

3.    Tirada markhaatiyaasha waa: ……………………………

4.    Magaca wabiguwaa: ……………………………………..

5.    Wanaag waxa dhici karta in lagu abaalmariyo ………

 

QAYBTII 3AAD: sharax kooban kabixi maah maayada lixda ugu horaysa,tan toddobaadna dhameystir(14 dhibcood):

1.    Inta adan falinka fiirso.

……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………...

2.ayax tag eelna reeb.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

 

 

3.    Minjo dhooqo midba marbaa lasiibaa.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

 

 

 

4.kab xume maharee kabala waahara.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

4.    wax la eryo been baa ugu orad gaaban.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

5.    intii qof dhibtaa labo madhibto.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

6.    laanta toosiintay .................................................................

 

 

 

 

 

QAYBTA 4AAD:Miisaan meerisyada soosocda kadibna sheeg inta Alan ee uu kakoobanyahay meeriskasta. (10 shibcood)

 

1/ Adhi waa dhallaan iyo haween dhimiradiisiiye.

 

2/ dhaldhalaalka iyo ciirtu waadhuubka karameede.

 

3/ dhaqaalaa haweenkiyo guryaha siimadhaafsana e.

 

4/ lo’da dhayda lagamaalaa, diiqda iyo xoorku.

 

 

QAYBTA 5AAD:Sharax erayada soosocda: (8dhibcood)

 

1.daawe =

 

2.onkod =

 

3.oon =

 

4.dhaan dabagaale =

 

QAYBTA 6AAD:Isku aadi erayga iyo lidkiisa adiga oo adeegsanaya tirada joog u taxa 1aad (8dhibcood)

Tirada

Jog u taxa 1aad

 

Jog u taxa 2aad

1.     

Curdin

(  )

Bisayl

2.     

Ceeriin

(  )

Gahayr

3.     

Tanaad

(  )

Rar

4.     

Fur

(  )

Sabool

 

QAYBTA 7AAD: Naxwe (8dhibcood)

Weerahan soo socda kasoo saar magac guud:

B.geed dheer baan ka koray llibaax.

T.inanka waa lagu arkay dugsiga.

J.aqalkeyga ayaa ugu weyn guryaha.

X. Beertiisu way baxday.

 

 

 

 

 

QAYBTA 8AAD: Kajawaabsu’aalahan: (12 dhibcood)

1)     Waa maxay miisaanka maansada?

J=………………………………………………………

………………………………………………………….

2)     Waa maxay alan?

J=…………………………………………………………………………………………………………………

3)    Suugaanta af-soomaaliga guud ahaan waxaa loo qeybiyaa laba qaybood oo waaweyn maxay kalayihiin?

J=…………………………………………………………………...

4)    Kumaa tiriyay meerisyadan soo socda:

Saboolnimada aabaheed waa fadhiga ee aadoo camal yeesha.

Adigoon indha la’ayn wakhtiga meel haku idlaynin.

J=………………………………………………………

5)    Goorma ayuu tiriyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) tuducyadaan soo socda:

Adigoon cirka u bixin, ama boodin leexada,

Ama badaha waaweyn nafta aan kubiimayn,

Barashada dalkaagaa, horta laga bogtaayo,

Beryo la’isku hawlaa.

J= ………………………………………………………

6)    Sheeg riwaaayaddii ugu horreysay ee lagu furo golaha murtida iyo madadaalada?

J= …………………………………………………….

 

 

 

QAYBTA 9AAD: Kadooro laba mowduuc ee soo socota mid ka mid ah Kana qor ugu yaraan curis ka kooban(100) eray. (10 dhibcood)

 

B.hodantinimada dalkeena soomaaliyeed.

 

T.waxtarka dhirta.

 

 

 

 

 

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)