Qaybta I Geeddisocodka Samaynta Dastuurka.................................................................................5 Qeybta II..............................................................................................................................................8 Waddadii uu Guddigu Raacay .............................................................................................................8 Qaybta III Dulmar guud ee Qabyoqoraalka Dastuurka ..................................................................13 Qaybta IV...........................................................................................................................................20 Soo-bandhigidda iyo sharxidda Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha........................20
mabaadida asaasiga (cutubka 1)...................................................................................................20 Baaqa Jamhuuriyadda (cutub 1) ...................................................................................................20 Muwaaddinnimada (cutub 2) .......................................................................................................20 Xuquuqda Asaasiga ah ee Aadanaha (cutubka 3).........................................................................22 waajibaadka (cutubka 4)...............................................................................................................26 Dhul, Milkiyadda iyo Degaan (cutubka 5) ....................................................................................27 masalaad iyo ka qayb-galka bulshada (cutubka 6) .......................................................................28 Qaabdhismeedka Federaaliga (uu ku urursan Cutubka 7)............................................................32 Magaalamadaxda Federaalka (Cutubka 7aad)..............................................................................40 Dowlad goboleedyada iyo Qaab-dhismeedkooda (cutubka13)....................................................43 Nidaamka Xukuumadda oo uu ku jiro Baarlamaanka (cutubka 8 iyo 9) Horudhac ......................43 Baarlamaanka (Cutubka 8)............................................................................................................46 Fulinta (Cutubka 9)........................................................................................................................49 Nidaamka Garsoorka (Cutubka 10)..............................................................................................54 Guddiyada madaxbanaan(Cutbka 11aad).....................................................................................57 Shaqda rayidka ah (Cutubka 12) ...................................................................................................59 Maaliyadda Guud (Cutub 14)........................................................................................................59 Nabadda, amniga iyo Dastuurka: Cutubka 15ad iyo qodobbada kale ee la xiriira ......................63 Wax-ka-beddelka Dastuurka (cutubka 16)....................................................................................66
2
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Warbixinta Latashiga
Guddiga madaxa bannaan ee arrimaha Dastuurka iyo Federaalka waxaa loo dhiibey hawl tijaabo ah oo adag, taasoo ah in ay diyaariyaan Qabyoqoraalka Dastuurka. Guddigu waxa uu hawshiisa soo gebaggabeeyey 30ka Juun 2010, markaasoo la soo saaray Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha (QDLD). Gudiggu wuxuu qorshaynayaa in uu si baaxad leh u faafiyo QDLD, awoodnna ugu siiyo dadka Soomaliyeed in ay dersaan talooyinkooda ku aaddan Dastuurka cusub. Guddigu wuxuu rajaynayaa dadka Soomaaliyeed in ay u soo diraan sida ay ugu raacsan yihiin guddiga talooyinka ay soo jeediyeen ama u soo diraan talooyin ka duwan.
Sababo la xiriira duruufaha ka jira dalka awgeed, guddigu awood uma helin in uu la tashado dadka, sidaas oo ay jeclaayeen ka hor diyaarinta qabyoqoraalka. Sidaas darted, QDLD looma soo bandhigin in uu yahay qabyoqoraal kama-dambays ah ee la hor-geynayey dadweynha in ay go’aan ka gaaraan. Sidaas si ka soo horjeedda qasadkiisu wuxuu yahay in uu dhaliyo dood dadweyne, iyadoo diiradda la saarayo fikrado gaar ah iyo talo-soo-jeedinno. Kaddib muddada latashiga, guddigu wuxu falanqayn doonaa dhammaan aaraadii iyo talooyinkii la soo gudbiyay, ka hor inta aysan bilaabin geeddisocodka diyaarinta qabyoqoraalka Dastuurka kama-dambaysta ah. Qabyoqoraalkaan dambe waxaa loo hordhigayaa dadweynaha qaab afti ah, si ay go’aan uga gaaraan in ay taabbo-geliyaan in uu noqodo Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo in kale.
Si kastaba ha ahaatee, guddigu wuxuu ka kooban yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida, kuwaasoo faham guud ka qaba baahida dalka iyo waxyaabaha dadku ay ka baqayaan ama ku hammiyayaan. Waxay hawl adag u galeen in ay yeeshaan isafgarad dhexdooda ah iyo marka ay taasi suurtoobi weydo in ay tanaasul ka gaaraan mabaadi’da muhimka ah. Guddigu wuxuu rumaysan yahay in QDLD uu saldhig fiican u noqonayo doodo iyo falanqaynno dheeraad ah.
Ujeeddooyinka warbixintaan ee loo bixiyey Warbixinta Latashiga waxay tahay in la qeexo geeddisocodka lagu diyaariyey QDLD, ujeeddooyinka QDLD iyo arrimihii uu soo xigtey iyo waddadii guddigu uu u maray ee la xiriirta samaynta Dastuurka cusub. Waxay fasiraysaa waxa cudurdaarka u ah soo-jeedinnadiisa, si ay awood ugu siiyo dadweynuhu in ay si fiican ugu fahmaan QDLD. Waxaa ka mid ah su’aalo la xiriira soo-jeedinnada, taasoo ugu yeeraysa akhristayaashu in ay ka fakaraan, isla markaasana ugu soo diraan guddiga jawaabahooda mid ka mid ah hababka lagu soo jeediyey dhammaadka warbixinta.
Ujeeddada warbixintu waxay tahay, iyadoo la fasirayo QDLD, in la fududeeyo latashiga. Guddigu wuxuu rumaysan yahay in QDLD uu saldhig wanaagsan u yahay latashiga. Dadweynha way ku adakaanaysaa in ay fahmaan waxyaabaha aan la taaban karin ee ku saabsan soojeedinnada qaabdhismeedyada xukuumadda iyo xiriirrada u dhexeeya heerarka kala duwan (Federaalnimadu waa shardi waajib ah). Waxaa u fududaan lahaa ayagu in ay ka jawaaaan talooyinka gaarka ah ee guddigu u soo jeediyo. Waxay siin kartaa fahamka dabeecadda iyo ujeeddooyinka Dastuurka iyo in ay u fududayso in ay gartaan sida qaybaha
3
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
kala duwan ee Dastuurku isugu xiran yahay. Warbixintu waxaa kaloo ay ka siinaysaa ayaga fikrad waddada uu u maray guddigu, waxyaabihii kala duwanaa ee ay falanqeeyeen iyo isu tanaasulaadkii lagama-maarmaanka u ahaa in ay gaaraan isfaham.
Guddigu wuxuu kaloo sii saadaalinayaa warbixintu in ay noqon karto aalad muhiim u ah in loo adeegsado baraarujinta bulshada, sidaas darteed waxy ka siinaysaa taxliil arrimaha Dastuuriga ah iyo hay’adaha iyo xulashooyinka uu ku salaysan yahay QDLD.
4
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Qaybta I
Geeddisocodka Samaynta Dastuurka
Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee la qabtay 2002 -2004kii, ayna taageeraysey Wakaaladda Dawliga ah ee Arrimaha Hormarinta (IGAD), ayna fududaynaysay Dawladda Keenya, waxaa ka soo baxay, lana dhaqangeliyey Axdiga Federaalka Ku-meel-gaarka (“Axdiga”) ee 2004kii. Axdiga ku-meel-gaarku wuxuu qorayey in 90 maalmood gudahood marka la dhiso Dawladda Federaalka ku-meelgaarka ah in la abuuro guddi madax bannaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka(“DFK”). Xubnaha guddiga waxaa soo jeediyey Golaha wasiirrada, waxaana magacaabaya Madaxweynaha Soomaaliya. Axdigu wuxuu shardi ka dhigayaa DFK iyo guddigu in ay ku soo dhisaan nidaam Federaal ah labo sano iyo bar gudahood. Guddigu dhab ahaantii wuxuu soo jeediyey mabaadi’ faahfaahsan ee ku saabsan qaabdhismeedka Federaalka ah, hay’adihii iyo qaybinta awoodahooda (kuwaasoo si kooban loogu soo bandhigay warbixinta).
Guddiga madaxa bannaan ee arrimaha Dastuurka iyo Federaalka
Dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee arrimaha Dastuurka iyo Federaalka (GMDF) waxaa lagu oggolaaday Axdiga ku-meel-gaarka (qodobka 11 faqarada 5). Qodobo dheeraad ah ayaa ku jira sharciga L. BFK/1/193/06, kaasoo uu ansixiyay baarlamanku 10kii Juun 2006, isla markaasana Madaxweynuhu ku soo saaray xeer L.RS-TS-OP/395/2006 ee soo baxay 15kii Juun 2006. Xubnaha waxaa magacabaya Madaxweynaha, waxaana ansixiyey baarlamanka (inkastoo xeerka lagu dhisay GMDF uu qeexaayo in Golaha wasiirradu ay soo magacaabayaan sida uu sheegayo Qodobka 1 faqarada 2). Tirada guddigu waa in ay noqotaa 15 (inkastoo heshiiskii Jabuuti kaddib tirada la labanlllaabay). Xeerka lagu dhisay Guddigu wuxuu sheegayaa in 13 xubnood oo ka mid ah xubanihiisu ay waajib tahay in lagu magacaabo habka awood-qaybisga ee 4.5, (kuwaas oo lagu soo xulaayo habka qabiilka) iyo 2 haween ah oo lagu soo xulayo “aqoontooda”- gaarka ah. Laakiin waxay u eg tahay in arrinta la xiriirta aqoontu ay gaarsiisan tahay xataa xubnaha kale). Si kastba ha ahaatee, waxaa cadaan ah in xubnaha oo idil looga baahan yahay in ay leeyihiin shuruudo lagu qanci karo, kasoo ay ku jiraan in da’du aanay ka yaraan 40 sano, haystana shahaado jaamacadeed, lehna maaddooyin lagu qanco iyo 5 sano oo waayo’aragnimo ah (inkastoo waxa loola jeedo waaya’aragnimada aan la caddayn). Si loo xaqiijiyo madaxbannaanidooda iyo dhexdhexaadnimadooda, xubnuhu ma qaban karaan xil siyaasadeed ama maamul xafiiseed “gudaha iyo dibada Jamhuuriyadda”.( Arag qodobka 2 faqarada 4 ee xeerdejinta). Waxay xilka haaynayaan inta Dastuurka cusub lagu ansaxinayo afti.
Guddigu waa hay’adda ugu muhiimsan ee geeddisocodka samaynta Dastuurka. Hawshoodu waa in ay soo saaraan Qabyoqoraal Dastuur, kaasoo si toos ah afti loogu qaadi doono. Guddigu waa hay’ad madax bannaan, sidaas daraaddeed, laguma hoggaamin karo habka ay u fulinayaan masuuliyaddooda. Waxay samaysanayaan habraac ku aaddan waxqabadkooda, hase ahaatee go’aannada ay gaarayaan oo ku saabsan mawdhuucyada Dastuurka wa in ay ku gaaraan cod saddex dalool laba dalool xubnaha guddiga .
Arrinta labaad, sida lagu gaarey Heshiiskii Djibouti, GMDF waa la labanllaabay, waxayna noqdeen 30 xubnood, 7 ay yihiin haween. Golaha Wasiirradu waxay xubnaha Guddiga
5
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
ansixiyeen bishii Febraayo 2010ka, waxaana la dhaariyey 2dii Maarso 2010. Shan bilood uun baa ka soo wareegtey inta uu Guddigu xilkan hayo, isaga oo qoraalladan soo bandhigay.
Guddigu wuxuu ku shaqaynayey habraacyo ay ayagu degsadeen. Hase ahaatee, habraacyada waxaa soo qeexay baarlamaanka, waxayna ahayd go’aanadoodana in ay ku gaaraan saddex dalool laba dalool ee xubnaha guddiga (Qodobka 4 faqarada 4). Tanna waxaa loo soo qaadanayaa in lagu dhaqi karo dhammaan go’aannada aan ka ahayn kuwa ku saabsan QD. GMDF, waa in ay dhistaan guddi-hoosaad loogu talo-gelayo hawlo gaar ah ee xubnahaas (sida kuwa soo uruurinaaya xogta, cilmibaarista iyo kuwa bixinaaya baraarujinta bulshada). Xoghaynta oo ‘Agaasime’ madax ka yahay waxaa lagu soo qorayaa si “waafaqsan nidaamka shaqaalaynta shaqada rayidka”, hawsha uu qabanayana waxaa qeexaya
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, aygoo la tshanaaya Gudoomiyaha (Qodbka 7). Dastuurka rasmiga ah iyo guddiga arrimaha Federaalka ee xeerdajinta ayaa dusha ka eegaya hawlaha wasaaradda. Waxay kaloo isku dubbaridayaan, xiriir joogta ahana la yeelanayaan Guddiga (Qodobka 5 faqarada 2). Xeerdejintu waxay soo saaraysaa
“mabaadi’da wax hagta” ee Dastuurka oo ah in ay guddigu raacaan (Qodobka 5). Dastuurka iyo Axdiga ku- meel-gaarka, mabaadi’da dimoqoraadiyadda iyo caddaaladda bulshada waa in ay ku salaysnaadaan” mabaadi’da Islaamka”. GMDF, waa inay dib u eegaan dhaqanka suubban ee Soomaalida (Qodobka 43). Dastuurku waa in uu kordhiyaa ka-qaybgalka dadweynaha (xukuumad), daah-furnaan, caddaalad iyo laxisaabtan”. Habraaca xeerdejintu
waxa uu sheegayaa in la siiyo “qaybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed fursado ay ku muujin karaan afkaartooda, waxayna hormarinayaa xasilloonida, nabadda iyo dib-u dhiska dalka”.
Markii ugu horraysey guddigu waxa uu qaaday talaabo horumaar kooban leh, inkastoo daraasad ku sameeyey Dastuuradii hore ee Soomaliya iyo siyaasadihii ku wareegsanaa, waxayna kaloo qabteen weegaar-cilmiyeedyo lagu dhisayo awooddooda aqooneed, si ay xubnuhu u helaan arrimaha saldhigga u ah Dastuurka oo si gaar ah loogu soo xulay, ahanna mid Soomaaliya ku habboon (ay ku jiraan qaabab kala duwan oo loo samaynayo Dastuur, Federaalnimada iyo shareecada). Jawiga siyaasadeed ee koofurta Soomaaliya muddadii 2006 iyo inta badan 2007kii ma ahayn mid xasilloon, waxaana ka jirey colaado iyo caqabado badan oo ay ku jiraan qaybsanaanta xukuumadda Ku-meel-gaarka Federaalka dhexdeeda iyo dhammaan maqanaansho wadaxaajood siyaasadeed, kuwaas oo is’hor-taagey horumar macno-gal ah. Golaha Dib-u-heshiisinta Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho bishii Luulyo– Agoosto wuxuu mar labaad furay fursado. Muddadaas guddigu waxa uu la kulmay caqabado xagga waqtiga, dhaqaalaha, saadka iyo guud ahaan amniga.
Hawsha rasmiga ah ee QDLD wuxuu bilaabay horraantii 2010ka. Muddadaa kaddib, guddigu wuxuu u kulmaayey si joogto ah, wuxuuna shaqaynayey saacado dheeri ah, wuxuuna qabanayey doodo joogto ah, waxa ayna la tashanaayeen xeeldheerayaal badan. Ugu dambaystii, waxa ay dhammaystireen QDLD dabayaaqadii bishii Juun, 2010ka.
Guddigu wuxuu si weyn uga xun yahay nabadgelyo laa’nta ka hor-istaagatey in ay ku safraan dalka oo dhan, si ay ula hadlaan dadweynha, una dhegeystaan ka hor inta aysan bilaabin QDLD. Waxa ay ku talo-jiraan in ay hormariyaan si ay u ballaarin lahaayeen wadatashiga dawaynaha ee arrimaha QDLD. QDLD waxaa loo qabybinayaa dadka, si ay u dersaan, una helaan fursado ay ku siiyaan talooyinkooda guddiga, ka hor inta aan lagu noqon QD, lana
6
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
soo saarin qoraalka Dastuurka kama-dambaysta ah oo loo soo bandhigi doono dadweynha, si ay uga dhiibtaan afti.
Waxaa intaa dheer, guddigu wuxuu ku talinayaa hawlaha dib u eegida Dastuurka oo marayo sanadkii 6aad si uu ku dhaqangalko waxaa la rajeynayaa in arrimaha nabd galyada uu wanaagsanaan doono siina doono fursad dadweynha in ay si buuxdo uga qaybgalaan dib u eegida Dastuurka.
7
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Qaybta II
Waddadii uu Guddigu Raacay
Soomaaliya waxay u istaagtey in ay samaysato Dastuur iyadoo ku jirta daruufo adag. Waxaa la garawsaday in loo baahan yahay Dastuur si dalka loogu soo celiyo deggenaan iyo soo celinta sharaftiisa. Islamarkaas waxaa caddaan ah in shaqaaqooyinka ku baahay dalka sannooyinka badan, ay si gaar ah u adkeeyeen in la helo geeddi socod wanaagsan islamarkaana waxtar leh oo lagu sameeyo Dastuur ay ka qeeyb qaataan dadweynuhu si ku dhisan is afgarad.
Somaliya waxaa ay ka mid tahay dalal dhowr ah oo ka jira adduunka, kuwaasoo doonaya in ay sameeystaan nidaam Dastuuro cusub ka dib shaqaaqooyinka iyo iska horimaadyo gudahooda ah ama mararka qaar dagaalada inta lagu jiro.
1969 ciidamada, oo uu hoggaaminayo Siyaad Barre, ayaa boobay xukunkii iyagoo soo afjaray waqti yar oo is xukun dimoqradiga ah hase yeeshee dahabi ahaa. Qaar ka mida siyaasadihii xukumaddaas ayaa u horseeday in dalku dagaal la galo Ethiopiya 1977-dii. Waxii ka dambeeyay dagaalkaas waxaa billaawday burburkii ciidamada qalabka sida iyo guuldarradii xigtay ee Qaranka.
Jabhaddii u horraysey ee ciidan leh waxaa la asaasay 1978kii (Jabhadda Badbaadada Diimoqradiga Soomaaliyeed ), waxaana asaasay saraakiil ciidammada ka tirsan oo carooday. 10 kii sano ee ka dambeeyay dalka waxaa sameeysmay jabhado dhowr ah oo qabiil ah oo magacyadoodu kala yihiin, Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) 1981, Dhaqdhaqaaqa Diimoqaraadiga Soomaaliyeed (SDM) 1987, Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SPM) 1988, iyo ugu dambeeystii Ururka Midnimada Soomaaliyeed (USC). Markii siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan loo wiiqay, xukuumaddi waa la riday qarankiina waana dumay. Tani waxay dhashay dagaalo sokeeye oo ay horboodayeen hoggaamiyayaal siyaasadeed oo dano shaqsi ah lahaa siyaasadooduna ku dhisneyd in miduun guuleysto.
Waxaa jiray fowdo buuxda iyo dhibaato aadami tii ugu weyneyd. Waxaa jiray xilliyo abaar ah. Kummanaan dad ah ayaa ka qaxay dalka. Markii qarankii burburay, bulshadii waa qeeybsantay waxayna horseeday dib-u-soonoolaanshaha qabaa’ilka iyo hogaamiyayaal qabiil. Dagaalo gudaha ah ayaa xoogeeystay waxayna galaafteen nolosha dadweynaha. Dhaqaalihiina waa burburay.
Soo ifbixii dhaq dhaqaaqyada islaamiga ah waxay keeneen colaad cusub oo ku saleeysan idooloojiya, iyo dagaalo aan dhamaaneyn oo horseeday barakac dadaweeyne iyo dhamaadkii amniga banii’aadaninimo.
Dalka wuxuu wajahayaa dhibaatooyin culus oo isugu jira kooxo mayal adag iyo khilaafyo siyaasadeed oo qabiil ah, wuxuuna u kala qeeybsamay dhowr qeeybood iyadoo mid ka mid ah waa Somaalilaand sheegatay gooni isu taag iyadoo ku baaqday in ay dooneyso madaxbanaanideeda. Hadda waxaa jira dhibaatooyin asaasi ah ee midnimada qaranka, marka lagu daro burburka qaranka, waxay keentay siyaasadaha qabiilku in ay sii socdaan,
sidaas oo baabbi’inaysa midnimadda Soomaaliyeed.
8
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Tani waxaa macnaheedu yahay in Dastuurka looga baahanyahay in xal u helo isku mar labo dhibaato oo waaweyn. Tan kowaad waxay tahay dhismaha ama xoojinta ummadnimada Soomaalida iyadoo la horumarinyo arrimaha( Sida midnimada qaranka , Diinta, afda iyo dareenka wadaagidda taairihk iyo qaddiyad mid ah) kuwasoo isku xiri kar qabaa’ilka iyo gobollada dalka. Arrin muhiim ah waxaa ah dib-uheshiisiinnta si loo daaweeyo dhaawacyadii kala gaaray 10 kii sano ee tagay. Tan labaad waxay tahay dhismaha qaranka, abuuridda hay’ado ka jawaabo baahida dalka kaasoo qaabdhismeedkiisu hogaaminayo daacadnimada dadweynaha. Geeddisocodka Dastuur sameeynta waxaa u muhiim u yahay qaran dhiska halka Dastuurka laftiisuna uu udubdhexaad u yahay dhismaha dalka.
Sidaa darted, guddigu wuxuu u arkaa xilka Dastuurka (a) dibusoonooleeynta midnimada umadda dhexdeeda iyadoo xoogga la saarayo qiyamka iyo hammiga wadar ahaan ay u wadaagaan “Umad Dhis” iyo (b) inuu soo bandhigo qaabdhismeedka qaranka kassoo lagu dhaqangelinayo qayimkaan iyo himilooyinkaan (Qaran Dhis).
Inkastoo burburkii qaranka uu horseeday cawaaqib xumo nassiib darro ah, haddana guddigu wuxuu garowsanyahay in dawladnimada lafteeda ay tahay ilaha ay ka dhashaan colaadaha xun, waana halgankii loo galay hanashada talada dalka waa kan markii dambe sababay burburka qaranka, waxaa kaloo ay horseeday siyasadeenta heybta qabiilka. Sidaas darted Dowladdu waxay keli ahaanteed ku guuldareeysatay gudashada waajibaadkeeda qaran dhiska ah, heshiis wadareed, iyo xaqiijinta maamul caddaalad ah kuna baahsan dalka.
Burburka Qaranka wuxuu horseeday guulo waaweyn oo laga gaarey isku-daygii dib-u heshiisiineed iyo nabadaynta heerka deegaaneed, magac ahaan Somaaliland iyo Buntland, kuwaasoo si guul leh u adeegsadey habka xallinta qilaafaddka dhaqanka, iyagoo isticmaalaya hoggaamiye-dhaqameedyadooda.
Intabadan dadaaladaas deegaaneed ayaa dadka awood u siiyay in ay u horseedaan noloshooda inay ku soo noqoto caadiga, meelaha qaar waxaa kor u kacay hawlaha iyo maalgelinta dhaqaale iyadoo aysan jirin dowlad dhexe, malaha sababta waxaa ay tahay maqnaanshaheeda. Waxaa jira noocyo kala duwan oo maamul iyo qaabab lagu ilaaliyo sharciga iyo kala dambeeynta, iyo xallinta khilaafaadka ee heer goboleed, laguma dooran si Diimoqaraadi ah, haseahaatee xubnahooda waxay heystaan xushmada iyo aqbalaadda dadweynaha.
Guddigu waxuu garowsan yahay suurtagalnimada in hormarkaas uu ku hago in ay tixgelin siiyaan mark ay ka fakarayan qaabdhismeedaka qaranka. Marxalad sii horreysay guddigu wuxuu ka baaraan degay iskuna raacay tiro mabaadii’ ah oo hageeysa howliihiisa, loona yaqaan mabaadi’da asaasiga, mideeynta dadka Soomaalida, dib-uheshiisiinta iyo dhisid bahwadaag wax ku’ool ah iyo horumarin caddalad ijtimaaci ah iyo in dadka oo dhan helaan fursado siman. Mabaadi’daas ayaa saldhig u ah QDLD.
Mabda’ asaasi ah oo ka muhiimsan kuwa kale oo dhan waa sarreynta Quraanka kariimaka iyo shareecada. Sidaas darteed waa muhiim in aan halkaan ku sheegno sida guddigu u arkay xiriirka Dastuurka iyo shareecada.
9
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Shareecada iyo Dastuurka
Marxalad sii horreysay ee magacaabiddiisa, GMDF wuxuu go’aamiyey in mabaadi’da ugu muhiimsan Dastuurka cusub uu noqdo sarraynta Shareecada - In dhammaan qodobbada Dastuurka ahaadaan kuwo waafaqsan Shareecada. Tani waxay noqotay in looga tusaale qaato soo jeedin kasta ee guddigu sameeynayo.
Xeel dheere shareecada Islaamka oo la talinayay lana shaqeeyay guddiga wuxuu sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin “udubdhexaadnimada Islaamka iyo Shareecada la dalbaday inay door weyn ku leeyihiin Dastuurka Soomaalida.
Iyadoo ujeeddadu tahay in la xaqiijiiyo sareeynta shareecada, guddigu wuxuu ka qeeybgalay siminaaro ku saabsan maqaasidda sare ee shareecada iyo cadaaladda ijtimaaciga ah iyo dabaqidda shareecada oo ah sharciga qaranka. Siminaaradaas waxaa leeysugu keenay culumo waaweyn oo islam ah oo ka kala yimid Somaliya iyo Dalalka Muslimiinta waxayna si baaxad leh u lafa gureen arrimo badan oo Dastuuri ah iyagoo ka fiirinayay shareecad sida ay u waafaqsan yihiin. Guddigu wuxuu raacay inbadan oo ka mid ah khabiiradaas, mid ka mid ah oo la joogay inta badan waqtiga guddigu qoraayay QDLD, waa Professor Hashim Kamali , oo ah nin xushmad sare kuleh caanna ku ah aqoontiisa shareecada. Talooyika Professor Kamali waxay ahaayeen kuwo la haysta oo la isticmaalayay inta uu socday Qabyoqoraalka. Guddigu ayagoo kaashanaaya kaalmadiisa waxay waqti dheer falanqeeyeen noocyada Dastuur ee 13 dal oo muslimiin ah. Wuxuu si kooban ugu sheegau guddiga xigashooyinka Islaamka iyo shareecada ee ku jira Dastuurada Aljeeriya, Bahrain, Masar, Boqortooyada Sacuudiga, Qadar, Ciraaq, Afqaanistaan, Kuwayt, Jordan, Marooko, Siiryiya, Tunisia iyo Cummaan.
Qodobbada Dastuuradaan iyo Xigashadooda Islaamka waxay muujinayaan inay aad u mideysan yihiin, haddana sidoo kale way kala duwanyihiin oo waxaa lagala soo dhex bixi karaa afar ilaa iyo shan hab. Gunaanadkiisa wuxuu ahaa in qabyoqoraalka Dastuurku waafaqsan yahay mabaadii’da guud ee shareecada.
Qaar ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee la xiriira xirrirrka Dastuurka iyo shareecada waxaa lagu falanqeeyay hoos.
Iswaafaqsanaanta Dastuurka iyo Shareecada
Guddigu wuxuu isweeydiiyay sua’aasha ah muhimadda uu leeyahay sharci sare sida Dastuurka iyo sida loo aqbalikaro marka lga fiiriyo shareecada. Wuxuu yiri tani ma aha sua’aal cusub, isagoo xiganaaya dood lagu qabtay Dalka Masar bartamihii saannadii 1920-kii markaasoo caalim weyn ahna mufasir qura’aanka, Muxamad Rashid Ridala weydiiyay in Dastuur la yeesho waxa uu Islaamku ka qabo. Wuxuu ka soo saaray fatwo lagu keeydiyay qoraaladiisa taasoo oraneeysa: haddii ujeeddada Dastuurku ayahay in la nidaamiyo maamulka caddaaladda, la xisaabtanka iyo xukun wanaagga iyo in la xaddido isticmaalka awoodda maquuninta, markaa taasi waxaa ay la mid tahay ujeeddooyinka Islaamka iyo Shareecada. Ridala waxaa kaloo uu ku daray: haddii qof uu ku arko Dastuurka faqrad ka soo horjeedda Shareecada ha ku soo jeediyo dhugta dadka awoodda u leh in ay saxaan sida ugu dhaqsaha badan, haseahaate ma ahan in Dastuurka oo dhan la diido qalad yar oo ku jira dartii. Waxaas oo dhan marka laga soo tago haddii aan ku aragno qaldaad kutub ay qoreen
10
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
culimadii waaweyneeyd ee hore, xaqiiqadii waxaan isku dayaynaa in aan saxno, haseahaate lama wada diidayo lamana wada tuurayo wixii qiimaha badnaa ee ay qabteen.
Guddigu wuxuu xusay in tan iyo waqtigii Rashid Ridala uu jiray dhaqan guud oo dhaliyay in waddamo badan oo Islaam ah ay sameeysteen Dastuuro iyo in qaarkood dib u eegis iyo wax ka beddel ku sameeyeen marar badan. Tani ka dib waxay noqotay heshiis si guud loo aqbalay iyo caado ay taageereen inta badan Dalalka muslimiinta ah. Caado bannaan
(Mubaax) waa sharci waxayna saldhig u noqon kartaa xukun iyo ficil sida ay qabaan culumada qaar.
Dastuur sameeynta waxaa hadda loo arkaaa in ay aalad u tahay xukun wanaagga kasoo shardinaaya hoggaansamid iyo taageerid. Waxaa intaas dheer Dastuurku in uu yahay waajib, axdi ummadeed ah , iyo qoraal u taagan doonista iyo daacadnimada umadeed ee mabaadii’da iyo mudnaanateeda. Marka Dastuurka ay ku jirto faqrad shardi ka dhigeeyso wax kasta in la waafajiyo mabaaadii’da Islaamka iyo in Baarlamaanka iyo xeer dajiyayaashu ay u hoggaansamaan dhowraanna shareecada, waxay noqoneysaa xukun uulul amri –cf. Q 4:59, sidoo kale sida uu qabo xadiis caan ah “ Muslimiintu waa in ay dhawraan waxay ku heshiiyaan” kaasoo micnihiisu yahay in ay heshiis geli karaan una hoggaansamayaan ballan qaadyadooda waxa ay u arkaan in ay u wanaagsan yihiin. – sidaas si waafaqsan Dastuur lagu ansaxiyay wuxuu noqonoyaa mid shareecada waafaqsan.
Marka uusan jirin axdi ama nuqul ka hadlaaya maamul qaran ( Siyaasad Shareeco) in si guud loo soo xigto shareecada, way caddahay in ay immaaneyso kala aragti duwanaan waxaana taas sabab u ah in shareecada aan sida sharciga loogu ururin kutub loona ansixin sida Dastuur, marka waafaqsanaanta shareecada ay Dastuuri tahay shaki badan kuma jiro in Dastuurka yahay mid la aqbalikaro.
Dulmarkiissii Dastuurada dalalka Islamka , professor Kamali wuxuu tilmaamay sida ay uga mideeysan yihiin arrimo badan iyo sida Dastuuradooda u wada qorayaan qodobka taabagelinaya in Islaamka yahay Diinta qaranka. Waxaa kaloo ay inta badan wadaagaan in ay ansixiyeen in shareecada ay isha kaliya sharci sameynta tahay. Dastuurada qaar waxa ku jira faqrad xaaraantinimeyneeysa ilaa xad in baarlamaanku soo saari Karin sharci ka horimaanaya mabaadii’da asaasiga ah ee shareecada halka qaar kalena ay shardinayaan in madaxa qaranka damaanad qaado ilaalinta Islaamk marka loo dhaarinayo xafiiska. Dastuuro dhowr ah baa lagu xusaa mowduucyo gaar ah sida maqaamka haweenka, iyo Qoyska, sharciga dhaxalka, Diinta iyo madaxa Qaranka, sameeynta gole sare ee Islaam oo kormeera arrimaha Islaamka iyo sameynta ijtihaadka. Ilaalinta (carabnimada) iyo dhaqanka islaanimada.
Sharciga saldhigga ah ee Boqortooyada sacuudiga 1991 in badan wuxuu xiganayaa shareecada in ay tahy sharciga keliya ee ka jir Dalka.
Kala-soocidda Awoodaha
Guddiga waxaa kaloo aay la falanqeeyeen Professor kamal taariikhda wadamada Islaamka ee dhaqanka kala soocidda awoodaha iyo qaababka kala duwan ee loo soo maray.
11
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Guddigu wuxuu kaloo sahmiyay maqaamka shareecada ee la xiriira fikradaha asaasiga ee xadeeynta awoodaha Dowladda iyo u qeeybinta awoodahaas hay’adaha dowladda ee kala duwan.
Wuxuu fasiray in fikradda asaasiga ee xukuumad Islaami ah aytahay mid xadeeyneeysa islamarkaasna nidaamineysa awoodaha, dhab ahaantii talinta sharciga waa mabda’ asaasi ka ah shareecada islaamka dhexdeeda. Si waafaqsan maqaasidda shareecada, Haddii qassadku yahay in la sameeyo caddaalad iyo la xisaabtan, markaas waa loo baahan yahay kala soocidda awoodaha waxayna ahayd mid shaqeeyneysa tan iyo taariikhda dowladnimo ee Islaamka.
Xuquuqda aadamiga
Guddigu waqti badan ayuu ku bixiyay, kalfadhiyo guddiyo howleedyo iyo kulanka guudba, ayagoo falanqeeynaya saldhigga xuquuqda Aadanaha ee shareecada. Guddigu wuxuu si baaxadleh u sahmiyay sida xuquuqda loo waafajin karo shareecada Dastuurada kale iyo Qawaaniinta Dowliga. Si loo xaqiijiyo in ay waafaqsan yihiin shareecada, Guddigu wuxuu qaatay talooyinka professor Kamali iyo xeeldheerayaal kale markii la diyaarinaayay hindisaha shrci ee xuquuqda. Professor Kamaal wuaxuu si baaxad leh u soo bandhigay caddeymaha taageeraya in shareecada tahay ilaha xuquuqda iyo in xuquuqda asaasiga ah iyo xurriyaadka ay yihiin mowduucyo muhiim ah ee shareecada. Gunnanadkiisii wuxuu ahaa in cutubka xuquuqda Aadamiga dhamaantiis in uu waafaqsan yahay shareecada ma aha oo kaliya si guud ee xataa arrimaha gaar ka ah ee lala falanqeeeyay.
Guddiga wuxuu fiiro u yeeshay in qaddiyadda xuquuqda Aadamiga sidoo kale taageertay daraasad cusub ee maqaasidda sare ee shareecada, mowduuc uu si heersare ah u muujiyo Imam Ibrahim Al Shatibi dhammaadkii qarnigii 14 aad hijriyada iyo cilmibaaris dhow ee Fiqiga Islaaamiga. Arrimaha Maqaasidda shareecada oo ay culumada Islaamka iyo fuqahada ay ogaadeen kadibna falanqeeyeen waa qeybta Daruuriyatka waana in la taageeraa in ay yihiin arrimo leh mudnaan weyn. Sidaas darteed waa waajib saaran dowladda Islaamiga in ay difaacdo islamarkaasna horumariso ilaa int awoodeeda iyo dhaqaalaheeda u oggolaanayaan.
Dardaaranka caalamiga ah ee aan la badeli Karin waxaa ka mid ah : Ilaalinta Nafta, Diinta garaadka Baniaadamka, hantida, iyo qoyska. Ujeeddo kale oo ay culimada qaar ku daraan waxaa ka mid ah Sharafka bani’aadamka (Cutubka 17 (70) ee Quraanka. Kuwani waa ballanqaadyada asaasiga ee shareecada waxayna kaga jiraan meelo muhiim ah cinwaankasta ee Dastuurka. Sharciga xuquuqda ee Dastuurada casriga ee intabadan dalalka Islaamka wuxu kuu soo bandhigayaa ujeedooyinkiisa ballan qaad maqqaasidda shareecad. Tani waa hab kale oo loo sheegayo in ay kulansan yihiin Dastuurka iyo shareecada.
12
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Qaybta III
Dulmar guud ee Qabyoqoraalka Dastuurka
Qaybta V ee warbixinta latashigan waxay macnaynaysaa qaybaha ugu waaweyn ee qabyoqoraalka Dastuurka, waxa ay si gaara diirada u saaraysaa sababaha guddiga u soo jeediyay qodobbadan. Qaybtan waxaan si fudu ugu dulmaraynaa qoraalkan.
Hordhac:
Dastuurkan wuxuu noqonayaa Dastuurkii ugu horeeyay Soomaaliya ay yeelato muddo sanooyin ah. Dastuurka kaliya ee muddo dheer shaqeeyay waa Dastuurkii 1960 - waana mirihii xoriyadda, waxaana saamany muuqato ku lahaa Talyaaniga. Wuxuuna wax ka qabtay xaalado kala duwan oo soo food saaray kuwii samaynayay Dastuurka, iyo dalka, ilaa iyo haddaba. 1960 wuxuu ahaa sanado dowlado badan oo afrikaan ah ay xoroobeen dadkana ay rajaynayeen mustaqabal soo ifaayo iyo horumar oo aan rajo kaliya ahayn laakiin ku jira rajo wanaag.
Kontankii sano ee la soo dhaafay waxaa soo ifbaxaayay colaado oo aan ku koobnayn Soomaaliya oo kaliya ee saameeyay dalal badan taasoo abuurtay shakiyaal badan oo ay ka mid tahay qiimaha Dastuurada. Ma cusla in rajadu soo noolaato ama rajada waligeed laga quusto dhimato , hasaahaatee waxaa adag sidii loo soo noolayn lahaa rajada. Inkastoo ay adag tahay in dadku aaminaadooda oo idil in ay galiyaan Dastuurka, guddigu wuxuu aamnisanyahay in Dastuurka uu keeni karo rajo soona noolayn karo rajowanag, haseahaatee waxaa hubaal ah Dastuurka 2010, iyo dadka sameeyay, ay hortaalo howladag si ay u kasbadaan aaminaada dadweynha sida loo ayiday kii 1960.
Haseahaatee, waxbadan ayaa la bartay kontankii sano ee la soo dhaafay ay ku jiraan arrimaha Dastuurada la xiriira , iyo Dastuur samayntaba. Guddigu wuxuu awood u yeeshay in uu helo aqoon iyo waaya aragnimo taasoo ka caawintay howshooda, iyo qoraalada ay dadka wax ka waydiindoonaan, qoraalo ay darsaan kana bixiyaan faalo oo ka duwan qoraaladii la xiriiray Dastuurkii 1960 haseahaatee waxay ka isticmaaleen fikrado Dastuurkaas, kasoo dhamaantiis ahayn mid xun marka loo eego xiligaas, kaasoo badi Soomaalida ay dib u gocanayaan, qayb ahaan waxa uu ka koobnaa iyo qayb ahaan waxa uu ku fadhiyay iyo macanahiisa : xiligii nabada iyo rajo ku noolaanta.
Gaaridda Dadweynha: Afka, Qiyamka iyo xuquuqda
Malaha kala-duwanaansha muuqdaa waa afka – Dastuurkii 1960 Ma suurto galin in lagu qoro afSoomaaliga, hase yeeshee wuxu ku qoraa afda Talyaaniga , Carabiga iyo Ingiriiska. Dastuurkan cusub iyo midka QDLD ee haatan wuxuu ku qoran yahay afoomaaliga (waxaana lagu soo saari doonaa saddexda afood ee rasmiga ah ee Soomaaliya : ‘Maxaad tiri, Maay iyo Carabi) iyo sidoo kale himiladooda. QDLD wuxuu u gaarayaa dadweynha siyaabo kala
duwan: Gogoldhiga dhaxdiisa waxaa si wayn loogu cadeeyay dagaaladii iyo dhibaatooyinkii la soo dhaafay iyo soonoqoshada xigashada Islaamka iyo adkaysigii ay yeesheen Soomaalida xilliga dagaaladaas iyo dhibaatooyinkaas ee xoogga badanaa taasoo guddigu isku dayeen aygoo niyad san in howshooda udub dhaxaad uga dhigaan arrimahaas la soo dhaafay. Waxay gaarsiinayaan dhamaan bulshawaynta Soomaaliyeed mabaadida qiyamka aygoo ka
13
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
walaacsan qaybaha kala duwan ee bulshada sida looga dhigi lahaa mid ay ku wada dhanyihiin xukuumada. Taasi waxay keeneysaa in la joojiyo cadaalad darada iyo midabtakoorka iyo in ay ilaaliso kuwa itaalka daran ayna soo saarto qodobo ilaalinayo caruurta iyo in si toos ah loo xaaraantinimeeyo Gudniinka fircowniga iyo midabtakoorka oo ku salaysan af ama naafanimo, kasoo aan lagu xusin Dastuurkii 1960 haseahaatee ay tahay fikrada saldhig u ah shareecada islaamka.
Waa xilligii xuquuqada aadanaha taasoo waayo aragnimadii tobankii sano ee la soo dhaafay si cad noo tusayso in tobanaankii sano dowlado badan ay noqodeen dowlado siyaasad ahaan xor ah, tobanankaas sano xuquuqda aad baa loo soo bandhigay aygoo ay ka qaybgalayaan dawladdahaas xorta ah ha noqoto heshiisyo caalami ah ay ku jiraan xuquuqada madaniga iyo siyaasada dhaqaalaha, bulshada iyo xuquuqda dhaqanka taasoo soomaliya ay ka mid ahayd xubin xilligaas. Wadankii sameeyay fikradahaas waaweyn uguna dhaqamay xuquuqdaas Dastuurkiisa ayaa manta joogo dhinaca ugu dambeeyo qaarada, guddiga wuxuu soo qaatay cutubka xuquuqul insaanka ee Dastuurka koofur afrika casharadii hore waxa ay nabarayan in ayan caqli gal ahayn in loo daayo xuquuqda in ay sameeyaan xerdajinta kaliya taasoo guddiga manta aysan dan ugu jirin in ay sidaas yeelaan. Xuquuqo yar oo ku xusan QDLD ayaa sheegayo si loo xaqiijiyo xuquuq waa “sida ku xusan sharciga” wuxuu siinayaa gacan xor ah kuwa sharci dajinta. Farqiga cad ee u dhaxeeya jiilkii hore ee Dastuurka wuxuu xooga saaraayay dhaqaalaha iyo xuquuqda bulshada – iyo waajibaadaka Dawladda in uu yahay in uu aqoonsado shuruucdaas iyo sidookale waajibka ay ku tahay muwaadiniinta in ay fuliyaan nafsadahaantooda.
Guddigu wuxuu rumaysan yahay in Soomaalidu walwal ka qabto waajibaadka iyo sidookale xuquuqda, iyo mabaadi’ida garsoorka, taasoo udubdhaxaad u ah shareecda oo rumaysan in ay tahay waajibka iyo xuquuqada in la aqoonsado, sidaa daraadeed waxa uu soo jeediyay guddigu cutubyo kala gaar ah oo kooban kuna saabsan waajibaadka, iyo waajibka muwaadinka ka saran Dawladda, bulshadiisa iyo muwaadiniinta kale. Xuquuqda asaasiga ma aha oo kaliya in ay xurmayso xukuumada laakiin waa ku waajib dhamaan.
Ka hor inta aan la gudagalin xuquuqda, QDLD wuxuu u fasirayaa dadweynha macnaha uu xambaarsanyahay muwaadaninimada. Wuxuu qaatay aragti balaaran oo ogolaanayso in qofkasto oo Soomaali asalkiisa yahay loo aqoonsado muwaadin, tani waxay ku soodhawaynaysaa qaranka kuwii lagu qasbay in ay ka cararaan dalka sanado hore ayaga iyo caruurtooda. Waxa kale oo ay u ogolaanaysaa Soomaalida haysato dhalashooyin kale iyo muwaadiniintaba. Cutubkan waa kan isku si ula dhaqamaayo dumarka iyo raga uusan ka doorbidnaynsiinaynin raga dumarka sida Dastuuro badan ay horay u sameeyeen, inkastoo arintaas hadda aysan badnayn.
Federaalnimada Soomaaliya
Heshiiskii Jabuuti ayaa lagu go’aamiyay in Soomaaliya mustaqabalka noqoto Dawladda Federaal ah. Dunida waxaa ka jira 25 Wadan oo Federaal ah ay ku jiraan isutaga imaaraatka carabta, Najeeriya, Naabaal, Suudaan, Baraasiil, Hindiya, Maleeshiya, Maksiko, Itobiya, Kanda, Jarmalka iyo Maraykanka .
14
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Dowlad Federaal malaha hal xukuumad oo kaliya balse waxaa jiraya xukuumado dhowr ah ee heerar kala gadisan sida Dawladda dhexe, dowlado heer goboleed oo leh xeerdajintooda iyo hay’adahooda kale. Awoodaha waxaa loo qaybiyay xukuumadaha herarka kala duwan. Waxase jira hal xukuumad qaran, laakiin dalku wuxuu ka koobanyahay xubno Federaal ah oo mid kasta ay soodooranayso xukuumad iyo baarlamaan. Xukuumadahaas kale waxa ay leeyihiin ay ku samaysan karaan mowdhucyo qaar, ku aruurin karaan canshuuraha qaar, iyo arrimo badan oo danahooda khuseeyo. Awoodahaas oo dhan waxaa siiyay Dastuurka kamana qaadi karto xukuumada qaranka.
Nidaamkasto oo Federaal waa kala gadisanyahay, marka loo eego taariikhda dalka, halka uu kaga yaal qaarada, dhaqankooda iyo hidahooda. Awoodaha qaar waxaa markasto la siiyaa xukuumada qaranka: arrimaha la xiriira difaaca iyo arimha dibada, lacagta iyo arimha kale ee maaliyadda. Dugsiyada iyo isbitaalada waxa ay noqonkaraan arrimo ay maamulaan xukuumadaha heeraka hoose, inkastoo guudahaan siyaasadooda ay tahay arin qaran. Halka dowlad Federaal ah ay ka samaynayso sharciga ciqaabta arin dowlad qaran arrimaha kalana ay tahay mid khusaynayso xukuumadaha heerka hoose. Qaar ka mid ah Dawladdaha Federaalka waxay leeyihiin xukuumada heer hoose oo badan (Nageeriya waxa ay leedahay 36 dowlad iyo dhulka casimad Federaal ah, maraykanka oo leh 50 dowlad goboleed) halka qaarana ay leeyihiin in yar.
Si loo xoojiyo midnimada dalka guddigu wuxuu soo saaray go’aano waaweyn oo ku saabsan nidaamka: waxay soojeediyeen in xoogga la saaro wada shaqaynta u dhaxaysa xukuumadaha kal duwan waxa ayna talo ku soo jeediyeen awoodo kala duwan oo loo qoondaynaayo heerarka kala duwan. Waxay soojeediyeen nidaam dabacsanaan leh iyo in wax laga badali karo lana hormarin Karo waqtikastaa. Guddigu si cad ugama talo bixin habaka dalka loo qaybinayo sababtoo ah waa arin aad xasaasi u ah. Guddigu wuxuu sidoo kale talo ku soo jeediyay in ay la shaqeeyaan guddiga xuduudaha arrimaha xasaasiga - waxa ayna ku soo dhawaynayaa dadweynha in ay faalo ka dhiibtaan arintaan.
Guddigu wuxuu soojeediyay in la siiyo dowlad goboleedyada fursado ay ku soo dhistaan hay’adaha xukuumadahooda, haddii ay la jaanqaadi karaan Dastuurka qaranka. Guddigu wuxuu soojeediyay hal nidaam garsoor sabatana waxa ay tahay baahida nidamyo kal duwan oo maxkamadeed labada heer ee xukuumadeed waxay dalka u keeneysaa culays dhanka dhaqaalaha iyo muruqmaalka iyo shacbigeeda.
Arrimaha kale ee muhiimka ah waa dowlad goboleed – taasi waa unug ka yar dowlad goboleedyo. Faahfaahin dheer laguma bixin QDLD, haseahaatee waxa ay soojeediyeen masuuliyada ugu wayn in ay saarantahay dowlad goboleedyada; waxa ay tilmaamaysaa oo kaliya in ay jirto xukuumadaas oo ah in la taageero ayna dhiiri galisa dadaalada. QDLD waxa kale uu si dheeri ah u tilmaamayaa dadaalada waxqabad ee heer deegaan - hogaamiye dhaqameedka iyo hay’adaha bulshada aya si gaar ah loo tilmaamay. Sanooyinkii la soo dhaafay arimhaas waxa ay ahaayeen kuwo aad muhiim ugu ah dalka waana arin muhiim u ah ka qayb qaadashada waxtarka bulshada ay u gaysanayso xukuumada oo ah mid la soo dhaweeyo lana isticmaalo.
Arrinta ugu muhiimsan Federaalinimadu waa arinta la xiriirta maaliyadda. Haddii xukuumado la siiyo awoodo aysan la hayn lacag, awoodahaas waa qiimo la’aan. Hasayeeshee waa cadahay in waqti imaandoono lacagaha ay heli doonaan xukuumad kasto
15
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
waxaa uruurinaya Dawladda heer qaran, habka ay --------???? Heerarka Dawladdaha kala duwan waxaa lagama maarmaan ah in ay yeeshaan nidaam caadil ah oo ku saabsan maaliyadda. QDLD wuxuu talo ku soojeedinayaa habraacyo lagu xaqiijinayo in dakhliga loo qabiyo si cadaalad ku dhisan iyo hanaanka loo fulinaayo qaybinta. Hay’ad ayaa msalaysa dowlad goboledyada kal duwan, waxaana jiri doono gole wadatashi, waxaa kale oo jiri doono khabiiro farsamo.
Maqaamka magaalo madaxda Dawladda Federaalka wuxuu ka dhalin karaa su’aalo dhowr ah, magaala madaxdaas waa in ay sii saa jawi martigalin Dawladda qaranka si ay ug fuliso howlaheeda dowladnimo islamarkaasana dib ugoo soo noqoto maydaanka caalamiga. Waxa kale oo ay tahay hooyga dadkeeda horay u daganaa - badanaaba ayaga ayaa ugu badan. Caasimado kooban malaha maqaam sharciyeed u gaar ah ( otawa oo ah caasimada Kanada waa magaalo ku dhaxtaal gobol sida kuwo kale) sidoo kale caasimado kooban ayaa ah dowlad goboleed nafsadahaantooda. Badi waa caasimado dhuleed ee Federaal ah ama dagmo ah - Dawladda Federaalka ayaa u samaynayso shuruuc, inkastoo ay yeelanayso dowlad hoose oo u gaar ah iyo duq magaalo. Guddigu wuxuu soo jeediyay sadaxda suurtagalnimo, haseahaatee ma uusan gaarin go’aan cad ee arintaas - hase ahaatee muqadisho (xamar) wuxuu u ictibaaray in ay tahay caasimadda Soomaaliya.
Xukuumadda iyo hay’adaheeda
Halboowlaha Dastuurka waxaa fulinta, shacidajinta iyo garsoorka. Guddigu wuxuu dareemay in aysan haboonayn in si fah faahsan loogu daro Dastuurka habka loo dooranaayo xukuumada iyo sharci dajinta. Haseahaatee wuxuu dajiyay qaar ka mid ah mabaadi’da asaasiga oo la xiriira nidaamka doorashad iyo habdhaqanka doorashooyinkaa. Marka ay timado qaab-dhismeedka xukuumada, Guddigu wuxuu si aad ah u dareensanyahay in ay jirto doodo adag oo iska soo horjeeda kuna sabsan nidaamyada kala duwan. Nidaamkasta (nidamyada waxaa si guud loogu qaybin karaa nidamka baarlamanteeriga, nidaamka madaxtooyada iyo nidaamyo isku jira labaduba (iskudar iyo iskudhaf) kaasoo ay isticmaalaan dalal badan ee dunida. Dhabahaantii, Soomaaliland waxay haatan ku dhaqantaa nidaamka madaxtooyada halka Puntaland ay ku dhaqnato nidaam u eg baarlamanteeri - inkastoo ay leedahay madaxweyne ku-xigeeyn oo aysan lahayn R/wasaare.
Dawladda Faransiiska waxay leedahay nidaam isku-dhaf ah, Germany iyo Mareykanka waxay leeyihiin nidaamka madaxtooyada. Ma jiro nidaam “sax” ah. Saas daraadeed, Guddigu wuxuu go’aansaday in uusan talo adag ka dhiiban ee uu hordhigo arrimahaas dadweynaha uuna siiyo faafaahinno ku saabsan nidaamka baarlamanteeriga iyo midka madaxtooyada. Waxaad arki doontaa dodo kala dhan ah mid la jiro nidaamka iyo mid ka soo horjeedo qeybaha nidaamka xukuumadda ee hoos ku qoran. Shaxada hoose waxay soo uruurinaysaa farqiga weyn ee u dhexeeya labada nidaam si guud ahaan. Waxaa kaloo jiro shax kale isbarbardhigaysa labada nidaam oo gaar ahaan ay QDLD soo hordhigidoonto Somalida.
16
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Isbarbardhiga nidaamyada baarlamanteeriga iyo madaxtooyada.
17
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Si kooban, habka madaxtooyada waa madaxwayne ay si toos ah u soo doortaan dadweynha kaasoo ah madaxa qaranka lehna awoodaha caadiga ah iyo dowr maamuus wuxuuna hogaamiyaa xukuumada. Habka baarlamantaariga waxaa u kala qaybsan hawlaha hab maamuuska iyo hawlaha xukuumada (xulashada wasiirada oo la siinayo awood siyaasadeed iyo go’aan ka gaarida arrimaha waa wayn) awoodahaas waxaa la siiyay R/wasaaraha, halka nidaamka baarlamanteeriga ay la wadagaan G/wasiirada.
Labada nidaam baarlamaan ayaa si siman loogu soojeediyay QDLD si baahsan. Tirade baarlamaanka waa in ay ahaataa inta u dhaxaysa 200-300. wasiirada waa in aysan noqon xubno baarlamaani labada nidaamba. Hase ahaatee waxaa laga soo xulanayaa dibadda - hadii xubin ka tirsan baarlamaanka loo magacabo wasiir waa in uu iska casilaa xubinimada. Waxaa jiro habab la xusay oo dowrka baarlmaanku ku kormeerayo xukuumada: waa in ay jiraan guddiyio kormeeraya hay’adaha kal duwan ee xukuumada. Waxaa kale oo la siiyay dowr ay ku magacaabi karaan xubno xukuumada ka tirsan.
Nidaamka Federaalka caadiyan waxa uu leeyahay labo Gole baarlamaan kala duwan. Mid waxa ku jira xubno si toos ah dadwaynah u soo doortaan sida caadiga ah (halkan waxaa loogu yeeraa Golaha Shacbka). Midka kale waxa uu matalaa dowlad goboleedyada uu dalku ka koobanyahay una marayaan habab kala duwan xulashadooda ama ay u dooranayaan xubnahooda qaybtan labaad ee Golaha. Ujeedadan waxa ay tahay in xubnaha loo soo xushay in ay noqodaan golayaasha Golaha Dowlad Goboleedyada waa in ay doortaan mid kamid ah in uu noqodo madaxa xukuumadda dowlad goboleedka. Howsha ugu wayn ee Golaha labaad (G/wakiilada Dowlad Goboleedyada) waxa ay tahay in ay matalaan danaha dowlad goboleedyadooda iyo guud ahaan nidaamka Federaaliismak: waxa ay joojin karaan shuruuc la meelmariyay halka aysan joojin Karin shuruucda aan raadka ku lahayn dowlad goboleedyada si gaar ah.
Garsoorka
Nidaamka maxkamadaha ee ku xusan QDLD waxa uu leeyahay hay’ad cusub: Maxkamada Dastuurka. Taasoo ah maxkamada ugusareeyso arrimaha la xiriira Dastuurka, Gudoomiyaha maxkamada Dastuurka waa Garsooraha ugu sareeyo dalka. Waxaa kale oo jira Maxkamada sare – oo ah maxkamda ugu sareysa aan galaynin arrimaha Dastuuriga; Maxkamada Rafcanka iyo maxkamadaha darajada kowaad, kuwaasoo galaya arrimaha la xiriira dambiyada caadiga ah iyo arrimaha madaniga oo ku cad sharciga. Hase ahaatee aragtida Soomaalida waxa ay leeyihiin nidaam dhaqameed aad u dhisan, Xeer kaasoo qiimo wayn ku leh xalinta arrimaha la xiriira khilaafaadka qabaa’ilka, go’aanada ay gaaraan maxkamdaha dhaqanka waa in ay aqoonsadaan guud ahaan maxkamadaha. Go’aanadooda waa in ay waafaqasanyihiin Dastuurka iyo shareecada.
Dhabahaantii shareecada waxaa loo aqoonsanyahay saldhiga Dastuurka, sidaadaraadeed nidaamyada sharci oo idil waa in ay waafaqaan Dastuurka sidoo kale waa in ay waafaqaan shareecada.
Garsoorku ma aha oo kaliya mid ka mid ah gacmaha Dawladda; wuxuu ka cayaaraa dowr muhiim ah ilaalinta Dastuurka iyo sidookale xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta waxayna qayb muhiim ah ka tahay nidaamka ishubinta iyo isudheelitirka ee Dastuuriga ah. Ma gudan karto dowrkaa haddii ay maamusho xukuumada ama xisbiyo kale, ama
18
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
maalqabeenada. QDLD wuxuu ilaalinayaa madaxbanaanida garsoorka asagoo ka dhigaayo nidaamka magacaabista mid ka madxbanaan xukuumada sidoo kale waxa uu ilaalinayaa in garsooraha looga eryo shaqadiisa waxa aan ka ahayn dhaqan xumo, kadib marka loo maro habraacyo madaxbanan oo caadil ah. Waxaa kale oo jira Xeer-ilaaliyaha guud oo ah mid ka madaxbanaan xukuumada dowrkiisa muhiimka ahana wuxu yaahay meelmarinta xeerka ciqaabta isaga dacwad ka oogaayo maxkamadaha hortooda. Tani waxay muhiim u tahay in laga hortago “isxisaabin la’aanta” taasi waa awooda maalqabeenada iyo dadka xiriirada sare leh ay kaga baxsadaan cawaaqibta dambiyadooda
Arrimo kale
QDLD waxa kale uu dajiyay shurruc muhiim ah iyo habraacyo ku saabsan maaliyadda Dawladda, ay ku jiraaan mabaadi muhiim ah oo ku saabsan canshuuraha iyo kharashka taasoo ay awood u leedahay baarlamaanka. Dhamaan hay’adaha dowladu waa in ay leeyihiin hab xisaabeed hufan taasoo ay waajib tahay in uu baaro hantidhowrka guud waana in uu yeeshaa damaanad la mid ah Garsoorayaasha, naqadiyada kaga imaanayo xukuumada in uu u noqodo mid u dakanooba dhaliilida xukuumada. Hay’adaha madaxabanaan oo kale waxaa ka mid ah Guddiga Doorashad iyo Guddiga Xuquuqada Aadanaha ku waasoo ah hay’ado ilaalinaayo sumcada Dastuurka.
Nabada iyo amaniga qaranka intabadan waxa uu ku xiranyahay Booliiska iyo ciidamada qalbka sida. Hase ahatee aygana waa in la kormeeraa- waa in ay masuuliyadooda ku aadan ilaalinta dadweynha iyagoo amar ka qaadanaayo xukluumada la doortay. Mabda’ani, iyo anshaxooda iyo mihnadooda gaarka ah iyo ixtiraamka xuquuqada dadweynha ayaa ah qiimaha aadka loogu taak taaksaday cutubka Nabadda iyo Amnniga sidoo kalana lagu ilaaliyay hay’adaha la soojeediyay.
Haddii si sahal ah wax looga badali karo Dastuurka wuxuu noqon lahaa mid qiimahiisu yaryahay. Sida lamidka ah Dastuurada kale, kani way adagtahay in si sahal ah wax looga badalo. Guddiga wuxuu soojeedinayaa qaybo mihiim ah oo aan waxba laga badali Karin iyo in kuwo kale badalaadooda loo kaashado wadatashi dadwayne ayna helaan taageero xoog leh labada gole ee baarlamaanka waana in ay qaadataa waqti. Guddigu ma soojeedinayo nidaamka wax kabadlka oo loo maraayo afti kasoo keenaayo kharash badan iyo kala qaybsanaan.
Duruufaha lagu diyaariyay Qabyoqoraalka Dastuurka ma ahayn mid kaamil ah xataa midka ugu dambeeya waxaa dhici karto in lagu ansaxiyo cadaadis waqti iyo duruufo adag.
QDLD. waxa uu soojeedinayaa 6 sano iyo bar kadib ayuu bilaabanyaa habraac habaka dib u eegista Dastuurka In uu shaqeeyay iyo in kale. Taasi ayaa keenayso isbadalada. Hase ahaatee waqtiga isguraya ayaa ka dhigayoDastuurka mid shaqeeyo halka aad ugu dag degi in wax laga badalo marka ugu horayso aad ka aragto dhibaato.
Waxa ay qaadanaysaa waqti in Dastuurka si buuxda u dhaqan galo. Faafaahin dheer oo habraacaas lama samayn karo inta waqtiga laga gaaraayo hase ahaate.
19
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Qaybta IV
Soo-bandhigidda iyo sharxidda Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha
Ma aha Dastuurku qoraal si sahal ah loo akhriyo, xataa garyaqaannada naftooda. Guddigu waxay rajeynayaa in dhamaan dadka Soomaaliyeed ee danaynaya ay awood u yeelanayaan in ay akhriyaan qoraalka dhabta ah ee Dastuurka, ama ka dhageystaan idaacadaha. Lakiin waxa ay kuugu caawinayaan in ay kuu fasiraan gogoldhiga sabata aragtiyo qaar loo qaatay iyo sidookale sida loogu habeeyay in Dastuurku u shaqeeyo. Nasiib daro waaya aragnimada waxa ay natusaysaa in dadweynha ay ku adaktahay in ay fahmaan Dastuurka haddii aysan helin caawimaadyo gaar ah, halka dadka qaar ay si cadawtinimo le u diidayaan Dastuurka si ulakac been abuur uga samaynayaan.
mabaadida asaasiga (cutubka 1)
cutubka kowaad ayaa lagu xusay mabaadi’ida aasasiga oo ay ka mid yihiin “Baaqa Jamhuuriyadda” sida loogu magacaabay cutubkaas mabaadi’da asaasiga ee dasuurka taasoo ay waajib tahay in ay hagato qaranka iyadoo la raacayo Dastuurka marka la dhisayo ama la howlgalinayo nidaam cusub eee dowladeed, ay soo saarayso shuruuc ayna abuurayso hay’ado iyo sida dadweynha u isticmaamlayan xuquuqdooda una fulinyaan waajibaadkooda. Arrimaha ugu muhiimsan ee shareecada Islaamka waa furaha guud ee mabda’n cadaalada bulshada loo dhanyahay , iyo talinta sharciga - ay ku jiraan in dadka oo dhami sharciga u simanyihiin ayaa ka mid ah mabaadidan. Sidookale haweenka ay dowr wayn ku leeyihiin nolosha bulshada.
Su’aal
Ma jiraan mabaadi’ kale oo aad jeclaan lahayd in si cad loo qeexo?
_____________________
Baaqa Jamhuuriyadda (cutub 1)
Saraynta Dastuurku – taasoo loola jeedo in dhamaan shuruucdo ay noqodaan kuwa waafaqasan Dastuurka saldhigiisuna yahay shareecada –maqaamka Islaamka waa diinta qaranka, Dawladdana waa dowlad Federaal ah, afaha rasmiga ah ee Soomaaliya waa labo lahjad iyo carabi iyo Muqadishu oo ah caasimadda Federaalka ayaa ah dhamaan qaybaha ugu muhiimsan ee baaqa Jamhuuriyadda.
Muwaaddinnimada (cutub 2)
Hordhac
Muwaadaninimada waxay cadaynaysaa xiriirka gaarka ah ee ka dhaxeeyay qofka iyo Dawladda. Muwaadiniinta waxay mararka qaar leeyihiin xuquuq aanay lahayn daganayaasha aan ahayn muwaadiniinta (tusaale, xaqa codeynta iyo mararka qaar lahaanshaha dhul). Waxay xaq u leeyihiin muwaadiniintu Baasaboor. Waxaana saran waajibaad aan saaray dadka aan muwaadiniinta ahayn (tusaale ka mid noqoshada ciidamada qalabka sida).
20
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Muwaadaninimada waa aasaaska u daacadahaanshaha dalak. Qaranku ma aha dhulka oo kaliya balse waxaa wehliya dadka - muwaadiniintiisa.
Inta badan dadka dhalasho ayay ku helaan hal jinsiyad (ama ka badan ) oo u dhalasho ah. waxaa kale oo lagu heli karaa meesha ay ku dhashaan ama ay ku heli karaan sabab la xariirta waalidkood oo ah muwaadin wadankaas) muwaadaninimada waxaa kale oo lagu helaa (ama ugu yaraan dalbasho ) oo ah mid xulasho qofka samaynayo tusaale ahaan haddii wadan ay dagaan oo aan ahayn kii ay u dhasheen hadana ah mid ay jeclaysteen in uu hoygooda noqodo. Dawlado badan waxa ay leeyihiin sharciyo qaar ay ajaaniibta dagan dalkooda ku heli karaan muwaadaninimo, ma ahan in ay ahaato sax laakiin waa go’aan ay gaartay Dawladdaas una aragtay in uu saxyahay. Tobanaankii sano ee la soo dhaafay malaayiin qof ayaa dalalka ay u dhasheen ka tagay dgayna dageeno dalal shisheeye. Jawaabta arinatani, dalalka qaar waxa ay u ogolaadeen in ay qaataan dhalashadooda haystaan wax kabadan hal jinsiyad (waa marka Dawladdahaas ay ogolyihiin in ay sii yaan dhalshadooda dakaas)
Guddiga wuxuu go’aansaday in uu ku fasiro muwaadinka Jamhuuriyadda Soomaaliya si waafaqsan dhaqanka Soomaaliya, qiyamka taariikhda iyo dhaqamada Dawladdaha casriga ah ee lagu xusay mabaadida xuquuqada aadanaha . waxaa la go’aamiyay sinaata in ay udub dhaxaad u tahay muwaadiniinta.
Arrimo
Yaa ah ama noqon kara muwaaddin Soomaaliyeed?
Labada arin ee ugu waaweyn ee dadka badi ku heli karaan muwaadaninimada waxa ay yihiin ku dhalashada dalka ama in uu waalidkaa yahay muwaadinka dalkaas. Guddigu wuxuu ku taliyay in arrimahaas toona ahayn mid ku filan noqoshada muwaadaninimada: Qof kasta oo ku dhashay jamahuuriyada Soomaaliya wuxuu noqonayaa muwaadin Soomaaliyeed ama labada waalid midkood ku dhashay Jamhuuriyadda. Sabatoo ah in kabadan labaatankii sano ee la soo dhaafay muwaadiniin dalal badan ayaa ka cararay dalkooda, guddigu wuxuu soo jeediyay qofkast oo aslkiisa Soomaali yahay waxa uu si toos ah u yahay muwaadin Soomaali ah. Qof kasto oo si sharci ah ku degganaa dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu yaraan shan sano, buuxiyeyna shuruudaha baarlamaanku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay in uu dalbadao muwaadaninimo. Waxaa intaas dheer, ubadkasto oo da’diisa ka yartahay qaangaar ayana soo korsadeen muwaadin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay in uu noqodo muwaadin. Si dhaqanka caalanka lamid ah, ubadaka u muuqada in uu ka yaryahay sideesd jir waalidkiisna aan la garanaynin wuxuu noqonayaa muwaadin Soomaaliyeed.
Waa maxay xuquuqda iyo waajibaadka muwaaddinku?
Dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed waa in ay ku naaloodaan xuquuqo siman mudanaanta iyo faa’iidooyinka muwadaninimada – kuwaas oo ay ku jiraan helitaanka baasaboor iyo warqadaha diiwaangalinata iyo aqoonsiga ay bixiyaan hay’adaha Dawladda oo la siiyo muwaadiniinta. Arrimaha ku saabsan socodaalka iyo habraacyadooda oo lagu qaato muwadaninimada waxaa si fiican loogu fasiray sharciga. Arrimo badan oo la xiriira xuquuqda iyo inta ay gaarsiisantahay xuquuada muwaadiniinta aynna kaga duwantahay kuwa aan muwaadin ahayn waxaaa lagu xusay cutubaka xuquuqada aadanaha.
21
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Muwaaddinnimo laba ka badan ma la oggol yahay?
Guddigu wuxuu ku taliyay habka lahaanshaha ee labada jinsiyad ama waxa kabadan. Guddigu wuxuu dareemay in muwaadiniin badan oo Soomaali ah oo dalka ka cararay oo dagan dalal badan oo dunida ka mid ah ay qaateen dhalashadooda, ay guursadeen muwaadiniin dalkaas u dhalatay ayana hada leeyihiin caruur muwaadiniin dalalkaas ah . Guddiga wuxuu ku taliyay ayaga iyo xaasaskooda aysan luminin muwaadaninimada kale ay leeyihiin ama ay sii haystaan muwaadinnimda Soomaali.
Habkee qof ku lumin karaa muwaaddinnimada Soomaalinnimo?
Muwaadiniinta ku heleen muwaadaninimadooda si Soomaaliyeen ah waxa ay luminkaraan muwaadaninimadooda haddii ay ku heleen si khiyaano ah ama ay galaan khiyaano Qaran oo ka dhan ah Jamhuuriyadda. Muwaadiniinta uu aslkoodu yahay Soomaali ama asalkooda ka soojeedo waalidiin Soomaali lagama qaadi karo muwaadaninimada.
Su’aalo
1. Ma u malaynaysaa in qodobbadan ay u suurtagelinayaan cid kasta oo mutaysan karta in ay noqoto muwaaddin Soomaaliyeed haddii ay sidaas dalbato ?
2. Ma jirtaa qatar dad aan mutaysan karin in ay noqodaan muwaadiniin aya xaq u yeeshaan in ay dalbadaan muwaadininimadaas?
3. Ma jiraan wax kale oo faallo ah oo ku saabsan muwaaddinnimada? _____________
Xuquuqda Asaasiga ah ee Aadanaha (cutubka 3)
Xuquuqda waa udub dhexaadka Dastuurada casriga ah, guddigana wuxuu rumeysan yahay in uu noqdo ilaalinta xuquuqda aadanha udub dhexaadka Dastuurka cusub ee Soomaaliya waayo xuquuqda waa hibo Ilaah bixiyay oo ku maneystay qof kasto oo noola ah. Dastuur, sharci ahaan wuxuu dhisayaa qaabka dawladeedka iyo qaabka ay ku shaqeynayso; xuquuqo cadeynaya xiriirka u dhexeeya dawladda iyo dadweynaha xakameynaya awoodaha dawladda islamarkaana siinaya habraacyo ay ku fulinayaan awoodooda; wuxuu xoojinayaa muwaadiniinta isagoo siinayana door weyn marka la gaarayo go’aan gaarista. Helitaanka Xuquuqda (hadaynan filnayn) waa laga maarmaan si uu u helo aadanha si uu ugu noolaado sharaf, si ay u meel mariyaan awoodahooda, si ay ugu haqabtiro awoodooda iyo baahidooda gaarka ah.
Aad bay muhim u tahay in la fahmo xuquuqdaas - iyo qodobbada kale ee Dastuurka – oo xakameynaya xukuumadda iyo baarlamaanka waxa ay awood u leeyhiin in ay sameeyaan. Taasi macnaheeda waxaa weeye Dastuurka waa midka ugu sareeyo: shuruucada iyo ficilada ka horimaanaya Dastuurka waa wax kama jiraan oo toos ah.
22
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Sidoo kale waa muhim ah in la ogaado in xuquuqda ay yihiin lama taabtaan: xuquuq kasta waxaa xadeeya sharciga; hase ahaatee haddi baarlamaanka la siiyo gacan furan in uu xadeeyo xuquuqdaas, taa waxay ka dhigeysaa xuquuqdaas mid qiimo daran oo dhowrideeda yartahay. Dastuurada casriga ah waxay ku adkeeyeen xadeyn kastoo lagu sameynayo xuquuqda waa in ay ahaataa mid la aqbali karo ilaalinaysana danta guud ee dadweynaha. Maadaama ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ay ku jirto danta dadweynaha, xadeyn kastoo loo sameynayo waa in ay waafaqsantahay falsafada iyo ujeedaha guud ee Dastuurka dhamaantii.- iyadoo laga eegayo in Dastuurka ujeedahiiso tahay in uu caawiyo Soomaalida.
Yaa go’aaminaya in xuquuq lagu xadgubay, iyo in xadeynta xuquuqda la aqbali karo? Ugu dambeysta maxkamad uun baa go’aamin karta in lagu xad gudbay xaq,-inkastoo baarlamaanku marka uu sharci dejinayo iyo dhammaan hay’adaha kale ee dawladda iyo sharaakiishooduba ay waajib ku tahay in ay maanka ku hayaan muhiimadda ay leyihiin xuquuqdaas. Jiritaanka Nidaam garsoor awood leh islamarkaana madaxbanaan ayaa muhiim u ah ilaalinta xuquuqda asaasiga ah - faafaahiin dheeraad ah ee arintan la xiriirta waxaa ka heli kartaan cutubka garsoorka.
Xilka Guddiga
Axdiga kumeel gaarka ee Federaalka wuxuu siinayaa ahmiyadda ugu weyn xuquuqda aadanaha iyo baahidooda aasaaisiga ah. Mowduucyada ku jira Axdiga waxaa ku jira “ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xurriyadda asaasiga ah oo ku maneystay Allha Weyn qof kastoo binii’aadan ah, waana midda lagu qeexay xeerarka xuquuqada aadanaha ee dawliga ah si midabtakoor la’aan ah oo ay saldhig u yihiin sinji, midab, lab iyo dheddig, af, diin, siyaasad iyo fikrado kale, asal, ama mansabyo kale iyo in la xaqiijiyo baahida asaasiga ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed”.
Walaac gaar ah
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ayaa wuxuu soo jeediyey talooyin ayagoo hawshooda ka bilaabay eegid afkaaro kala duwan iyo heerar xuquuqda iyo isbedelka taarikheed ee xuquuqdaasi ay soo mareen xilliyo siyaasadeed kale duwan , dhaqameed iyo bulshadeed. Guddigu wuxuu fiiro u yeeshay qodobbo badan ee xuquuqda aadanaha ee Dastuuro caalami ah ee dunida waana mid aad u adag fahmadiisa. Guddigu wuxuu kaloo u kuurgalay in dalal badan qodobbada la xiriira xuquuqda aadnaha ee dalalkooda ay yihiin mid dhameystiraaya dhanqangelinaayana xeerarka caalamiga tasoo waajib ku ah Dawladdaha in ay hormariyaan ilaaliyaanna xuquuqdaas. Xeerarkasi waxaa ka mid ah Baaqa caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha oo Soomaaliya ogolaatay markii ay ku biirtay Qarammada Midoobey in ay ku dhaqanto mabaadidaas.
Guddigu wuxuu kaloo dersey shareecada iyo qiyamka Islaamka oo la xiriira Xuquuqada aadanaha, gaarahaan cawinaaddii uu bixiyay Prof. Maxamed Hashim Kamali oo ah xeel dheere shareecada iyo xuquuqda aadanaha.
Hordhacan Xuquqada Aadanaha iyo shareecada ayaa ah gundhiga ugu muhiimsan marka guddigu diyaarinaayay talooyinkiisa ku aadan arintaas. Qodobbada mabaadi’da xuquuqada aadanaha ee ku jiro Qabyoqoraalka Dastuurka latashiga Dadwaynah waxaa loo diyaariyay si taxadar leh oo ay kaga jawaabayaan walaacyada arrimaha soo socodo.
23
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Baahida in la xaqiijiyo in uu waafaqasanyahay shareecada
Guddigu wuxu si faah faahsan uga doday isagoo latashanayo Prof. Kamali arrimaha xaqiijinaya in mabaadiida xuquuqda ay waafaqasanyihiin shareecada. Guddigu wuxuu ku baraarugsanyahay in xuquuqda aadanaha qaar ay yihiin kuwo loo ictibaaaro kuwo laga keenay galbeedka hase ahaatee kuwaasi waxaa la rumaysanyahay in ay si buuxdo u waafaqsanyihiin shareecada. Mabaadi’da asaasiga ee quraanka kariimka ah waa cadaalad , ilaalinta xuquuqda aadanaha iyadoo si gaar ah culayska u saarayso sharafta in ay yihiin kuwo si wayn loogu aqoonsaday cadaaladaas.
Qaar ka mid ah xuquuqdaas waxaa loo eegay si qoto dheer oo ku qotonta shareecada, waana xoriytul qowlaka, xoriyada cabiraada, xuquuqada kaamil ahaanshaha jirka. Guddigu wuxuu go’aansaday in uusan aqabalin qodob sheegayo in qofkasta uu xor uyayhay in uu jirkiisa sida uu rabo ka yeeli karo. Ayagoo ka baqanaya taasi in ay keento in shaqasiyaad aan masuul ahayn jirkooda ay ku sameeyaan wax ka soo horjeeda islaamka.
Haqabtirka baahida Soomaalida
Guddigu wuxuu rumaysanyahay maadama xuquuqada aadamaha ay tahay mid caalami ah , in ay jiraan walaacyo gaar ah ay dadka Soomaalida ka qabaan arrimo gaar ah in lagu xuso Dastuurka mid arrimahaas ka mid ah oo ku wareeganayo umada Soomaaliyeed dhaxdeeda in ay u helaan jawaab waxa ay tahay gudniinka dhadiga ama gudniinka fircooniga. Guddigu wuxu rumaysanyahay in falkan uu ka soo horjeedo Diinta Islaamka, waxa ayna soojeediyeen in arintaan si cad loogu qeexo QDLD. Arinta kale ee aadka muhiimada ugu ah dadweynha waxa ay tahay sida loo wajihi lahaa arrimaha la xiriira qabiilka - QDLD arintaan waxa uu ka yiri in laga hortago midabtakoorka ku salaysan qabiilka. Sidaas si lamid ah waxaa la reebay midabtakoor ku salaysan af- waxaa la ilaaliyay lahjadaha kuwa laga tiro badan yahay ee ka jira Soomaaliya gudaheeda iyo in la xaqiijiyo dadka ku kala hadala labada lahjadood ee Maay arte iyo Maxaad tiri ay leeyihiin xuquuq siman helitaanka xogta iyo waxayaabaha kale.
Soomaaliya waa dal sabool ah laakiinse dadkiisu ay leeyihiin aaminaad wayn oo ku salaysan cadaalad bulshadeed, ayna rumaysanyihiin in lagu gaari karo wada shaqayn Dawladda iyo bulshada si lagu xaqiijiyo in qofkasta uu helo fursadaas nafsadahaantooda, iyo in Dawladda iyo bulshada ay gaarsiiyaan kuwa aan awooda u lahayn nafsadahaantooda. Guddigu wuxuu dhug u yeeshay muhiimada “baahida asaasiga” AKF, sidoo kale waxa uu fiiro gaara u yeeshay baahida asaasiga in lagu gaari karo haddii ay suurto galtahay dadka lagu waxyeeleeyay cadaalad daro la xiriirtada dhanka caafimaadka, waxbarashada, quudka iyo hoyga ay u aadi karaan maxkamad ama sida kale ay u heli karaan xuquuqdaasi. Dhaqaalha, bulshada iyo xuquuqada dhaqanka ma noqon karaan wax la rajeeyo oo kaliya. Inkastoo dalku yahay dal saboolah hadana ay tahay masuuliyada ugu sarayso in la haqabtiro baahida asaasiga waxa ayana masuuliyadaas saaranytahay si shakhsiyana waajibka dowladuna ay tahay in ay xaqiijiso in xuquuqdaasi si tartiib tartiib ah u helaan bulshada iyadoo ku xisaabtamaysa awoodeeda dhaqaale. Hase ahaatee Dawladda waa in aysan ku xadgudbin xuquuqdaas nafsadahaanteeda iyo in ay ilaalisaa xuquuqdaas in cidkale soo faragaliso. Maadaama dhaqaalaha iyo xuquuqda badanaaba si qalad ah loo fahmo(dadka waxa ay u qaateen in Dawladda qasab ay ku tahay in ay quudiso qofkasta) cutubkan ayaa si kooban u fasiraayo, hase ahatee, guddigu wuxuu rajaynayaa habkii si cad loogu gaari lahaa xuquuqdaas.
24
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Dastuurkii 1960
Guddigu wuxuu u noqoday Dastuurkii 1960 si uu u himo galiyo. Dastuurkaa wuzxu ahaa dokomenti ku haboon xiligaa hase ahaatee ma ahayn mid si cad u qeexayo fulintiisana ay ku filantahay xuquuqda, mararka qaarana waxaa loo akhrin jiray si qaloocan oo u danaynayso xulkuumada una ekeeyd in uu siinayo awoodo badan barlamaanka si uu u sameeyo shuruuc uu ku xadaynayo xuquuqdaas. Xuuqo badan oo kala duwan ee laga soo qaatay Dastuurkaas kuwaasoo guud ahaan qaab-dhismeedka latashiga Qabyoqoraalka ku haboon.
Xaqiijinta xuquuqdaa in la Dhooro
Guddiga waxa ay tixgaliyeen awodaha ay leeyihiin hay’adaha dhaqangalinaayo xuquuqda in ay ku filantahay. Guddigu wuxuu aminsanyahay in dadku awood u leeyihiin in ay aadaan maxkamada sidookale mabaadi’da ku aadan xuquuqdaan in si dhab ah loogu dhaqangaliyo Qabyoqoraalka Dastuurka oo aan noqon wado lagu xakameyo. Guddigu waxa kale uu aamnisanyahay in mustaqabalka maxkamaduhu aysan u fasiran mabaadi’da si xadaysan ayse dhiirigaliso in ay ka dhigto xuquuqdaas mid dhaqan gal ah. guddiga xuquuqul insaanka waa hay’ad kale oo masuuliyad gaara ka saarantahay hiragalinta xuquuqda. QDLD waxakale uu dajiyay Guddi madaxbanaan kaasoo ka ilaalinaayo xukuumada in ay ku xadgudubto shacabka iyo in ay ku baraarujiso dadweynha arrimaha ku saabsan Dastuurka ee xuquuqahooda ku aadan.
Gabagabdii ilaaliyaha ugu muhiimsan ee xuquuqada aadanaha waa xukuumada lnafsadahanteeda iyadoo hagayso niyada iyo qaacidooyinka diiniga , culaysyo siyaasadeed iyo guddiga xuquuqada aadanaha iyo maxkamado. QDLD waxa uu ku adkaysanayaa in hay’adaha Dawladda ay dhowraan xuquuqdaas-ixtiraamaana, ilaaliyaana mar marka qaarana ay u fuliyaan si wanaagsan. Ujeedadu waxa ay tahay in xuquuqdaas guud ahaan in ay ku shaqeyaan hay’adaha Dawladda ee heerarka kala duwan, Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Xadeynta xuquuqda
Dastuuro badan, xuquuqkasto waxa la raaciyay oraah tilmaamayso goorta la xadidaayo mararka qaarkood farsamo u muuqato xadayntaasi inay ka muhiinmsantahay xuquuqdaas. Guddiga waxa uu aaminsanyahay in uu jiro mabaadi guud oo sheegayo in xuquuqda la xakamaynkaro, laakiin ay ku imaankarto oo klya xadaynta haddii ay ku jirto danta guud, haddii loo baahdo si lagu gaaro hadafkaas, xadayntu waa mid la aqabali karo-aqablaadaasi waxa ay ku salaysantahay qiyamka uu ku qeexanyahay Dastuurkan si loo hirgaliyo himilada ah in Dastuurkan ka hirgalo Soomaaliya.
Dulmarid
Guddigu wuxuu aaminsanyahay in akhristayaasha cutubka mabaadi’da xuquuqul insaanka ay awood u leeyihiin in ay si sahlan u arkaan aragtida fog: xukuumad ixtiraamayso shacabkeeda, islamarkaasana caawinayso xubnaheeda taagat daran iyo xubnaha bulsha oo dhaxdooda is caawinayo.
Xuquuqda qaarkeed ayay si gaar ah welwel uga muujiyeen mujtamacu: xorriyada hadalka iyo qoraalka; kuwaasoo ay ku jiraan dad lala hadlaayo, ka-mid-noqosho qolo kale, kulanno
25
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
iyo dibadbaxyo, ku-dhaqamidda diinta iyo dhaqanka, ayagoo la wadaagaya dad kale iyo in wax la doortto. Xuquuq kale ayay tahay in la dhowro, kuwaasoo si toos ah u khuseeeyo sharfata aadanaha ay ku jiraan in dadka laga saaro faqariga taasoo ah cizi aad u adag in la hanto. Waxaa jiro qodobo badan oo khuseeya caruurta, qoysaaska dhaxdiisa iyo kuwa aan qoysas la hayn. Waxaa intaa dheer QDLD wuxuu dajiyay xuquuqada xogta (gaar ahaan mida ay hayso Dawladda, iyo xuquuqda la macaaamilka masuuliyiinta xukuumada in ay noqoto mid cadil ah. Mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan xuquuqada aadanaha, sidookale islaaamku siiyay muhiimad wayn waa sinaanta. Waa in aysan jirin isfaquuqid ha noqoto mid ah midab, lab iyo dhedig ama fikrad siyaasadeed ama ra’yi kale qabid,, qabiil, isir, bulshada laga soo jeedo, dhaqan, mehrad, lahjad ama af, dhalasho, milkiyad, dhalasho, Diin iyo naafonimo. Waxa kaloo ay muujinaysaa siyaasado gaar ah iyo talaabooyin xaqiijinaayo kuwa lagu sameeyay faquuqida ama kuwa taagta daran an loo qaadan in ay yihiin in la takooro (sababta in dowlado qaar ay qaaden talaabooyin lagu weeraray in ay yihiin kuwo faquuq ah.
Waa in ay jiraan daawayn muuqato-awooda aad ku aadi karto maxkamad, mararka qaarna aad awood u leedhay in aad ilaalinkartid xuquuqda kuwa kale aan awoodin in ay isilaaliyaan nafsadahaantooda, iyo sida aan horay ugu soo sheegnay in loo baahanyahay guddi xuquuqul insaan taabo gal ah oo leh xil uu wax ku baro iyo wax ku ilaaliyo.
Su’aalo
1. Ma ku qanacsan tahay in xuquuqda Soomaali si haboon loogu ilaaliyay cutubkan?
2. Majiro qodobo qeexayo in uu guurku yahay hashiis si buuxo u dhaxmara lab iyo dhedig. Ma rumaysantahay in lagu daro xaqaas halkan ?
3. Cutubkan laguma cadayn “xaqa in uu shaqeeyo”. Ma jeclaan lahayd in lagu darob xaqqaas?
4. Ma jeclaan lahayd in si gaara loo xuso kooxo kale oo ku nool dalka kuwaasoo u baahan xuquuuqdooda la ilaaliyo?
5. Ma tahay in Dastuurka lagu ilaaliyo xoriyaadka saxaafada iyo warbaahinta? 6. Majiaan wax kale oo faallo ah oo ku saabsan xuquuqada asaasiga ?
__________________________
waajibaadka (cutubka 4)
Guddiga wuxuu ku baraarugsanaa marka laga fiiriyo islaamka in xuquuqda iyo waajibaadka isu dheelitiranyihiin, guddigu wuxuu si cad u ug soojeediyay warbixinadiisa waajibaadka muwaadiniinta. Guddigu ma odarasyo in ay yihiin go’aanadaan kuwo abuurayo waajibaad sharci -qofana looma ciqaabi karo in uusan fulin waajibaadkaas (haddii aan si kale loogu sheegin sharci gaar ah, tusale , bixinta canshuuraha ). Hase ahaatee Waajibaadkaas waxaa loo la jeedaa in lagu gaarsiiyo mujtamaca Soomaaliyeed fariin culus oo ku saabsan aragtida fog iyo sida dadka ay uga qayb qaadan karaan gaarista aragtidaas meekasto ay joogaan
26
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
dadwaynah. Dadka waxaa saran waajibaad siyaabo kala duwan: xuquuqul insaanku waa waajib kuma aha oo kaliya Dawladda ee balse dadweynha .
• In qofku noqodo wadani daacad u ah dalka islamarkaana horumariyo raynrayntiisa .
• In qofku ka qayb qaato hawlaha waxtarka u leh wanaaga mujtamaca iyo qoyska iyo gud ahaa bulsha waynta Soomaaliyed iyo in uu ka qayb galo horumarinta qaranka.
• In uu hormariyo wanaaga bulshada meelkasto ay muwaadiniinta ku noolyihiin • In uu horumariyo waalidnimo masuuliyad ku dheehantahay
• In uu horumariyo midnimada qaranka iyo isu keenida dadka oo kale • In uu horumariyo la xisaabtanka iyo dhowridda talinta sharciga.
• In uu barto qodobbada Dastuurka islamarkaasana difaaco Dastuurka. • In uu ka qayb-qaato kharajka dowladda si waafqasan awooddiisa dhaqaale ; • In uu difaaco dhulka Jamhuuriyadda.
Dhul, Milkiyadda iyo Degaan (cutubka 5)
Sida dalalka kale ee aduunka Soomaaliya waxaa ka jiro dhibaatooyin la xariira dhulka , arrimo ku saabsan baabi’inta dhulka. Tartan xun oo dhulka ah ayaa ka jiro muqadisho iyo qaybo ka tirsan dalka gaarahaan koofurta kaasoo aad ugu fiday wixii ka horeeyay 90 meeyadii. Maqanaanshaha xukuumad faragalis daganaansho yio sidookale cadaalad ayaa loo baahanyahay soo celinta dhulka loona celiyo ciddii xaqa u lahayd, hase ahaatee dib u eegidda ficiladaas iyo xataa sharciyaddii lagu yeeshay waxbadan oo dhulkaas ah.islamrkaana la ilaaliyo ugaarsiga sharcidarada ee lagu hayo khayraadka dalka iyo sidoo kale waskhada sida sharcidarada loogu aasayon waxay ku kordhisay baabi’inta bayada. Waxaa tixgalin dheeraad ah loogu eegay arrimahaas xilliggii wadatshiga. Dhanka kale guddigu wuxuu talo ku soojeedinayaa in laga doodo qodobo lagu sameeyay isbadal aan buurneyn islamarkaana laga soo minguuriyay Axdiga ku-meelgaarka ah.
Qodobbada la soo jeediyay:
Qodobbada latshiga qabyoqoraalka waxa uu uguyeerayaa ::
• In si wadatashi ah loo dajiyo siyaasada dhulka qaranka .
• In la dajiyo siyaasado iyo shuruuc lagu ilaalinayo danaha dhulka iyo sidookale in la dajiyo siyaasado iyo shuruuc lagu xaqiijinayo in dhulka loogu isticmaalo sida ugu wax soosarka iyo waxtarka badan .
• Dawladda fedraalka waa in ay qaado talaabooyin loogu celinayo dhulka milkiilayaashii sharciga u lahaa hadday ahaan lahayd Dawladda ama cid kale. • In la dajiyo shuruuc lagu ilaalinayo Degaana iyo noolaha kala duwan ee dalka. .
27
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
• Xukuumadu waa in ay qaado talaabooyin lagama maarmaan ah la soo nooleeyo goobahii dhibaatadaka soo gaartay wasakhada khatarta ah ee sida sharcidarada ah horay loogu aasay dalka sidooklana laga qaado mag-dhaw kuwa masuulka ka ah ku aasidda wasakhada lana siiyo kuwa dhibaatada ka soo gaartay.
• Dhulka Dawladda waa in lagu bixiyaa oo kaliya sharci si cad u nidaaminayo, waa in aan la iibin dhul dowladi leedahay- waa la kirayn karaa oo kaliya ama ay si Ku-meel gaar ah ayay dowladdu u bixin kartaa.
• Muwaadinka waxa ku waajiba in uu ilaaliyo bayada.
Su’aalo
1. Ma tahay xaqa lahaanshaha hantida ee ku xusan cutubka xuquqada aadanaha in si cad loogu qeexay in uusan ilaalinaynin hantida lagu kala haysto sida sharci darada?Should the right to property in the human rights chapter state clearly that it does not protect property that has been seized illegally?
2. Ma tahay in lagu daro qodob muujinayo in dib loo eego tagtadii oo aay ku jiraan shuruucadii sababtay in xaq daro lagu hanto dhul?
3. Ma tahay lahaanshaha, maareeynta iyo maamulidda dhulka dowladda in ay noqoto mid hoostimaado Xukuumadaha dowlad goboleedyada hoos yimaada nidaamka Federaalka? Ma tahay in ay wax door ah ku yeeshaan hay’adaha Federaalka?
4. Ma tahay in khilaafyada lahaanshaha hantida la horgeeyo maxkamada caadiga ah mise waxaa loo baahanyahay inuu jiro dowor ay leeyihiin guddiga khilaafaadka hantida oo si gaara uga shaqeynaya arimhaa?
5. Ma haysaa talooyin kale oo looga hortagayo dhibaatooyinkii la soo dhaafay oo kale?
_________________________
Masalaad iyo ka qayb-galka bulshada (cutubka 6)
Hordhac
Isxukunka wuxuu ka jiraa meelaha dadweynha ay leeyihiin cod ayana ku dalbanayaan nidaam masalaya xubno ay soo doorteen. Malaha arintaan kama jirto heerka deegaan taasoo aan loo baahnayn sabatoo ah bulshada ku nool oo ah mid tiro yar iyo in qofkasto uu ka qayb gali karo. Mararka qaar tan waxaa lagu fasiraa qaabka loo yaqaaan “demooqraadiyada tooska”. Aftidu waa qaab kale, hase ahaatee waa mid aad uga duwan: waxaa ka qayb galayo dadweynha oo wadajira aygoo codkooda ku dhiibanaayo hal arin ama arrimo la soo koobay oo aan ahayn wakiilada masalaayo) . go’aanada heerka hoose qaar waxaa gaari kara madaxda bulshada iyo madax dhaqameedyada bulshaduna waa in ay taageertaa. QDLD wuxuu odoarsayaa in qaab-dhismeedka heerka deegaan ku yelan karo dowr mustaqabalka, ay siin karaan awwodo dowlad goboleed ama Dawladda Federaalka.
28
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Taa waxa dheeri ka ah bulshada heerka degaan caadiyan habka ay ku samaysanayaan wakiilada masalaya dadweynha waa in ay doortaan wakiiladooda. Dastuurka waa in uu siiyaa habraacii lagu samayn lahaa doorashooyinkaa.go’aanada ugu muhiimsan ee lagaraayo oo ah nidamka qorshaha doorashada waa:
• Yaa codaynkaro
• Immisaa jeer ayaa doorasho la qabanayaa
• Nidaamkee doorasho ayaa la isticmaalayaa: nidaamak doorashad wuxuu walwal ka qabaa haddii daka ay dooranayaan shakhsi ama xisbiyo, iyo habaka dalka loogu qaybinaayo goobaha doorashada ; taasoo raad kuyeelanayso cod bixinta dadweynha oo keenaysana abuurida hay’ada masalaada xisbiyada iyo qaybaha kale.
• Yaa abaabulaayo doorasho
• Side loo ilaalinayaa in la helo doorasho ku dhacdo cadaalad, laga hortago cagajuglayn iyo laaluush iyo xaqiijinta qofkasta uu codbixin karo iyo in codkaas la xisaabiyo • Yaa go’aan ka gaaraayo khilaafaadka ka dhasho doorashada
Aalaaba intabadan musharaxiinta waxa ay ka yimaadaan xisbiyada siyaasadeed waxaana muhiimah in la helo nidaam hago xisbiyada.
Waqtigii la soo dhaafay Soomaaliya waxay isticmaalaysay nidaam msalaad doorasho eek u dhisan tiro isla-eg. Tusale ahaan haddii 30% codbixiyayaasha ay siiyaan xisbi gaara marka ay dooranayaan baarlamaan ama golaha dowlad goboleedka, xisbigaas wuxu helayaa 30% kuraasta baarlamaanka. Waxaa jiro habab lagu gaaraayo arintaan-oo ay ku jirto in xisbi siyaasadeed uu soo saaro liiska musharaxiintiisa hase ahaatee codbixiyayaasha aysan dooranaynin shakhsiyaad bal ay dooranaayaan xisbiga iyo taxdiisa . nidaamyada kale waxaa ka mid ah dal u qaybsan qaybo yar yar qaybkastana ay u dooranayso hal xubin baarlamaanka.
Arrimaha
Yaa codbixinaya
Guddiga waxa uu go’aamiyay in xaqa doorashada uu noqodo in dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo qaangaarka ah waxay xaq u leeyihiin in ay wax doortaan. Si uu cod u bixiyo, muwaadin kasto waa in uu is-diiwaangaliyaa si uu wax u doorto.
Nidaamka doorashada
Guddigu wuxuu ka dooday in QD lagu qoro nidaamka doorashada. Xaqiiqdi, Dastuuro badan uma qoraan si faahfaahsan.guddigu wuxuu maanka ku hayaa in doorashooyinka ay tahay arin u baahan khubaro illaa xad iyo sidoo kale go’aano siyasadeed. Dastuuradu way adagtahay in ay wax ka badalaan. Waa nasiib daro in waaya’aragnimada natusayso in nidaamka doorashooyinka ay markasto keenaan dhibaatooyin hase ahaatee ay aadkaatay in wax laga badalo. Guddigu waxa uu go’aansaday in uu ku kordhiyo mabaadida oo kaliya.
29
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Doorashooyinka
Doorashooyinka waa dhacdo muhiim ah ee jiritaanka dalkastaa. Marka hal dhan laga eego waa fursad dadka siinayso in ay muujiyaan hankooda oo ah yaa xukumaaya ayaga: yaa ku haboon in uu fuliyo hamigga dadweynha , iyo in uu sameeyo si u waafaqasan xaraf xaraf iyo shucuurta Dastuurka. Nasiib daro dhacdadaan oo ah mid la filaayay in ay dhisto dalka ayaa badiba keenayso kala qaybsanaan. Kala qaybsanaantaasana waxaa badi sii xuumeeya siyaasiyiinta kuwaasoo u arkaan fursad doorashada in ay ku helaan awood iyo qaybinta bulshada ee badanaaba lagu xadgudbo xiliga ololaha. Bulshooyin badan doorashooyinka waa fursad lagu abuuro rabshado-taasoo adkaysa in dalku u wada shaqeeyo si wadajir ah mar haddii la doortay xukuumaddii, waxa ayna niyad jab ku abuuraysaa haweenkii iyo qaar kale oo ka qayb galay.
Iyadoo la tixgalinaayo arrimahaan, guddigu wuxuu go’aamiyay in ay muhiim tahay in la dajiyo mabadi’I ku saabsan doorashad, taasoo ay tahay in ay raacaan sharci dajiyayaasha iyo kuwa maamulaayo doorashoouinka.
Yaa maamulaayo doorashooyinka?
Dasturka laguma qori karo sharciyo faahfaahsan balse waa masuuliyada baarlamanka xeerdajin ahaan iyo Guddiga Doorashoyinka ee maamulaayo doorashooyinka. Guddigu waa in uu go’aan ka gaaraa in dalku yeelanayo hal guddi doorasho ama in uu soo jeediyo in dowlad goboledyadu lahaadaan guddiyo gaar ah . iyadoo laga fiirinaayo baahida loo qabo in la helo habraac midaysan oo ka shaqanaya meel walba iyo baahida loo qabo in aan tirade laga badan gudiyada iyo xafiisyada, QDLD waxa uu soo jeedinaayaa in uu jiro hal guddi qaran.
Xisbiyada siyaasada
Xilliyadii hore Dastuurada si dhif ah ayaa loogu xusijiray Dastuurada, hase ahaatee guddigu wuxuu go’ansaday in ay ku daraan-xaqiiqdii dasturkii 1960 waxaa ku jiray arrimo ku saabsan xisbiyada. Sanado badan soomaliya waxaa ka jiri jiray xisbiyo kuwaasoo mararka qaar ay jiraan xilliga doorashad, sidaasdaraadeed dasturka iskama indhatiraayo jiritaankooda iyo muhiimadooda. Xisbiyada waxa ay noqonkaraan xoog wax fiican sameeya, caawiya dadweynha si ay u samaystaan fikrado siyaasaded iyo in ay ku caawiyaan ilalinta nabada. Hase ahaatee waxa ay noqon karaan kuwo wax kala qaybiya mararka qaarna waa aalad loo isticmaalayo himilo siyaasadeed oo shakhsi ah, gaar ahaan shakhsiyaadka maalqabeenka ah, kuwaasoo lacagata ku soo jiidanayaan tasoo aan ahayn mida danta qaranka ku jirto.
Afti (cutubka 16)
Aftidu waa nooc kale oo demoqoraadiyada tooska ah. Guddiga wax uu go’aamiayay in aan loo baahnayn afti haddi larabo in Dastuurka wax laga badalo. Hase ahaatee mararka qaar aftida waxa ay noqon kartaa lagama maarmaan. Tani waa in la isticmalaa marara aad u yar, sababtoo ah waxay keeni kartaa qaybsanaan. Haddii dal kala qaybsanaado, si loo helo aragti dadka ee arrimaha qaar waxaa adag in la dajiyo dareenka haddii natiijada ay ku dhamaato si isku dhow. Afti ma ahan mid aan Dastuuri ahayn oo aan ka ahayn wax kabadalka Dastuurka. Si looga saaro shakiga arintani, gudddigu wuxuu go’amiayay in ay jiri karto in ay suurto galtahay in lagu daro habraacyada qar. Afti badan(eek u jirto midka ostereeliya ay ku
30
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
waydiinaysay dadwaynahooda in ay noqoto jamhuuriyad ama markii boqortooyada ingeriiska ay waydiisay muwaadiniinteeda in ay ku biiri karaan wadjirka yurb) waxaa lagu dhaleeceeyay u yeeritaanka natiijada laga filaayay.
Arinata ugu dambayso: ka qayb gala balaaran
Wadamo badan ayaa ku faraxsanayn qaabka demoqoraadiyada oo ah in dadka ay codeeyaan oo kaliya hase ahaate aan la siinaynin fursad ay ku muujiyaan araahada ay ka qabaan habka xukuumadooda u shaqayso. Iyadoon la isticmaalaynin aalada qaaliga ee aftida, waxa jiro fursado badan ay dadka waxtar yeelankaraan, guddiguna waxay aad iyo aad uga fikireen in lagu daro arrimahaas.
Dulmarid
Nidaamka doorashada, mabaadida lagu soojeediyay QDLD waxaa ku jira in niidaamku xaqijiyo inta suurtagal ah in codadka oo idil ay leeyihiin qiimo siman. Taxada naidaamaka masalaada ku dhisan tirade isla-eg ayaa gaara inkabadan kuwa kale, hase ahaatee nidaamyada kale naftooda waxa ay u dhisanyihiin hab wanaagsan. Mabaadida kale ee muuhimka ah lana qeexay ayaa ah in nidamku uu noqodo mid dadka ay fahmi karaan iyo in uu awood u siiyo qaybaha kal duwan ee bulshada in ay masalaad ka helaan. Tani waxa ay si gaar ah muhiim ugu tahay haweenka, iyo kooxo kale.
Qabyoqoraalka Dastuurka la tashiga dadweynaha waxuu si cad u sheegayaa in sharciga iyo habraacyadu laga doonayo in ay xaqiijyaan in codbixiyayaasha fahmaan nidaamka codeynta iyo arrimaha ay codka ka dhiibanayaan.
Ololaha doorashadu waa in uu noqdaa caddaalad. Muwaadhinka kasta oo qaangaar ah waa in awood loo siiyaa in ay codeeyaan (Dal inta badan dadku reer guraa yahay waxaa loo baahanayaa in si taxadar ah loo qorsheeyo) iyo waana in ay helaan kalsoonida in cododkoodu qarsoodi ahaanayaan, taasoo aan ahayn howl sahlan dal inta badan codbixiyayaashu wax aqrin qorinna. intii suurta gal ah waa in lacagtu saameyn ku yeelan natiijada(codbixiyayaashu waa in aan la luushin waana in xad loo sameeyo inta lagu qarashgareynaayo ololaha, inkastoo tani aany Dastuurku shardineyn).
Guddiga qura ee doorashooyinka qaranka ayaa maamulaaya doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo Dawladdaha hoose iyo sidoo kale doorashooyinka qaranka. Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa rasmi ahaan ansixineysa natiijooyinka doorashooyinka, Sharcibaana nidaaminaaya gooreysanaanta lagu xallinaayo khilaafaadka doorashooyinka.
Guddiga doorashooyinku waa in uu dejiyo Xeer Dhaqan, isagoo la tashanaya qeeybaha ku lugta leh,oo ay ku jiraan warbaahint si uu tilmaan laraaco ugu noqdo habdhaqan masuuliyadi ku jirto.
Qabyoqoraalka Dastuurka ee la tashiga Dadweynaha wuxuu shardinayaa in uu jiro sharci ku saabsan diiwaangelinta axsaabta siyyasadeed iyo in aan xisbi aan diiwaangashneyn uusan soo qaddimin musharaxiin la doorto. Hase ahaatee waa in xeerka diiwaangelinta aan lagu xadgudbin (xisbiyada talada haya waa ay ka hor istaagaan diiwaangelinta xisbiyada kale ama wxay ka saaraan diiwaanka cadaawad darted.
31
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Si looga hortago in si khaldan loo isticmaalo aqoonsiyada iyo in laga horistaago xisbiyada in ay xoog ku isticmaalaan –ama axsaabta isticmaalaya ciidamada- waa in aan la oggolaan xisbiyo ku dhisan ciidan iyo heyb qabiil. Xisbiyadu waa in ay leeyihiin dhexdooda nidaam diimoqaraadi ah waana in xisaabaadkooda la baaraa.
Sharci ayaa tilmaamayo xisbiyada in ay cadeyaan si cad meelaha ay dhaqaalaha ka heleen.
Habdhaqanka xisbiyada siyaasadeed waa in ay raacaan Xeer Dhaqan, ma ahan oo kaliya xiliga doorashada balse waa gud ahaan. Aftida Dastuurka waxa uu ka leyahay in la xaqiijiyaa su’aalaha aftida in ay noqodaan mid cad, aysan ahayn mid xaqiiqada daboosho aysana ahaanin mid tilaamaysa habka su’aasha looga jawaabaayo ama qaab-dhismeedka warqada wax lagu qoraayo ama habka dadka in ay wax u doortaan ay tahay.
Meelaha qaar QDLD waxaa ka jira qodobo dhiirigalinaaya ka qayb galka dadweynha si balaaran. Tani waxa ka mid ah xaqa tacbiirka iyo ka mid ahaanshaha, xaqa dacwad qoraal ah ee xukumada iyo madaxda, iyo waajibaadka baarlamaanka in uu fudueeyo ka qayb-galka dadweynha .
Su’aalo
1. Miyaa lagu darayaa Dastuurka mabadi’i dheeraad ah oo lagu maamulayo doorashooyinka? Haddii ay sidaas tahay, maxay kula tahay in ay noqoto mabaadi’daas dheeriga ah ee lagu maamulayo?
2. Ma jiraan qodobo lagama maarmaan ka dhigaayo kormeerka doorashooyinka in ay fududeeyaan hay’adaha wadaniga? ama caalmiga?
3. Majiraan wax kale oo faalo ah aad ku daraysid doorashooyinka?
_____________________
Qaabdhismeedka Federaaliga (oo ku urursan Cutubka 7)
xilka Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Federaalka (IFCC) wuxuu yahay, sida ku xusan Axdiga Federaalka ee Ku-meel Garka, in Soomaaliya loo dhiso nidaam Federaal ah. Federaalnimadu waa nidaam ay awoodda dowladdu u qeysanto xukuumado laba heer oo asaasi ah kala ah; Federaal iyo dowladgoboleed. Federaalnimadu waa nidaam xukun wadaag ah (heerka Federaalka) iyo isxukun (heerka dowladgoboleedka). Waxaana heer kasta jiraya hay’ado xukun. Qaabdhismeedka xukuumadda Federaalka waxaa loo qaabeeyay in uu matalo dadweynaha Dalka isla markaana ay dowladgoboleedyadu u jiraan unugyo gooni ah. Tani waxay aad uga muuqataa sharcidejinta, oo sida caadiga ah ka kooban laba Aqal, uu midi matalo dadweynaha kan kalena uu matalo dowladgoboleedyada. Sidaa darteedna ay ilaa xad ay hay’adaha Federaalka ahi noqdaan madasha (forum) wada-xaajoodka Federaalka iyo dowladgoboleedyada. Dhanka kalena, Qaabdhismeedka dowladgoboleedyaduna inuu matalo dadweynaha Iyada oo ay Federaalka iyo dowladgoboleedkuba yeelanayaan hay’adohooda xeerdejinta iyo fulintaba, Federaallada qaarkoodna Garsoorku wuu mideysan
32
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
yahay si iyagoo hal ah ay ugu adeegaan labada heer ayna isla markaana u dhawraan xuquuqda Federaalka iyo xukuumdaha dowladgoboleedyada. Awoodaha Federaalka iyo xukuumdaha dowladgoboleedyada iyo xiriirrada dhexdooda ah waxay ku saleysan yihiin Dastuurka, uu garsoorku tiirinayo, habkaas ayuuna garsoorku ka qaadanayaa dowr muhim ah xallinta mashaakilka ka dhexdhasha.
Mabaadii’dan gudeheeda, ayey ku dhexjiran tafaasiisha kala duwanaanshaha 25 iyo dheeriga Federaal ee Adduunka ka jira. Kala duwanaantaasi waxaa keena asbaab kala duwan, sida taariikhda, waqtiga la dhisayay Federaalka, inuu Federaalkaasi ku yimid isku daranka unug hore u kala madaxbannaanaa ama kala qeybin dowlad mid ah ama u kala qeybin dowlad mid ah unugyo dowladeed oo yaryar (sub-national units), baaxadda iyo kheyraadka Dalka, waxaana intaa ka muhimsan, sababta loo dhisay Federaalka. Federaallada waxaa lagu dhisaa asbaab kala duwan, gaar ahaan difaaca, xukun qeybinta (decentralisation), horumarinta dhaqaalaha, economic development, iyo in ay sii jirto midnimada dhuleed si looga hortago gooni u goosasho. Waxaa dhawaan Federaallo la dhisay laga unkay kala qeybin dowlad mid ah, si loo xalliyo khilaaf dadweynaha ka dhexeeyay oo ku saleysan diin, af iyo asal, isla markaana loo dhiirrigeliyo in ay dadka laga tiro badan yahay in ay ka qeybqaataan arrimaha guud iyadoo la siinayo in ay isxukumaan. Qaabdhismeedka hay’adaha xukuumadda, habka loogu qeybinayo awoodda, xiriirka Federaalka iyo dowladgoboleedyada iyo habraaca lagu xallinayo khilaafaadka ayaa xaddida sababta loo dhisayo Federaalka.
IFCC si ay u xaddidaan nidaamka Federaalka ee u habboon Soomaaliya, waxay darseen habdhiska iyo khibradaha tiro Dastuurro hore iyo kuwo cusub waxayna la tashadeen khubaro Federaalnimada. Waxay tixgeliyeen duruufta Soomaaliya (oo ay ku jiraan soo ifbixidda burburka dowladdii Soomaaliya ka dib, ismaamullo leh nocyo isxukun ah gobollada qaarkood ama gobollo isu tegey) iyo awoodda xaddidan ay Soomaaliya u leedahay in ay dhisto una wadi karto Federaalka. Federaalnimadu way ku cusub tahay Soomaaliya; Dastuurradii hore ee Soomaaliya
waxay wada ahaayeen kuwo midnimo (unitary). Haseyeeshee, burburkii dowladda, waxaa soo baxay qeybo ismaamul hoose, oo ay ka dhasheen awoodo badan oo kala duwan.
Guddigu wuxuu garwsaday, siiyayna mudnaan sare in go’aankiisa la xiriiray Federaalnimada uu raad weyn ku yeelanayo mowduucyo kale oo Dastuuri ah (oo ay ka mid yihiin sharcidejinta, garsoorka iyo maaliyadda guud). Dastuurkuna wuxuu israacsanaan guud yeelan karaa oo kaliya marka laysla oggolaado qalfoofta qaabdhismeedka Federaalka ah, markaa ka dib ayaana loo gudbi karaa arrimaha kale.
Soojedinnada Qabyqoraalka Dastuurla La Tashiga
Laba mowduuc ayuu Guddigu (IFCC) ku saleeyay soojeedinnadiisa: kuwaas oo ah iskaashi iyo jileyv (flexibility). Guddiga waxaa ka go’an in Federaalnimadu ay xoojiso oo aysan daciifin midnimada qaran, wuxuuna dareemay in ay arrintani lagama maarmaan u tahay dhiirrigelinta xiriir iskaashi ku dhisan ee u dhexeeya xukuumadaha kala duwan. Waxay kaloo aqoonsadeen in ay sahlanaan karto in nidaam Federaal ah laga dhiso dalka, dowlad horey u mideysneyd oo leh karti kala heer ah iyo meelo kala duwan, haddii dowladgoboleedyada oo ay ka koobnaanayso Soomaaliyadda Federaalka ah aysan mar kaliya yeelaneyn masuuliyado isku mid ah, balse si taran leh ay u yeelanayaan awoodo cusub.
33
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Mabaadii’da Federaalnimada Soomaaliya
Guddiga (IFCC) wuxuu ku talinayaa in dhamman darjooyinka hay’adaha xukuumadda lagu dhiso mabaadii’da dimoqraadiyadda. Awoodahana loo qeybiyo heerarka sida ugu habboon loogu isticmaali karo. Canshuuraha iyo ilaha kale ee dhaqaalana lagu ururiyaa meesha ugu habboon.
Isagoo og in ay jiri karaan xiisado ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladgoboleedyada, ama dowladgoboleedyada dhexdooda, ayuu (IFCC) soojeediyay in heerarka xukuumadaha ee kala duwani ay yeeshaan iskaashi xooggan. Waxayna ku talinayaan in ay arrimaha siyaasadda iyo sharcigaba ka yeeshaan wadatashiyo dhexdooda ah oo ay u marayaan ururro dowladeed. Khilaafyada laba xukuumad ama ka badan waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyo markay suuragal tahayna dhexdhexaadin. Maxkamaduhu ma gelayaan ilaa ay ku qancaan in ay fashileen in khilaafkaasi uu ku dhammaado wadaxaajood ama dhedhexaadin. Haddii ay xukuumadda Federaalka ahi ay maaggan tahay in ay soo dhegasho dowladgoboleed ku fashilantay in ay si mas’uuliyad ku dheehan u gudato waajibaadkeeda ayna muuqato xiisad ama laga baqayo, waa in ay marka hore isku daydo in ay la taliso ayna u fidiso kaalmo, ayna kaliya marka ugu dambeysa qaaddo tallaabo. Inteysan tallaabo qaadin, waa in ay oggolaansho ka haysataa Aqalka dowladgoboleedyada.
Si loo yareeyo xiisadaha ka dhasha Federaallada eek u saleysan fursadaha aan loo sinneyn, Guddigu ((IFCC) ku talinayaa habab xaqiijinaya khidmooyin isku mid ah iyo si caddaalad ku dhisan dalka oo dhan loogu qeybiyo kheyraadka. Qeybta la xiriirta maaliyadda guud waxay ka hadleysaa habab ay ku jiri karaan u sinnaanta fursadaha iyo horumarinta dowladgoboleedyada.
Heeraka Xukuumadda
Seddex heer xukuumadeed ayaa lagu taliyay: dowlad degaan, dowladgoboleed iyo Federaal. Heerka dowladda degaanka kooxaha degaanka iyo bulshada ayaa saldhig u noqonaya hay’adaha, ama ka qeyb qaadanaya, xukuumadda iyo xukuumadda degaanka ee rasmiga ah ee la dhisayo. Xukuumadda Federaalka waxay u sameyn kartaa xukuumadahaa tilmaanno haga, waxayse masuuliyadda sameyntoodu saran tahay dowladgobleedyada (waxay ku xirnaaneysaa xilliga la dhaqangelinyo Dastuurka waxaana suuragal ah in laga maarmeyn in xukuumadda Federaalka laga qeybgeliyo geedisocodkaas). Qaabdhismeedka iyo awoodaha heerarka kale waxay ku jiraan sharciyada Dastuuriga ah.
Dowlad-goboleedyada iyo xuduudooda
Axdiga Ku-meel Gaarka ee Federaalka wuxuu dhismaha dowladgobleedyada u ictibaaray in laga dhisayo iskudarka (ama israacin -merger) gobollo (uu ula jeedo 18kii gobol), mase qorayo wax tira ah. IFCC waxay ka doodeen waxa lagu saleynayo dhismahooda (arrin si dhaw ula xiriita su’aasha xuduudahooda).
Go’aankii asalka ahaa ee la xiriiray baaxadda iyo tirade dowladgoboleedyada ama xuduudahooda cadaadis ayaa uga iman kara dhaqaalaha, dadka (demography) iyo isbeddelka bulshada (sida shakhsiyadda). Haddii xuduudaha ama tirade dowladgoboleedyada ay isu beddelaan si ay u xambaartaan isbeddelkaa, Federaalnimada way burburi kartaa. Sidaa darted ma aha waxaan caadi ahayn in la sameeyo xeer si aan xanaf lahayn lagu gaari karo isbeddelladaa. Guddiga Soohdimaynta
34
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
xuduudaha ayaa u xilsaaran xallinta khilaafaadka hadda ka jira iyo xallinta kuwa mustaqbalkaba. Madaama arrinta soohdimaha Dawlad-goboleedyadu tahay mid xasaasi ah, GMDF wuxuu ku talinaya in GMDF ama hay’addi kale xilka ka dhaxasha uu arrintani daraasad dheerad oo qottadheer ka sameeyo, ayadoo lala tashanaayo Guddi Soohdimaynta Qaranka, kala taliyaan tirada ugu yaraan ama ugu badnaan ay ka koobnaan karaan dawlado-goboleedyada Jumhuuriyadda.
Qaab-dhismeedka Xukuumadaha
Mabaadii’da asaasiga ah ee nidaamka xukunka wuxuu ahaanayaa mid isku ah heerarka Federaalka iyo dowladgoboleedyadaba, si uu u sahlo wadaxaajoodka u dhexeeya xukuumadaha iyo iskaashigooda. IFCC arrintan kama sameyn wax talosoojeedin ah oo ku saabsan qaabka uu nidaamku ahaanayo. Sida looga dooday la xiriirta nidaamka xukuumadda, IFCC arrintan waxay u gudbiyeen in ay dadweynuhu talobixin ka bixiyaan. Waxay qeybtaas muujineysaa oo kale doodad la xiriirta faa’idada labada nidaam ay leeyihiin: nidaamka madaxweyne ee fulinta iyo golaha wasiirrada barlamaaniga ah, si dadka loogu fududeeyo doodad iyo tlaosoojeedintooda ay u gudbinayaan IFCC.
Hal Dastuur ama Dastuurro badaan (Cutubka 13aad)
Ka dib markii la tixgeliyay nuxurka iyo faaiido darrida uu leeyahay hal Dastuur kaa soo daboolaya qaab dhismeedka Dawladdaha Federaalka guddiga (IFCC) waxay goaamiyeen in dawlad walbba yeelato Dastuur u gaar ah tanina waa heerka waaqiciga ee Federaalka, hase yeeshee waxaa
Xusid mudan nooc gaar ah ee Federaal sida dalalka India, Pakistan, iyo Nigeria. Mabda’yan Dastuurka wuxuu tilmaamaa qaab dhismeedka dawladda maaddaama awoodda dawladda lagu muujiyaa Dastuurka qaranka, qaab dhismeedyadan iyo qayba kale ee Dastuurka waxay xaqiijinayaan mabaaadiida aasaaska ee Dastuur qaran mana aha wax dhici kara inaan lagu muujin Dastuurka qaranka guud ahaan.
Mabdaiyan, Dastuur qaran waa in looga wada xaajodaa si dimuqaraaddi ah wuxuuna dhaqan gal noqonayaa marka maxkamadda Dastuuriga caddayso in dhammaan shuruudaha Dastuurka yihiin kuwa qanac mudan.
Faaiidada dawlad goboleedyada kala duwan wuxuu fursad xulasho siinaya dadaka ku dhex nool maamul goboleedyada. Dastuurku guud ahaan waa inuu xiriir la leeyahay dhqamada maxaliga ah iyo duruufaha jira wuxuuna muujiyaa qiimaha iyo raad raaca dawladeed. Muhimadda la tilmaamimkaro ee Federaalkau leeyahay waxaa ka mid ah kala duwanaashaha siysadeed iyo qaanuun iyo fursadaha soo bandhigidda aragtiyo kala duwan ee Dawladdaha.
Baarlamanka dawlad goboleedyada
Gudduga ( IFCC) wuxuu garwaaqsaday in aqalka sare ee baarlamanka uu ka ciyaari karo door muhim ah marka ay timaaddo hawlaha Federaalka.
Aqalka dawlad goboleedyada waxaa looga doodaa qeyb baarlamanka ka mid ah, hase yeeshww jiritaankeedu wuxuu noqonayaa mid ku adag habka Federaalka cusub ee somalida. Ergooyinka dawlad goboleedyada doorkoodu waa inay ilaaliyaan habka Federaalka, ka qeyb qaadasha gudbinta shuruucda Federaalka iyo ansixinta miisaaniyadda qaranka iyo guud ahaan kor meerka hawlaha dawladda Federaalka.
35
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Garsoorka
Garsoorku wuxuu damaanad qaadaa xuquuqda muwaadiniinta, maxkamaduhuna waxay door muhim ah ka qaadanayaan ilaalinta nidaamka Federaallka. Soojeedinnada la xiriira garsoorka waxaa shir ay u dhan yihiin ku gaaray guddiyada Federaalka iyo garsoorka. Guddiga Federaalku waxay doorbideen hab midaysan halka kuwa kale ay door bidaan hab maxkamadeed kala duwan oo ay yeeshaan Federaalka iyo dowladgoboleedka, dood ka dib waxaa la go,aansaday habka midaysan iyada oo la tixgeliyay dhaqaale yarida iyo dadkii aqoonta lahaa ee hawshaa qaban lahaa, waxaa kaloo la isla oggolaaday in dawladgoboledyada ay ka qaybqaataan habka magacaabista garsoorayaasha taasoo laga soo dhex xulayo dhammaan dalka o idil.
Qabyqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha, wuxuu u fidinayaa hab dhaqameedka xallinta khilaafaadka aqoonsi leh qanac.iyo xadad xadaysan oo ku habboon, habka garsoorka oo faahfaahsan waxaa lagaga hadli doonaa qeybaha soo socda.
Shaqaalaha dowladda
Guddiga (IFCC) wuxuu dawladda Federaalka ah u soo jeedinayaa inay yeelato adeegyo guud oo u gaar ah hase ahaatee dawladda fedarlaka iyo xukuumadda waa inay iska kaashadaan hawlgelinta shaqalaha heerarka kala duwan, gaar ahaan iney xaqiijiyaan in aqoonta iyo khibradda laga helo meelaha looga baahdo, midnimada qaranna kor loo qaado. Waxaa intaa dheer, in guddiga qaranka ee adeegga guud uu soo saaro habraaca aqoonta shaqada looga baahan yahay, habka shaqo qorista, mushaarka iyo faa’idooyinka kale.
Baahinta Awoodda
U qeybinta awoodaha dowladda dhexe iyo dowladgoboleedyada. Caadi ahaan waxaa jira liis awoodo ah ee ay leedahay dowladda dhexe iyo liis awoodo ah ee dowladgoboleedyada, uu mid kasta u leeyahay awood gaar ah uu ugu soo saaro sharciyo. Mararka qaarkood waxaa jira liis seddexaad oo ay labadodu awood u leeyihiin. Haddii sharciyada dowladda dhexe iyo
dowladgoboleedyadu awoodo wada-socda (concurrent) ay leeyihiin mowduuc leysku khilaafsan yahay,Dastuurka ayaa qeexaya sharciga la raacayo. Habka caadiga ah waa in la raaco sharciga Federaalka ah, hase yeeshee waxaa suuragal ah in la siiyo sarreynta sharciga dowladgoboleedka, ama awoodaha wada-socda liiskooda loo qeybiyo laba, mid ay dowladda dhexe ay sarreynta leedahay kan kalena dowladgoboleedka (IFCC waxay ku taliyeen qaabkan). Federaalladii jiray waxaa dhaqan u ahaa in si cad loo qeybiyo xilalka iyo awoodaha dowladda dhexe iyo dowladgoboleedyada, Federaallda dhawaan la sameeyaya waxay aad ugu janjeeraan xiriir iskaashi ku dhisan, liiska awoodaha wada-socdana wuu ballaaran yahay. Si ay tani u shaqeyso, xukuumada heerarka kala duwan ama isku heerka ah waxay u baahan yihiin in ay iskaashadaan iskuna duwaan, sharci dejintuna waa inay ka muuqataa iskuduwiddaa iyo iskaashigaasi. IFCC waxay qaateen habkaan dambe (qeybta nidaamka xukuumadda ayaa looga dooday habka sharcidejinta ee la xiriira awoodaha wada-socda).
36
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Qabyoqoraalka Dastuurka la tashiga Dadweynaha (CDC) wuxuu ku dejiyay habka loogu qeybiyay awoodaha sharcidejinta dowladda dhexe iyo dowladgoboleedka. Mabda’a guud waa arrimaha xambaarsan danaha iyo ujeeddo qaran in ay leedahay dwladda dhexe, arrimaha ay daneynayaan bulshooyinka gobolladana waxaa la siiyay dowladgboleedyada, arrimaha degaannada u gaarka ahna waxaa la siiyay Dawladdaha hoose ama heerka dwlad hoosaadka. Sida kor lagu xusay, mabda’ kale oo ah in awoodaha loo qeybiyo heerka ay suuragal tahay in si hadba sida waxku-ool ah ee loo fulin karo. Awoodaha dhabta waxaa la kala siin karaa markuu dhamaado la tashiga Dadweynaha ee Qabyoqoraalka Dastuurka (CDC). Kani wuxuu ka tegayaa arrimo fara badan oo ay labada heerba daneynayaan (awoodo wada-socda). Ceebta uu uu leeyahay hab dhaqameedkaas ee qeybinta awoodda waxay tahay ineysan jirin dabacsanaan oo ka turjumeysa baahida horumarineed, karaanka ama mudnaannada isbeddelaya. Qaabka ay IFCC u galeen arrintan waxay tahay in ay ku dareen tiro mowduucyo ah oo la hoos geeyay liiska awoodaha wada-socda. Dabacsanaanta waxaa kale oo lagu gaaray iyadoo aan si gaar ah loo siin dowladda dhexe awoodo khuseeya iyo iyada oo la raacayo habraac gaar ah. Farsamo kalena waxay tahay in loo wareejiyo awoodo aan markii hore la siin dowladgoboleedyada ay xaq u leeyihiin markaan la yimaadaan karti ay ku isticmaali karaan haddey horumariyaan kartidooda.
Dwladgboleedyadu markay doonayaan in ay arrin sharci ka soo saaraan oo ay wada leeyihiin dowladda dhexe, waa iney iyagoo dhawraya iskaashiga la tashadaan dowladda dhexe. Xaaladda la xiriirta sarreynta sharciga dowladgboleedka, waa inuu sharci Federaal ah waa in ansixiyaa oo habeynaya sida ay dowladgoboleedku u qaadayaan xilka sharcidejinta; maadaam ay tahay mowduuc aysan dowladda dhexe marnaba ka soo saareyn sharci buriya kan dowladgoboleedka. Habkaas waa in la sameeyo daraasad lagu hubinayo kartida dowladgoboleedka ay ku qaadeyso mas’uuliyadda soo saaridda iyo maamulka sharci ee la xiriira mowduuc.
Caadi ahaan awoodda maamul waxay daba socotaa tan sharcidejinta, tusaale ahaan, hadduu heer mas’uul ka yahay waxbarashada asaasiga ah wuxuu mas’uul ka yahay hirgelinteeda iyo maamulkeedaba. Mararka qaarrkood xukuumaduhu waxay kula heshiin karaan heer kale oo xukuumadeed inuu maamulo sharcigeeda la arrin gaar ah.
Igmashada Awoodaha
Guddiga IFCC waxay talo ku soo jeedinaayaaan in la helo fududayn marka la isu idmanayo awoodda hadba heerka ay tahay sida dawladgoboleedka arrin maamul u igman karto dawldda Federaalka taasoo ah mid lagu saleeyay heshiis. Dawladda Federaalka arrintaas masuuliyadeed waxay ku ansixinaysaa sharciga Federaalka. Iyadoo arrintaasi wada tshiyo laga yeelanayo isla markaana la xaqiijinayo in dawlad goboleedka ay haystaan ilaha dhaqaale ee loo baahanyahay.
Sidoo kale waxay dawladda Federaalka ah u igman kartaa masuuliyad hawleed dawlad goboleedyada marka la xaqiijiyo jiritaanka ilo dhaqaale.
37
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Wajiga maaliyadeed ee Federaalka
Wajiga muhiimka ah ee federaaalka waa arrimaha maaliyadda oo muhiim u ah socodsiinta xukumadda iyo hirgelinta siyaasadaheeda. GMDF wuxuu soo jeedinayaa marka ay suurtagal tahay in heerkasta oo xukuumadeed ay hesho maaliyad ku filan iyo dhaqaale ay ku fuliso Masuu’uuliyadaheeda.Maaliyadda qaranka iyo ilaha kale waxaa si sahal ah u ururiya hay’adaha Federaalka. Dawladdaha waa ay ku kala duwan yihiin awoodda dakhli ururinta. Bacdamaa qeybin maaliyadeed oo ku dhisan caddaalad iyo adeeg iskumid ah in la gaarsiiyo dalka oo dhan ay GMDF goaamiyeen in ay noqdaan laba mabda’ oo saldhig u ah Federaalka Somaalida, waa lagamamaarmaan inla helo qaab dib loogu qeeybiyo dhaqaalha ka imanaya halka ay fududahay in laga soo ururiyo ama leh saldhig dhaqaale oo macna leh iyadoo la gaarsiinayo kuwa aan horumarsaneyn, GMDF wuxuu soo jeediyay qaab. qaabka, looga dooday qeeybta maaliyadda, mabaadii’ dhowr ah sida caddaaaladda, Midnimada Qaranka, u sinnaanshaha horumarinta iyo guddi matalaya Federaaloka iyo iyo hay’adaha dowladda ee hirgelinaya mabaadii’daan.
Qabyo Qoraalka Dastuurka latashiga dadweeynaha wuxuu u qeeybinaya awoodaha cashuur qaadista Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, hase ahaatee ilaha muhiimka ah ee dowldaha muddo dheer waxay sii ahaanayaan dhaqaalaha dowladda dhexe u qeeybineyso. Muddo dheer sidoo kale ilo muhiim ah waxaa ahaanaya deeqaha iyo amaahda beesha caalamka, QDLD -kuna wuxuu soo jeedinayaa in Dawladdaha ka ciyaaraan door muhiim ah wadaxaajoodyada Deeqahaas iyo Amaahdaas. Wuxuu kaloo sheegayaa in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay waajib ku tahay in ay o saaraan sharci Dawladdaha hoose awood u siinaaya in ururiyaan canshuuro iyo in ay u keydsadaan isticmaalkooda ku haboon canshuuraha sida khidmadda shatiyada suuqyada, iyo canshuuraha Daaraha iwm. Faahfaahin intaas dheer ee arrimaha Maaliyadda iyo ilo kale waxay ku jiraan qeybta Maaliyadda Guud.
Xallinta Murrannada
Waa wax aan laga hortagi Karin in nidaamka Federaalka ay ka jirayaan khilaafyo u dhaxeeya heerarka kala duwan ee Xukuumadda. Bacdamaa Federaalka Soomaali uu xoogga saarayo iskaashi iyo waxqabad wadaag ah meelaha qaar,, waxaa jiraya arrimo badan oo loo baahan yahay in ay ka wadaxaajoodaan (si ka badan noocyadii gaboobay ee federeeyshinka), Sidaas darted waxaa ka jiraya khilaafyo ka badan kuwa ka dhaca Fdereeshinnada gaboobay. Khilaafaadyadu ma aha dhibaato marba haddi ay jiraan habab caddaalad iyo waxtar ah oo lagu xalliyo, xallinta noocaas ah dhab ahaantii way xoojisaa federeeyshinka. khilaafaadka waxaa loo xallin karaa siyaabo kala duwan , hab siyaasad, Maamul, ama garsoor. QDLD wuxuu xoogga saarayaa habka siyaasadda asagoo oggolaanaya in ay dhexdexaadiyaan hay’ado dowli ah ama wada xaajood . In maxkamadaha xal loo raadsdo waxaa la ogoolyahay kaliya marka hababka kore guul dareeystaan. Si kasta ha ahaatee maxkamadda Dastuuriga ayaa cayaareysa door muhiim ah ee xallinta khliaafaadka. Marka shaki ka yimaado sida awoodaha ay u kala leeyahiin heerar kala duwan iyo sida awoodahaas loogu isticmaalay, dowlad kasta waxay u gudbin kartaa arrinta maxkamadda Dastuuriga si ay go’aan uga gaarto.
38
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Mustaqbalka
Goo’aanka ah in somaliya laga hirgeliyo nidaam Federaal ah oo lagu goaamiyay Axdiga Kumeel gaarka Federaalka islamarkaasna ay sii faahfaahiyeen Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka iyo arrimaha Federaallka waa mid taariikhi ah. Waa nidaam ka duwan nidaamyada Soomaaliya horay u soo aragtay. Waxay u baahaneysa u heellanaan siyaasadeed iyo khibrad farsmo oo lagu dhiso Federeeshinka taasina kuma imaaneeyso marqura. Waxay ku xiran tahay niyad wanaagga, dulqaadka,iyo xushmeynta talinta sharciga iyo u hoggaansanaanta Dastuurka. Waxaa loo baahan doonaa waxbarasho dadweyne si dadku u fahmaan ujeeddooyinkiisa iyo qaabdhismeedkiisa. Tiro waddamo oo ku guuleystay Federaalnimada waxay yihiin Mareykanka, Kanada, Switzerlaand, India, iyo Australiya kuwaasoo Federaalisamku adkeeyay midnimada islamarkaasna horumariyay Diimoqaraadiyadda. Hase ahaatee
Waxaa jira tusaalooyin kale ee fedreeshino guuldareeystay, mararka qaar ay ka dhasheen natiijooyin halaag ah (sida Yogosalafiyadii hore ama Pakistaan tii hore).sidaas darted in nidaamka Federaalka ah ee soomaliya Guuleeysto waxay ku xiran tahay in la helo u heellanaan siyaasadeed ee midnimo qaran iyo doonista iyo khibradda muwaadiniintaiyo in hoggaamiyayaashu dulqaad u yeeshaan kala duwanaanshahooda si ay isugu tanaasulaan islamarkaana la soo dhaweyo kala duwanaashaha dhaqan ee Soomaali.
Weeydiimo
1) Ma kula tahay in nidaamka Federaalka ka fiicanyahay nidaamka awoodda ku uruursantahay dowladda dhexe?
2) Imissaa Dawladda goboleed ayaa la abuurayaa?
3) Mar haddii la abuuro dowlad goboleedyo suurto gal ma tahay in la abuuro kuwo kale mise waxaa la habaynayaa xuduudaha kuwa jira?
4) Awoodaha soo socodo ee dowladeed, kuwee baad u aragtaa in ay yeelato xukuumada Federaalka? Kuwee baad u aragtaa in ay leedahay xukuumad dowlad goboleed? kuwee beysa wadaagayaan?
I. Arrimaha saamaynaya amniga qaranka ee Jamhuuriyadda?
II. Arrimaha saamaynaya hay’adaha qaranka ee waxbarashada, caafimaadka, iwm?
III. Arrimaha la xiriira canshuuraha?
IV. Arimha ku saabsan muwaadaninimada?
V. Arrimaha saamaynaya in muwaadiniinta yeeshaan maqaam siman loo lana dhaqamo si cadaalad ah?
VI. Awooda samaynta iyo maamulida shuruucda?
39
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
VII. Arrimaha saamaynaya xiriirada caalamiga?
VIII. Arrimaha la xiriira dhulka iyo khayraadka dabiiciga?
5) Ma ku raacsantahay in canshuuraha badidood ay soo saarto aruurisana hay’adaha Dawladda dhexe ?
6) Ma ku raacsantahay in si siman loogu qaybiyo dowlad goboleedyada canshuuraha iyo ilaha kale ee dakhli ay soo uruurisay hay’adaha Dawladda dhexe?
7) Muxuu noqonayaa dowrka iyo awoodaha haya’daha dhaqanka ee heer deegaan mase ku qanacsantahay xiriirka arintan ay la leedahay latashiga dadweynha ee qabayo-qoraalka Dastuurka?
8) Ma jiraan aragtiyo aad ka leedahay arrimo aan wali la xalin : sideebaana loo xalinayaa arrimaha Macaadinta (sida shidaalka, dhuxusha, birta, dhagaxyada qaaliga ah)- ma lawada la haanayaa mise waxaa leh dolwlad goboleedka dhulkeeda laga helay? Haddi ay yeeshaan dowlad goboleedyada side baa loogu isticmaalayaa qayb ahaan si guud maslaxada qaranka? Haddii ay yeelato Dawladda dhexe ee Federaalka, ma tahay in dowlad goboleedka ama Dawladda goboleedyada laga helay khiyraadkaas laga siiyo qayb sugan nacfigaas?
9) Majiraan wax kale oo faalo ah aad ku daraysid qaab-dhismeedka Federaalka?
Magaalamadaxda Federaalka (Cutubka 7aad)
Horudhac
Inkastoo guddigu ku heshiiyay in Muqdisho ay tahay Magaalomadaxda Federaalka. Haddana kuma ayan heshiin maqaamka Dastuuriga ah iyo qaabdhismeedka ay yeelaneeyso . Inkastoo ay tixgeliyeen seddexda hab ee Dastuurka Federaalka lagu soo jeediyay in lagu xalliyo maqaamka ay yeelaneyso muqdiso, guddigu wuxuu go’aansaday in arrinta loo diro la tashiga dadweynaha . Arrinta lagu soo bandhigay hoos waxay fasireysaa seddex xulasho oo kala duwan oo lagu kala dooranayo maqaamka Muqdisho ee mustaqbalka iyo saameynta ay ku yeelaneeyso dadweeynaha iyo deegaanka Juqaraafiyadeed.
Xulashada Kowaad
Magaalomadaxda waxay ku dhextaal Dowlad goboleed
• Muqdisho waxay noqonaysaa Dowlad hoose oo ku dhextaal dowlad goboleed islamarkaasna ah Magaalomadaxda Federaalka Jamhuuriyadda
• Maqaamka siyaasadeed ee magaalada ka dowlad hoose ahaan wuxuu ku saleeysnaanaya Xeerdejin dowlad goboleed, sida Dawladdaha hoose ee kale ee ka jira federeeshinka.
• Dadaka Muqadishu waxay matalaad ku yeelanaayaan labada aqal ee heerka ee baarlamaanka Federaalka, heerka dawlad goboleedka iyo golaha deegaanka .
40
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
• Dowladda Federaalka waxay sameyneeysa maqaamka degmada magaalamadaxahaan iyadoo u mareeyso dhismaha xarumaheeda iyo ballaarinta dhul ay iyadu leedahay,waxayna yeelan kartaa awood la wareegid dhul oo u oggolaanayo caasimadda in ay fiddo
• Si kasta ha ahaatee xukuumadda Federaalka kuma yeelaneeyso awood qorsheeyn buuxda Caasimadda goboka ilaa ay heshiis kala gaarto dowlad goboleedka
Xulashada labaad
Magaalomadaxdu waxay ku dhextaalaa degmada magaalomadaxda Federaalka
• Muqdisho waxay noqonaysaa dagmo ah magaalo madaxda Federaalka oo si gaar ah u hoostimaado xukuumada Federaalka.
• Kama mid noqonayso dowlad goboleed loomana oggola in ay ku biirto degmo kale ama dhul kale si ay u sameeystaan Dowlad goboleed
• Mowdhuuyada ay dowlad goboleedyadu ay ka samaysanayaan sharciyada waxaa Muqdisho u samaynayo baarlamaanka iyo xukuumada Federaalka
• . Muwaadiniinta dagan dagmada magaalo madaxda waxa ay ku yeelanayaan msalaad Aqalka hoose ee baarlmaanka taasoo saldhig looga dhigaayo tirade dadweynha
• Muwadiniinta deggan degmada magaalomadaxda Federaalka masalaad kuma yeelanayaa Aqalka sare ee baarlamaanka.
• Xukuumada Federaalka, haddii ay doorato,waxay u dajinayso degmada nidaam Dawladda hoose oo diimoqaradi ah ama taas beddelkeeda iyadaa sii toos ah oo siineeysa adeegga dowladda hoose ama waxay u dejineysa nidaam xukumadeed oo si gaar ah loogu qaabeeyay Muqdisho.o.
• Dowladda Federaalka waxaa suurtagal in si siyaado ah u isticmaaasho awoodaheeda in ay soo saarto masuuliyado maamul ee sharci Federaal ahoo lagu maamulayo Muqdisho.
Xulashada sadaxaad
Magaalomadaxda Federaalka oo ah Dowlad goboleed buuxa
• Muqdisho waxa ay noqonaysaa dowlad goboleed dhamaystiran oo ka mid ah Federaalka, waxayna ahaaneysa casimada Federaalka
• Muwaadiniinta waxa ay ka helayaan adeegyada deegaan dowladda hoose oo ay abuurtay dowlad goboleedku, haddii aysan dowlad goboleedku dooran inuu si toos u siiyo adeeggaas.
41
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
• Muwadiniinta waxay helayaan masalaad siyaasadeed waxayna helayaan adeegyo ka dowlad goboleed ahaan
• Muwaadiniintu waxay masalaad ku yeelanayaan haarka Federaallka labadiisa aqal.
Sidee Go’aan looga gaarikaraa sua’aashaan dhibka badan?
Waxaad arkeeysa in ay faa’iido badan tahay in aad ogaato in Magaalomadaxyo badan oo federeeshin ku haboon yahiin qeeybta labaad. Waashintoon DC, Kanberra(Cassimadda Austraaliya) iyo Abuja ayaa tusaale yaaal ah. Waxay dhab ka tahay tani sidoo kale Koonfur Afrika halkaasoo hay’adha waaweyn ee dowladdu ay ku kala yaallaan 4 magaalo seddex kamid ahna waxaa loogu yeera caasimad. Qaar ka mid ah Magaalomadaxyada qaran ayaa dowlad goboleedyo ah- waxaa ka mid ah germany iyo Beljum .
Sababaha looga cagajiidayo in Magaalomadaxdu yeelato maqaam dowlad goboleed waxaa ka mid ah cabsi laga qabo khilaaf u dhaxeeya dowlad goboleedka iyo dowladda Federaalk (khilaaf xagga awwooda amaa dhaqaalaha). Dadka deggan caasimadda waxay dareemayaan in ay dhulkoodii tahay waxayna banaanka ka dhigaayaan dadka kale. Tani waaa in aysan ku dhicin xmuwadiniinta xaqqa ay u leeyihiin in si xor ahu degaan halka ay doonaan, sida ku xusan cutubka xuquuqda asaasiga ee muwaadhinka, waxaa jiri kara cabsi ah haddii sharciga iyo kala dambeeynata magaalada caasimadda aysan masu’uul ka aheyn dowladda Federaalk, hase ahaate ku jirto gacanta xukuumad goboleedka iyo booliskeeda, way ku adkaaneeysaa dowladda Federaalka in ay damaanad qaaddo badbaadadaHay’adaha qaranka iyo dadka ajaanibta ah ee soo booqda..
Doodaha u xaglinaya in ay noqoto dowlad goboleed waxaa ka mid ah u caddaalad falidda dadka deggan – haddii aysan masalaad ku yeelan aqalka dowlad goboleedyada waxay dareemayaan inay taasi tahay caddaalad darro .
Maxaad u maleeyneeysaa in ay tahay qorshaha ugu wanaagsa muqdisho in ay ku ahaato caasimad
42
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Dowlad goboleedyada iyo Qaab-dhismeedkooda (cutubka13) Dowqldaha Federaalka qaarkood Dastuurka Qaranka ayaa qeexaya dhammaan qaab-Dhismeedka xukuumadaha dowlad-goboleedyada iyo sidoo kale xukuumadda Federaalka ( Tani waxay dhab ahaantii ka jirtaa Indiya- marka laga reebo kashmiir iyo Nayjeriya)
Inta badan Dowladaha federaalka way oggolyihiin in dowlad-goboleedyadu ay sameeystaan Dastuuradooda inkastoo ay khsab ku tahay in ay waafaqsan yihiin dastuurka Federaallka waana caadi ahaan mid loo dejiyo nidaam xukuumadeed balse aan ahayn heer federal ah,
Guddigu wuxuu go’aansaday in la qaato qaabka loo badan yahay islamarkaasna loo daayo Dowlad goboleedyada in ay dhistaan Haya’dahooda. Hase ahaatee waa in dastuurada dowlad goboleedyada ay ahaadaan kuwo si demoqaraadi ah loo sameeyay, dadkana laga talagaliyay. Guud ahaan waa in ay dhowraan qiyamka asaasiga ah ee Dastuurka qaranka.
Nidaamka Xukuumadda oo uu ku jiro Baarlamaanka (cutubka 8 iyo 9) Horudhac
Malaha go’aanka ugu muhiimsan naqshadeynta dastuurka waxaa ah nidaamka xukunka.Nidaamka xukunka inta badan waxaa uu ku saabsan yahay sida dalka loo maamulayo: Sida loo sameeynayo sharciyada iyo yaa meelmarinayo awoodaha hayadda fulinta(ama sida mararka qaar aan ugu yeerno xukuumadda). Nidaamka xukuumadda wuxuu qeexayaa tirade iyo awoodaha hayadaha qaranka ( gaar ahaan Fulinta iyo Xeerdejinta) iyo sidoo kale qaabka loogu isticmaalayo awoodahaas.
Waxaa kaloo uu nidaaminayaa xiriirka u dhaxeeya hayadaha Dowladda iyo iyaga iyo dadweeynaha. Qasadka qeeybtaan , nidaam xukumadeed waxaan ula jeedna habka awoodaha xeerdejinta iyo fulinta loo kala leeyahay islamarkaasna loogu isticmaalayo.
Waxaa jirta qeeyb gaar ah halkaan qabyo qoraalka Dastuurkaee la tashiga dadweynaha oo ku saabsan xeerdejinta ( kaasoo aanay aad ugu kala duwaneyn nidaamka Baarlementaariga iyo kan madaxtooyada) iyo Dastuurka laftiisa dhexdiisa xeerdejinta waxaa looga hadlay cutub ka duwan kan fulinta.
Bacdamaa nidaamka xukunku xaqiijinayo cidda iyo sida loogu isticmaalayo awoodda dowladda, qeeybtan waa tan loogu qeeybsami og yahay dastuurka. Arrintaan waxay gaar u tahay Afrikaanka halkaasoo inbadan ay u tahay sida ugu sahlan oo lagu maaleeysto una ah muhiim in la koontroolo
xukuumadda. Taariikhda afrika ee ka dambeysay Gumeeystayaasha waxay thay halgan lagu doonayo qabsashada awoodda dowladnimo, Soomaaliyana kama baxsana .
43
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Halganka xukunka ayaa inbadan sabab u ah khilaafaadka badankood , mararka qaarna keena iska horimaasho hubeysan oo sababa niyad jab ku yimaado dadweynaha.Waxaa kaloo ay horseeday in ay kor u kacdo Reernimada iyo qabyaaladda, iyadoo siyaasiyiintu ay u abaabulayaan beelahooda in ay siiyaan tagero siyaasaded hase ahaatee nasiibdarro waxaa sahlan in qabaailkii colaad iyo isnaceyb la kala geliyo halkii laga siin lahaa kala doorasho siyaasadeed iyo barnaamijyo horumarineed. Sidaas darted mustqbalka Somaaliya wuxuu ku xiranyahay in la qaato go’aano sax ah oo ku saabsan nidaamka xukunka iyo dowladnimda ah .
Waa maxay go’aanka saxa ah ma sahlana in la helo. Soo bixiddii dowladdii Gumeeystayaasha ee Soomaaliya( sida afrikada kaleba) waxay ka xayuubisay bulshadii habkoodii isxukunka taqaaliidiga ahaa( ugu yaraan heerka dhexe) waxayna si weyn u daciifiyeen xuquuqda iyo ilaalinta dadweynaha. Isticmaarkii ka dib inta badan dalalka waxay sii heysteen muuqaalkii muhiimka ahaa ee dowladnimadii Gumeeystayaasha aheyd waxaana billowday dagaal u dhexeeya siyaasiyiinta kaasoo ay ugu tartamayaan hanashada xukunka dowladnimo si ay u helaan abaalmarin Maaliyadeed. Tani waxay ka dhigtay mid adag in isbeddel lagu sameyo Dowladnimada si looga dhigo mid lala xisaabtamo oo loo dhan yahay.Marka ujeeddooyinkaas lagu aqbalo warqad ( Tusaale Dastuur dhexdii) waxay yihiin intabadan kuwo aany suurtagal aheyn in la fuliyo.
Guddiga Madaxa bannaan waxaa soo wajahay xaaladdan adag. Waxay sameeyeen hal go’aan oo muhiim ah oo saameeynayo nooca dowladnimada gumeeystayaasha. Waxay soo jeediyeen in Soomaaliya noqoto Federal, tani macnaheedu waa in awoodda Dowladda in eeysan ku urursanaan hal xukumad hase ahaate in loo wadaajiyo awoodaha heer siman ama kala sarreeya. Waxaa kaloo ay u dhaweeyneeysa xukunka daweynaha waxayna fursad dheeraad ah u siineeysaa in saameyn ku yeeshaan siyaasadda. Waxayna soo jeedineysaa in mabaadii isku mid ah lagu dhabaqo nidaamka xukunka ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.
Dood dheer oo xammaasad leh ka dib oo u dhexeeysay guddiyada iyo kalfadhiyadooda, guddigu asagoo eegaya muhimadda nidaamka dawliga ah, wuxuu go’aansaday in arinta loo bandhigo dadweynaha si ay aga dhiibtaan aragtidooda. Guddigu wuxuu ka dooday labo kala xulasho oo la xiriirta fulinta-habka madaxtooyo awood fulineed leh iyo habka baarlamenka leh gole wasiiro (lagu xusay qeybtaan si isku xiga oo ah madaxtooyo iyo baarlamaani). Midkoodna labada nidaam horay agama jirin dadweynaha Soomaliye dhexdiisa hase ahaatee ka dib dhamaadkii gumeysiga ayaa waxaa la hirgeliyay mid ka mid ah nidaamyadaas (manta mid ka mid ah nidaamyadaasi waxaa laga hirgeliyay Soomaaliland halka midka kalene laga hirgeliyay Puntland), marka waa suurtagal in la qiimeeyo midkasta awoodaheeda iyo dhaliilaheeda marka loo eego Soomaaliya.
Xiriirka u dhexeeya fulinta iyo golaha sharci-dejinta way ku kale duwan yihin mid kaste, inkasto kala du’naashahooda uu xadidan yahay. Guddiga waxay u arkeyn in ay sahlantahay in ay ku heshiin
44
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
karaan nidaamka baarlamaanka halka fulinta. Saas daraadeed QLD waxaa ku jira oo keliya hal soojeedin oo ah nidaamka baarlamaaniga ah halka laba soojeedin ee nidaamka fulinta. Qeybtaan faalo dheer kama bixineyso labada nooc ee fulinta uu ka dooday GMDF, hase ahaate wuxuu soo hordhigay arimahooda ugu muhimsan taasoo caawinkarta dadweynaha si ay u fahmaan laba kale doorasho ama
doorbid si ay ugu soo gudbiyaan araadooda Guddiga. Qeybtaan marka hore waxay guud ahaan ka hadleysaa labada nidaam, ka dib waxay diiradda saareysaa midka baarlamaaniga ah kaasoo ah midka uu guddigu isku raacay, iyo ugu dambeystii uu soojeediyay talooyin dhanka fulinta.
Waxaa jira shax yar oo isbarbardhig oo dusha ka eegeysa habka Dastuurka u raacay (eeg bogga 17)
Inkastoo lagu heshiinin nidaamyada fulinta, hase ahatee waxaa jiray heshiis guud ee u dhexdiisa GMDF ee u qeexi lahaayeen madaadii’da nidaamka xukumadda, si muujinaayo Mabaadii’dda Aasaasiga iyo Shuruuca Xuquuqaha. Mabaadii’da waxaa ka mid ah in uu nidaamka noqdo mid dimuqaraadi ah, oo ku dhisan kala saaridda awoodaha (gaar ahaan xeer-dejiinta, fulinta iyo garsoorka); waana in uu lahaada ‘isxisaabtan iyo isku dheelitir’, si uu hayad waliba ay u ilaalinkarto midda kale, iyo in go’aanada qaar oo muhimmi ah u baahan karo in ka qeebgal in ka badan hal hayad; garsoorka waa in uu noqdaa mid madaxbanaan oo awood leh; iyo in guddiyada madaxabanaan ay leeyihiin masuuliyad ay ku gudan karaan hawlahooda oo ah mid siyaasi ahaan xisaasi ah ama in awood sheegasho leh loogu xadgudbi karo (sida kuwa doorashooyinka, hantidhowrka, xeer-ilaalinta, iyo kuwa ilaaliya xuquuqaha). GMDF wuxuu kale uu ku heshiiyay in hayadaha dawlada ay u baahan yihiin awoodo iyo maaliyad ku filan oo ay ku hormarin karaan dhaqaalah, bulshada, iyo horumarinta dhaqanka, xaqiijinta baahida aasaasiga ee shacbka iyo in noloshoda ay sharf lahaadaan, in la dhooro bayadda, lana ilaaliya gobannimada qaranka, waana waa in uu jiraa xadeeyn awoodaha hayadaha dawladda. Xadeyntaas waxay muhim u tahay dhaqaalaha xurta ah, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo in bulshada ay u habeeyn karaan noloshooda sida ay u arkaan in ay u wanaagsan tahay (raacayo dastuurka laftiisa). Mabaadii’da nidaamka dawliga wuxuu kale oo keenayaa in si muhimi ah u ilaaliyo ku xadgudubka awoodaha.
Ka doodidda labada kale doorasho, waxaan ka bilaabnay qaab dhimeedka baarlamaanka oo ah mid labada in badan ay isaga egyihiin, marka laga reebo xiriirka uu la leeyahay fulinta, marka ka dibna aanu tixgelinay kala xulashada fulinta.
45
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Baarlamaanka (Cutubka 8)
Golaha sharci dejintu, marka la eego dalalka adduunka oo dhan (magacii la doonaba ha la siiyee, sida Baarlamaan, Koongarees, Golaha Shacbiga amabase wax kale – dalalka qaar waxay u adeegsadaan sharci dejinta kelmed ka soo jeedda afkooda, xataa Ingiriisida) waa hay’adda sharci sameynta ee ugu sarreysa qaranka. Waxay hoos timaaddaa oo keliya Dastuurka, kaasoo habeeya sida loo qaabeynayo, u sameeya qoddobo la xiriira sida hay’addaasi u shaqeyneyso, isla markaana xakameyneysa xadka awoodeeda. Xakameyntaa ama xadeyntaa waxaa ku jira nidaam looga hortegayo in aan sharci dejintu ku xad gudbin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha. Nidaamka Federaalka ah laftiisuna wuxuu xad u sameeyaa awoodda hay’adaha sharci dejinta, sababtoo ah heer kasta oo dawladeed wuxuu leeyahay awooddo shrci dejin oo go’an oo aan heerarka kale fara gelin ku sameyn Karin. Waxaa muhiim ah in la yaqiinsado inmarka la eego Dastuurada ku saleysan awoodda dadweynaha, in aan baarlamaanku sidaa u sii awood badneyn: dadka ayaa doortay in ay qaabeeyaan hay’adaha dawladda, isla markaana siiyaan awoodda, waxayna noqoneysaa wax aan caadi ahayn caalamkan manta la joogo in dadku awood aad u baalaaran uu siiyo baarlamaanka.
Arrimo
Qaabka iyo baaxadda Baarlamaanka
Ilaa iyo imminka baarlamaanada Soomaaliyeed waxay lahaan jireen hal aqal oo keliya. Go’aanka lagu gaaray in la sameeyo nidaam Federaal ah, macnaheedu wuxuu isugu biya shubanaayaa in baarlamaanka loo sameeyo laba aqal. Federayshanada badankoodu waxay leeyihiin aqal labaad, kaasoo leh doorka gaarka ah oo ah in uu metelo danaha heerka hoose ee dawladda, inkastoo laga yaabo in uu weliba door buuxa ka ciyaaro sharci dejinta mawduucyada kale oo dhan. Guddigan Dastuurka taladiisu waa in la sameeyo aqal labaad oo loogu yeero Aqalka Dawlad Goboleedyada.. Xubnaha aqalkaasi waxay noqonayaan hoggaanka dawladda ee dawlad goboleed walba, iyo sagaal xubnood oo ka socda dawlad goboleed walba. Waxaa dooranaya xubnahaa golaha dawlad goboleedyada, haseyeeshee waa in aanay iyagu noqon kuwo xuno ka ah golahaasi.
Aqalka kale – Aqalka Dadweynaha - waa in aanu noqon mid u ballaaran sida Baarlamaankan ku Meel Gaarka ah ee haatan jira. Aqalkani wuxuu imminka leeyahay 550 xubnood, haseyeeshee soo jeedintayadu waa in ay tirade xubnuhu noqdaan 200 – 300 oo xubnood. Arrintaasi waxay saamaxeysaa in la suura geliyo baahiyaha isbed-beddelaya iyadoo aan la adeegsan isbeddel lagu sameeyo Dastuurka. Nidaamka doorashooyinka weli lama go’aansan (eeg Ka Wakiil Noqoshada iyo ka Qayb Qaadashada).
Cimriga Baarlamaanka
Baarlamaanka, sida uu dhigayo Qaoraalka la Tashigu, waxay muddada jiritaankiisu noqoneysaa shan sanno. Xaalad keliya ayaa jiri doonta oo Baarlamaankaasi ku burburi karo muddadaa ka hor (taasoo macnaheedu yahay in doorashooyin guud oo muddadoodii ka horreeya la qaban doono): maa marka baarlamaankaasi ku heshiin waayo in uu aqbalo dawladda la soo jeediyo ama la hor keeno iyo barnaamijkeeda, heshiis la’aantaana ay waxba
46
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
iska beddeli waayaan xataa marka la siiyo saddex fursadood. Waxay u dhowdahay in khatartaasi – khatarta ah in dadka dib loogu noqdo oo doorashooyin la qabto – ay meesha ka saarto oo aakhirka ay wuxuun ku heshiiyaan. Ogow arrintani waxay khuseysaa oo keliya nidaamka baarlamaaniga ah. Waxaabase iyana jirta in dawladaha kale ee ku dhaqma nidaamka baarlamaaniga ihi ay ka fekerayaan in ay u sameeyaan baarlamaankooda muddo cayiman, dareenkaasina wuxuu ka dhashay iyadoo la arkay wax aan sax ahayn in Raysal Wasaaruhu uu isagu doorto waqtiga ku haboon doorashooyinka.
Xidhiidhka ka dhexeeya baarlamaanka iyo Dawladda
Nidaamyada baarlamaaniga ah badankooda, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiiradu waxay xubno ka yihiin Baarlamaanka. Haseyeeshee Guddiga Dastuurku wuxuu soo jeedinayaa in aan Wasiiradu xubno ka ahaan Baarlamaanka – haddii ay xubno ka ahaayeenna ay iska casilaan aqalkaa marka wasiirnimo loo magcaabo. Arrintani waxay sugeysaa in masuuliyiintaasi ay awood u helaan in ay xoogga saaraan hawlahooda Wasiirnimo. Wasiiradani waxay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan baarlamaanka, lakiinse cod kama dhiiban karaan. Waxa kale oo ku waajib ah in ay Baarlamaanka hor yimaadaan si ay uga jawaabaan su’aalaha la xidhiidha masuuliyadooda, iyo oin ay hortagaan guddiyada baaraya arrimo ay ka bixin karaan xog muhiim ah.
Haseyeeshee, haddii nidaamka la qaatay uu yahay mid baarlamaani ah, Aqalka Dadweynuhu wuxuu ansixin karaa cod kalsoonida lagaga qaadayo Dawladda, markaa ka dibna waa in ay Dawladdaasi is casishaa. Nidaamku marka uu sidaa yahay waxaa muhiim ah in dawladdu ay xidhiidh shaqo oo sokeeye la yeelato Baarlamaanka, oo ka kooban wakiilada dadweynaha. Si looga hortago in baarlamaanku ku dhaqaaqo isku day uu dawladda ku ridayo, iyadoo aan sabab wanaagsani aanay meesha ku jirin, waa in ay soo jeediyaan magaca qof kale oo noqda Ra’iisal Wasaare haddii ay ku guuleystaan in ay qofka jagadaa hayaan meesha ka saaraan.
Marka aynu eegno nidaamka Madaxweynanimo, xidhiidhka ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Baarlamaanku waa mid sidaa ka sii durugsan. Baarlamaanu kagama qaadi karo Madaxweynaha jagadiisa aqlabiyad fudud oo xubnihiisa ah. Haseyeeshee wuxuu dhaqaajin karaa hawlgalka madaxweynaha lagaga tuuri karo xilkiisa marka lagu soo helo in Madaxweynuhu uu galay denbi ah ku tagri fal awoodeed ama uu si culus ugu xad gudbay Dastuurka.
Sida uu u shaqeeyo Baarlamaanku
Baarlamaanku isaga ayaa sameysta nidaamka xeer hoosaadkiisu sida uu u badan yahay. Haseyeeshee Dastuurku wuxuu qorayaa in, haddii aanay jirin sabab aad macquul ihi, in aqal waliba uu u fadhiisto si dadweynaha u furan. Qawaaniintu waa in ay sugtaa oo kale in xubnaha oo dhami ay si buuxda uga qayb qaataan ( waaya aragnimadu waxay ina tuseysaa in dumarka ay ku adag tahay in sida raga ay uga qayb qaataan) iyadoo weliba Aqalka dadweynahana loo furayo in ka qayb qaadan karo – iyagoo aragtiyahooda ka dhiibanaya sharciyada qabyo qoraalka ku jira, tusaale ahaan.
47
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Xubnaha dadweynuhu waa in ay weliba awood u helaan in ay soo jeediyaan sharciyo cusub – arrintani waxay u baahaneysaa tiro badan (ilaa iyo 10,000 oo qof).
Sidee ayaa Baarlamaanku u gudanayaa waajibkiis la xidhiidha kormeerka dawladda?
Baarlamaanka waajibaadkiisu kuma koobna oo keliya in ay ansixiyaan sharciyada oo dhan haseyeeshee waa in uu ansixiyaa kharashyada dawladda oo dhan (si faahfaahsan looma baahna, haseyeeshee waxaa laga hadlayaa miisaaniyadda guud) iyo cashuuraha oo dhan. Hantidhowraha Guud, oo xafiiskiisu hantidhowro dhammaan xisaabaadka sannadeed ee hay’adaha dawladda, waxay u xog warramaan Baarlamaanka. Arrintani waxay siisaa Baarlamaanka xogta ay ku saleyn karaan baadhitaanadooda la xidhiidha wixii xadgudubyo ah ee dhacay. Hay’ado kale oo badan ayaa si sannadle ah ugu gudbiya warbixinadooda Baarlamaanka, waxaana loo baahan yahay in Barlamaanku uu si qoto dheer u derso warbixinahaa isagoo kaga wakiil ah dadweynaha.
Aqalka Dadweynuhu waa in uu leeyahay guddiyo daba gala mid wal oo ka mid ah waaxaha/hay’adaha dawladda. Guddiyadaasi, sida guddiyada kale waa in ay awood u lahaadaan in ay ku adkeystaan in ay horyimaadaan dadka looga baahan yahay in ay caddeymaha bixiyaan ama ay siiyaan guddigaa xog.
Baarlamaanku waa in uu ansixiyo jagooyin dhowr ah oo meelo kale laga soo magcaabo – sida magcaabidda garsoorayaasha oo uu sameeyo Madaxweynaha ama Golaha Adeegga Garsoorka.
Golayaasha Dawlad Goboleedyada
Dawlad Goboleedyadu waxay iayaguna leeyihiin Sharci dejiyayaal la soo doortay. Haseyeeshee mar haddii, sida uu dhigayo Qoraalkan Dastuurka ee la Tashiga ihi, ay tahay waajibka dawlad Goboleedyada laftooda in ay sameystaan qoraalka Dastuuradooda, Dastuurkani qori mayo sida heerarkan dawladeed ee hoose loo sameynayo.
Su’aalo
I. Waa maxay ra’yigaaga la xidhiidha labada aqal ee baarlamaan ee la soo jeediyay? Ma u maleyneysaa in laba aqal ama hal aqal uu danahaaga offinayo? Haddii jawaabtaadu maya tahay fadlan sharrax.
2. Sidee ugu wanaagsan ayaad u maleyneysa in xubnaha Baarlamaanka eek u metelayaa ay ugu adeegi karaan danahaaga una ilaalin karaan xuquuqdaada? Ma loo baahan yahay in Dastuurku si cad u qeexo arrintaa?
3. Side ayaad u maleneysaa in loola xisaabtami karo xubnaha Baarlamaanka, marka la eego falalka ay ku kacaan inta ay xafiiskooda joogaan?
48
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
4. Ma loo baahan yahay in Dastuurku uu qoro shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta doonaya in ay u tartamaan jago doorasho loo maro?
5. Ma loo baahan yahay in Dastuurku qoro waxyaabaha aan is qaadaneyn ee ku tacaluqa saraakiisha la doorto?
6. Ma u maleyneysaa in xorriyatul qawlka lagu fidiyo meelo ka baxsan xayndaabka baarlamaanka?
7. Ma ku qanacsan tahay sida loo habeeyay xasaanadda saraakiisha la doorto (sida madaxweynaha ama xubnaha Baarlamaanka)? Haddii jawaabtu maya tahay, fadlan sharrax.
8. Ma lagu daraa Dastuurka qoddobo la xidhiidha in xilka laga qaado xubnaha ka baaqda fadhiyo badan?
9. Ma ku qanacsan tahay fikradda qabta in aan Baarlamaanka aanu kala diri Karin xataa Ra’iisal Wasaaruhu (waa nidaamka Baarlamaaniga ahe)?
10. Muddada Baarlamaanka ee 5ta sannadood ma tahay mid haboon dhinaca dhererka waqtiga?
11. Ma loo baahan yahay in tiro kuraasi ah ama boqolkiiba in go’an xubnaha Baarlamaanka oo loo qoondeeyo dumarka?
12. Ma loo baahan yahay in tiro kuraasi ah ama boqolkiiba in go’an xubnaha Baarlamaanka oo loo qoondeeyo dadka laga tirade badan yahay?
13. Ma u maleyneysaa in Baarlamaanku isagoo metelaya danahaaga uu yeesho awood uu isbeddelo culus ku sameyn karo miisaaniyadda Federaalka ee la horkeeno si uu u ansixiyo?
14. Wax kale oo ra’yi ah oo la xidhiidha Baarlamaanka?
Fulinta (Cutubka 9)
Nidaamka golaha wasiirada ee Baarlamaariga
Marka la eego nidaamka baarlamaaniga ah, madax dawladda (madaxweynaha) wuu ka duwan yahay madaxa xukuumadda (ra’iisal wasaare), (inkastoo dalka Koonfur Afrika ay isku jiraan labada jago). Madaxweynaha waxaa caadi ahaan doorta gole doorasho (electoral college), (kaasoo ka kooban marka la eego nidaamka Federaalka labada aqal ee sharci dejinta Federaalka iyo xubnahya sharci dejinta ee dawlad goboleedyada). Ra’iisal Wasaarahaha waxaa magcaaba madaxweynaha ama waxaa doorta labada aqal ee sharci dejinta kan leh sharcciyadda badan ee wakiilnimo (marka aynu Soomaaliya u soo noqono, inagoo eegeyna qabyo qoraalka Dastuurka la tashiga ah, wuxuu noqonayaa Aqalka Dadweynaha). Labada siyood kan ay doontoba ha ahaatee, mabda’a asaasiga ihi waxaa weeye in ra’iisal wasaaruhu uu haysto taageerada aqlabiyadda xubnaha aqalkaasi. Haddii
49
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
xisbiga ugu weyni aanu haysan aqlabiyad, wuxuu iskaashi la sameyn karaa xisbi kale si uu dawlad ula soo dhiso (‘dawlad wadaag ah”). Nidaamka kan Ra’iisal wasaaruhu ayaa doorta golahiisa wasaaradeed, ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradu waa xubno ka mid ah sharci dejinta. Hase ahaatee, ma aha arrin daruuri ah in wasiiradu ay ka yimaadaan sharci dejinta, sida ay guddidan Dastuurka ee madaxa bannaani (IFCC) ku talineysona waxaa weeye in aan wasiirada laga keenin sharci dejinta.
Dawladda iyo sharci dejinta midna ma leh xilli go’an oo ay xafiiska heynayaan. Sharci dejintu waxay xilka kaga qaadi kartaa dawladda cod aqlabiyad ah, dawladduna wey kala diri kartaa baarlamaanka, ka hor cimrigeeda caadiga ah (kaasoo u dhexeeya 4 ilaa 5 sannadood). Qawaaniintaasi waxay ka abuureen deganaansho la’aan nidaamyada baarlamaaniga ah, iyadoo isbeddelo ay ku sameeyeen dalalka qaar nidaamyadaa. Iyadoo la arkay baahida loo qabo isbeddelada caynkaas ah, Guddiga Dastuurka Madaxa Bannaani wuxuu ku talinayaa aan hindise sharciyeedka dawladda lagagala noqonayo kalsoonida aanu ahayn mid meel mar ah oo la aqbali karo haddii aan hindise sharciyeedkaa lagu magcaabin qofka beddeli doonaa ra’iisal wasaarahaa – habkaasi wuxuu sugayaa in sida loo helaa tirada codadka ee loo baahan yahay ay noqoto mid adag iyo in aan la gelin muddo dawlad la’aan ah haddi hindise sharciyeeku uu guuleysto. Dhinaca kale, dawladaha qaar waxay ku soo rogeen xayiraado awoodda dawladdu u leedahay in ay ku kala dirto sharci dejinta intaan muddadooda caadiga ihi aanay dhammaan (taas oo ah sida ay guddigan Dastuurku ku talineyso).
Marka aynu u soo noqono xagga awoodaha, doorka madaxweynuhu waa mid sharafeed, waana mid rasmi ah (taa macnaheedu waa, awoodaha si rasmi ah loo siiyay madaxweynuhu waa kuwo loo adeegsan karo hadba sida ay ku taliyaan golaha wasiiradu). Haseyeeshee madaxweynuhu wuxuu u taagan yahay qaranka iyo midnimadiisa, siyaabo aan rasmi ahayna madaxweynuhu wuxuu xoojin karaa qiyamka qaranka, wuxuu dhiiri gelin karaa midnimada qaran, wuxuuna dawladda ku boorin karaa in ay ilaaliso xuquuqda bin’aadamka isla markaana ay xushmeyso Dastuurka.
Awoodaha dhabta ah ee dawladdu waxay gacanta ugu jiraan golaha wasiirada, golahaasoo hoos yimaadda ra’iisal wasaaraha. Golaha wasiiradu wuxuu ku shaqeeyaa mabda’a xilka wada jirka ah, taasoo macnaheedu yahay in go’aamada la xidhiidha xagga siyaasadda waxaa loo baahan yahay in uu golaha wasiiradua oo isu dhami uu si wada jir ah u qaato, isla markaana ay wasiirada oo dhami difaacaan. Habkaa ayaa lagu sugi karaa in fulinta lagu daro xubno ka socda gobolo iyo beelo kala duwan, sidaa ayuuna ku noqon karaa mid kaga wanaagsan xagga ka qayb qaadashada dadka marka la barbardhigo nooca fulinta ee madaxweynanimo, kaasoo awoodda fulinta oo dhami gacanta ugu jirto hal shakhsi. Dawladdu mar walba waa mid hoos timaadda oo auu la xisaabtami karo baarlamaanku oo u sharraxda kaana hor difaacda siyaasadaheeda xubnahaa.
Nidaamka fulinta madaxtooyada
Marka la eego nidaamka madaxweynanimo, awoodda fulineed waxaa leh madaxweynaha. Si buuxda ayeey u kala baxsan yihiin fulinta, oo ah madaxweynaha, iyo sharci dejintu. Madaxweynaha waxaa si toos ah u doorta dadweynaha, sharci dejintana sidaasoo kale dadweynaha ayaa toos u doorta. Madaxweynaha iyo xubnihiisa fulinta midkoodna ma
50
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
noqon karo xubin ka mid ah sharci dejinta. Xilliga xilka madaxweynaha iyo kan sharci dejintuba waa kuwo go’an. Madaxweynaha xilka kagama qaadi karaan sharci dejintu iyagoo u raacaya nidaamka kala noqoshada kalsoonida (waxaase lagaga qaadi karaa xilka hab rasmi ah oo loo yaqaan ‘impeachment’ haddii madaxweynaha lagu helo in uu u dhaqmay si aad u qaloocan), madaxweynuhuna ma kala diri karo shrci dejinta. Madaxweynuhu isaga ayaa magcowda wasiiradiisa iyo maamulayaashiisa sare, inkastoo magcaabistoodu ay u baahan tahay ansixinta sharci dejinta. Caadi ahaan doorka golaha wasiiradu waa in ay la taliyaan madaxweynaha. Madaxweynaha iyo aqlabiyadda sharci dejinta khasab maaha in ay ka soo jeedaan isku xisbi siyaasadeed, madaxweynahana awoodiisa xakameynta sharci dejintu waa mid aad uga yar caadi ahaan marka la eego nidaamka baarlamaaniga ah. Haseyeeshee, maadaamaa sharciyada oo dhan, oo ay ku jirto ansixinta miisaaniyadda, ay khasab tahay in ay anixiyaan sharci dejintu, madaxweynuhu waa in uu la shaqeeyo sharci dejinta si uu u hubiyo in siyaasadaha iyo qorshayaasha madaxweynuhu ay u noqdaan kuwo meel mar ah.
Is bar-bar dhigga nidaamyada baarlamaaniga iyo kuwa madaxtooyadda ee la soo jeediyay
Marka la eego nidaamka baarlamaan ma jiro kala baxsanaan cad oo u dhaxeysa fulinta iyo sharci dejinta marka la barbardhigo nidaamka madaxweynanimo, sababtoo ah xubnaha dawladda waxaa laga soo qaataa sharci dejinta (inkastoo Soomaaliya ay shuruuddu tahay in wasiiradu, ma aha ra’iisal wasaaraha, ay ka yimaaddaan dibedda).
Wuxuu xoog ku leeyahay nidaamka madaxwenanimadu habka is ilaalinta iyo isu dheeli tirka nidaamka dawladeed (checks and balances)haseyeeshee wuxuu leeyahay nidaamka baarlamaankuna xisaabtan xidhiidhsan oo sharci dejintu dawladda ku xakameyso. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu fadhiistaa fadhiyada sharci dejinta, wasiiradana waxaa laga filayaa in ay yimaadaan sharci dejinta si ay su’aalo uga jawaabaan, isla markaana uga hadlaan fadhiyadaa (lakiinse cod kama bixin karaan). Maadaamaa ay suuragal tahay in la soo jeediyo hindise kala noqosho kalsooni, waa in ay dawladdu mar walba difaacdaa siyaasadaheeda.
Nidaamka madaxweynanimo wuxuu mar walba leeyahay xilli go’an oo fulinta iyo sharci dejinta cimrigooda la xidhiidha, taasoo keenta degenaansho ilaa xad ah. Nidaamkan kale ee baarlamaaniga ah, xilliga baarlamaanku waa mid go’an, haseyeeshee haddii dawladdu lumiso kalsoonida baarlamaanka, cimrigeedu wuu soo gaaban karaa, xafiiskana waa laga qaadi karaa. Deganaanshaha habka baarlamaaniga ihi waa mid had iyo goor ilaa xad sugan maadaamaa dawladdu ay aqlabiyad ku leedahay sharci dejinta, haseyeeshee arrintaa waxaa kala daadin kara haddii ay kala qoqobnaan darani gasho xisbiyada.
Madaxa xukuumadda ee nidaamka baarlamaaniga ihi wuxuu la wadaagaa masuuliyadda golaha wasiirada intooda kale, haseyeeshee marka aynu eegno nidaamka madaxweynanimo, madaxa xukuumaddu isagaa keli ahaan awoodda oo dhan leh. Sababtaa awgeed, nidaamka baarlamaaniga ah ayaa siyaabaha qaar ku sii haboon in uu heshiisiiyo, iskuna wado dano, kooxo iyo gobolo kala duwan. Tusaale ahaan jagada madaxa dawladda ee nidaamka baarlamaaniga ah waxaa loo adeegsan karaa in lagu aqoonsado dadka laga tirade badan yahay (tusaale ahaan haddii marba koox aan ku riyoon karin in ay dawladda ka
51
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
taliyaan loo dhiibo madaxweynanimada ). Labada nidaam ee la soo jeediyay mid walba wasiirada waxaa loo qaybin karaa kooxaha kala duwan.
Waxyaabaha ay ku jecleysan karaan dadka qaar nidaamka madaxweynanimo waxaa weeye in uu keeni karo degganaansho iyo hoggaan adag. Haseyeeshee hoggaanka adagi wuxuu keeni karaa khatar badan oo la xidhiidha ku tagri falka awoodda (sida Afriki aad u taqaan). Dhinaca kale, nidaamka baarlamaan waxaa laga dhigi karaa mid degganaansho keena iyadoo la raacayo hababka kor lagu xusay. Waaya aragnimada dalalka kale waxay muujineysaa in labada nidaamba si fiican u shaqayn karaan haddii uu jiro hoggaan wanaagsani dadkuna ay ogaal u leeyihiin xuquuqdooda, diyaanrna u yihiin in ay tallaabooyin qaadaan si ay xuquuqdaa u ilaashadaan, isla markaana ay ka qayb qaataan arrimaha bulsho kordhiyaana heerka diimuqraadiyadda.
Su’aalo
1. Ma kula tahay in nidaamka baarlamaaniga ah ama nidaamka madaxweynanimo midkood in uu ku haboon yahay Somalia?
2. Marka la eego nidaamka baarlamaaniga ah ma rumeysan tahay in ay tahay fikrad wanaagsan in aan wasiiradu noqon kuwo xubno ka ah Baarlamaanka?
3.Nidaamka baarlamaaniga ah ma rumeysan tahay in ay fikrad wanaagsan tahay in Madaxweynaha la yareeyo awoodda uu ku meel marin karo ra’yigiisa shakhsiga ah, mise waxaa haboon in madaxweynaha la siiyo awoodo kale si looga sii xoojiyo doorkiisa ah ilaaliyaha Dastuurka?
4.Nidaamka baarlamaaniga ah, ma tahay fikrad wanaagsan in codka kalsooni kala noqoshada dawladda in aad loo adkeeyo, sida qoraalkan lagu soo jeediyay?
5.Nidaamka madaxweynanimo, sababaha madaxweynaha lagaga qaadi karo xilka iyo nidaamka loo raacayaa ma yihiin kuwo lagu qanci karo oo arrimahaa ku filan? Maxaad u maleyneysaa soo jeedintan soo socota: in toddobada sanno ee u horreysa laga dhigo nidaamka Federaalka ah mid baarlamaani ah; toddoba sanno ka dib in in afti dadweyne la qabto si loo go’aansado in nidaamkaa baarlamaaniga ah lagu sii socdo ama loo wareego nidaam madaxweynanimo? Ma noqon kartaa arrintani xal wanaagsan sida Soomaaliya wax looga bilaabi karo? Waa maxay werweradaada ugu weyn ee arrintan la xidhiidhaa?
52
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
53
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Nidaamka Garsoorka (Cutubka 10)
Muhimmadda Nidaamka Garsoorka
Guddiga wuxuu tixgelyay dowraka garsoorka ee nidaamka diimoqaraadiga ah. Xilkeedu wuxuu yahay in ay go’aan ka gaarto khilaafaadka fal iyo xeer ama labadaba si waafaqsan Dastuurka iyo sharciga. Marka ay qabaneyso hawshaas waxay caddeysa islamarkaasna ilaalisaa sharciga. Habkaas ayay dadka caddaalad ugu sameeysaa. Hase ahaatee garsoorku wuxuu kaloo go’aaan ka gaaraa arrimaha ku tacluqa dowladda, mararka qaar iyadoo dibu eegid ku sameeyneeysa ansaxnimada sharciyada xeerdejinta ansaxiso, iyo mararka qaar siyaasadaha iyo falalka fulinta. Haddi heyadahaas midkasta oo ka mid ah ku tallaabsado wax kabaxsan xudduudda awoodahiisa, maxkamaddu waxay ku dhawaaqeysaa in falkaas uu waxba kamajiraan yahay haddii marba haduusan waafaqsaneyn Dastuurka. Bacdamaa Soomaliya ay noqoneeyso Federaal sida ku qoran Qabyoqoraaalka Dastuurka la tashiga
54
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Dadweynaha,maxkamaduhu waxaa kaloo xilkooda yahay in ay ku ilaaliyaan xukuumadaha heerarka kala duwan in awoodahooda ugu dhaqmaan si waafaqsan Dastuurka.. Maxkamadah ayaa noqonaya cidda ugu weeyn ee dammaanadda siineysa Federealisamka . marka qof dacwad lagaga oogo maxkamadda horteeda , xilka maxkamaddu waa in ay xaqiijisaa in qofkaas uu helo garsoor caddaalad ah. Maxkamduhu waxay ilaaliyaankuwaan iyo xuquuqo kale iyo sidoo kale guud ahaan talinta sharciga. Talinta sharciga waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dhaqaalaha suuqa xorta ah bacdamaa maxkamaduhu ilaaliyaan ganacsiga iyo heshiisyada kale (oo ay ku jiraan heshhisyada shaqada), iyadoo siineysa hubaal iyo saadaal waxisdhaafsiga. Caddaaladdu waa qiyam muhiim Islaamka dhexdiisa, kaasoo horumarintiisu maxkamaduhu ka ciyaarayaan door muhiim ah.
Garsoorka waa mid ka mid ah seddexda tiir ee Dowladda, asagoo wehliya xeerdejinta iyo Fulinta. Ka soocidda garsoorka tiirarka kale waxay muhiim u tahay xilgudashadeeda in ay noqoto mid hufan oo aan dhan jir aheyn. Madaxbannaanida garsoorka, iyo
Maamulka maxkamadaha oo ka soocan qeeybaha kale ee xukuummadda waa saldhiggga nidaam garsoor oo aan dhan jir aheyn.
Soo jeedinta Guddiga oo ku dhissan falanqeeyn waxay yihiin:
Awoodda garsoorka
Dhammaan awoodda garsoorka waxaa u xilsaaran garsoorka. In la siiyo awoodo garsoor hay’ado aan ku dhisneyn mabaad’iida garsoor aan madaxbanaaneeyn iyo ikhtisaas waa waddo lagu caburinayo xuquuqda dadweynaha. Tani lama oggolaanayo Dastuurka cusub dhexdiisa.
Madaxbannaanida garsoorka
Garsoorayaashu way ka madaxbannaan yihiin fulinta iyo xeeerdejinta marka ay gudanayaan xilkooda. Waxay u hoggaansamyaan oo kaliya sharciga. Laguma horgeyn karo maxkamad dambi ciqaab ama madani ee la xiriira hadal amd ficil ay sameyeen int ay ku jireen gudashada xilka garsoorka.
Garsoorayaasha shaqada lagama eryi karo haddii aysan la imaan anshax xumo taasoo loomaray kadib marka maxkamad madaxbanaan oo ay guddiga adeegga garsoorka magacaabeen ku hesho garsooraha in uu galay dhaqan xumada.
Habraaca Garsoorka.
Dhageeysiga dacwadaha waa in ay u furnaataa dadweynaha, hase ahaatee maxkamaddu waxay go’aaminkartaa in dhageysigu albaabada u xiran yihiin sabao la xiriira amniga qaranka, ilaalinta markhaatiyaasha ama dacwooyinka ku lug leh carruurta ama ku saabsan kufsi.
Lama soo saari karo goo’aan garsoor illaa ay dhinacyadu dhammaantood helaan fursado ay ku soo bandhigaan dacwadahooda ama is difaacooda. Waa in la sababeeya dhammaan go’aannada garsoorka. Kuwani waa mabaadi’ida asaasiga ee garsoor caddaalad ah.
55
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Nidamka Maxkamadaha Qaranka
Guddigu wuxuu talo ku soo jeediyay Maxkamad Dastuuri ah, Maxkamad Sare, Maxkamad Rafcaan iyo maxkamadaha darajada kowaad oo u kala sarreya sida ay isugu xigaan.Dhamaan garsoorayaasha waxaaa magacaabaya guddiga Adeegga garsoorka, oo ka kooban gudoomiyayaasha labada maxkamad ee ugu sareeysa iyo qaar ka imaanaya garsoorka dibeddissa kuwasoo uu ku jiroguddoomiyaha guddiga xuquuqda aadamiga. Magacaabistooda waa in uu ansixiyaa \golaha wakiilad dowlad goboleedyada. Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyaha maxkammadda Dastuuriga waxaa dooranaya garsoorayaasha maxkamadahaas.
Maxkammadda Dastuuriga ah masuu’liyaddedda kama dambeysta ah waxay tahay fasiraadda Dastuurka iyo go’aan ka gaaridda arrimaha Dastuuriga ah. Waxay awood u leedahay in ay ku dhawaaqdo in uu waxkama jiraan yahay sharci kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka, maxkamad kale oo sidaas yeeli karta ma jirto. Haddii khilaaf ka dhex dhaco dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ama dowlad goboleedyada dhexdooda waa in marka hore laysku dayaa in wadahadal iyo dhexdhexaadin lagu xalliyo. Hase ahaatee haddii taas lagu guul darreeysto maxkamadda Dastuuriga ah oo kaliya ayaa awood u leh dhageeysiga iyo go’aan ka gaaridda dacwadda. Waxaa kaloo ay si gaar ah awood ugu leedahay ansixinta natiijooyinka doorashooyinka iyo aftida.
Waa suurtagal in hay’adda fulinta Federaalka ama xeerdejinta iyo tiro hay’ado kale iyo shaqsiyaad in dacwad horgeeyaan maxkamadda Dastuuriga
Maxkamdda sare ayaa iska leh go’aanka kama dambeysta ah ee dhammaan dacwooyinka int aan ka aheyn kuwa Dastuuriga kuwaasoo si gaar ah u galaya awoodaha maxkamadda Dastuuriga,
Guddiga Adeegga Garsoorka ma ah oo kaliy guddi wax magacaaba hase ahaatewaxuu masuul ka yahay maamulka garsoorka iyo anshaxiisa. Waxaa kaloo jiraya kormeerayaal garsoor- hay’ad horay u jirtay oo shaqadeeda tahay hubinta habsami u shaqeeynta garsoorka.
Sharci ayaa lagu dhisi karaa maxkamad ciidan, hase ahaatee waxay geli kartaa kaliya dambiyada ay galaan xubnaha ka tirsan ciidanka waqtiga colaada iyo nabadda.
Muhimadda xaliinta khilaafaadka ee dhaqanka iyo dowrka xeer soomaliga waxaa lagu aqoonsaday qodobbada Dastuurka ee sheegaya in maxkamdaha aqoonsanayaan go’aannada guurtida dhaqanka, hase ahaatee sharci ayaa xaddidi doonaa hadafka aqoonsigaan.
Wajiga muhiimka ah ee nidaamka garsoorka waxaa ah awoodda horgeeynta dambiyada ciqaabta maxkamad. Kuwa ku xadgudba awoodaha islmarkaasna duudsiya xuquuqahooda muwaadhiniinta waxay jebiyaan sharciga ciqaabta, hase ahaatee kuwa awoodda lihi waxay
56
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
awoodaan in ay ka baxsadaan xabsiga iyo xataa in la maxkamadeeyo iyagoo isticmaalayo saameeynta lacagta. Sida ugu fiican oo taas looga badbaadi karo waxay tahay in la dhiso xeer ilaalin ka madaxbannaan dowladda iyo dhinac. Tani waxaa lagu soo jeediyay qabyoqoraalka Dastuurka ee la tashiga daweynaha halkaasoo xeer ilaaliyuhu uu yahay sarkaal madaxbannaan.
Weeyddiimo
1. Ma aaminsantahay in loo baahanyahay sameynta maxkamad Dastuuri ah oo gaara? 2. Ma tahay in xilka maxkamadaha loo qeexo si intaas ka faah faahsan ? 3. Madaxbanaanida garsoorka ma loo ilaaliyay si ku filan?
4. Wax kale oo faallo ah oo aad ku dareyso
Guddiyada Madaxabanaan(Cutbka 11aad)
Dawladuhu waxay u dhistaan guddiyo madaxbanaan in ay gudtaan door muhiim ah si loo nidammiyo qeybo gaar ah ee mujtamca ama xukuumadda si ay khibrad u siiyaan hawlaha deginta siysaasdaha. Guddiyadda qaar waxa kaloo leeyihiin door ah in ay kormeeraan hawlaha xukuumadda. Arinta ugu muhimsan oo gaar ah waa sida ay uga soocan yihiin siyaasadda iyo hawlaha kale ee xukumadda.
Inkastoo xubnaha guddigu ay magacawday laan ka mid ah xukuumadda, dowladdu waxay ku leedaha awood xaddidan oo saameeyn ah magacaabista ka dib. Waxaa lagu ilaaliyay madaxbanaanida iyadoo aan si sahlan loo eryi Karin. Xaaladdan xubnaha guddiga waa sida garsoorayaasha oo kale.
Shaqada guddiga ma saameeyso isbeddelada xukuumadda iyadoo aan la beddeleynin xubnaha guddiga markasta oo ay is beddeso xukuumadda. Guddiga madaxabannaan waxay nidaamiyaan qeeybo gaaar ah waxayna leeyihiin heerar kala duwan oo madaxbannaani iyo awood ku xiran shaqada gaarka ah iyo xilkooda. Bacdamaa aan la doorarn , guddiyadu la xisaabtan dadweeyne laguma laha sida xubnaha baarlamaanka, dhismaha guddiyada, sidaas darteed, waxay keeneys in cidda qabaneyso ilaa xad ay ka baxsnaadaan faragelin siyaasadeed iyo mid dadweyne.
Marka go’aanka laga gaarayo guddiyadda waxaa feegjignaan dheer ah la siiyay awood dhaqaale iyo hawl wadeen ee dalka. Guddigu wuxuu soo jeediyay in guddiyadda muhimiga oo keliya lagu qeexo Dastuurka, mudnaanta waxaa la siiyay kuwa ku saabsan xuquuqda asaasiga ah, dimuquraadiyada iyo daahfurnaanta. Sidaas darted GMDF wuxuu soojeediyaya: Guddiga doorashooyinka qaranaka; guddiga tirakoobka iyo xuduudaha, guddiyga xuquuqda aadanaha, guddiga shaqadda rayadka, guddiga xalinta khilaafaadka hantida iyo dhulka, guddiga adeega garsoorka,
57
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Guudigu waxuu soo jeediyay in guddiga kastaa oo madaxbanaan uu ugu yaraan 3 ugu badnaan 9 xubnood oo guddiga ka mid ah ay shaqaale waqti buuxa yihiin, waana in ugu yaraan hal xubin ay oqotaa haweeney ama labo haddii tirada xubnaha guddigu ka kooban yihiin shan ama ka badan. waxa tirade looga tirade badan sabab la xiriirto dhaqaalo iyo in ay waxtar badan tahay. Waxaa kaloo ay tixgeliyeen in xaaladaha qaar in xubnaha guudigu aanay hawlaha guddiga ka shaqeynin waqti buuxa kuwaasoo inta badan ay qabanayaa xubnaha guddiga
Shuruudaha xubinnimadda guddigu wuxuu soo jeediyay in laga guuro habka 4.5 laguna dhisaa istaahilid iyo aqoonta looga baahanyahay jagada. Guddiga waxay xilka haynayaan muddo shan sano ah oo hal mar keliya dib loo cusboonaysiin karo, waxaana xilka loo qaadi karaa dembi culus awgeed iyo ka dib marki dhaqan xumo weyn ka dib marka baaritaan caadalad ah lagu sameeyo.
Guddiyada madaxabannaan waa hay’ado qaran : Guddiga Doorashooyinka wuxuu maamulayaa dhamaan doorashooyinka, ma aha oo kaliya kuwa Federaalka, tusaale ahaan guddiyada madaxabannaan waa in ay awood u leeyihiin in ay si madax banaan ua howlgalaan gaar ahaan marka xilkoodu yahay darajakasta oo kormeerid qeeyb gaar ah ee xukuumadda.Waa in ay helaan dhaqqle madaxbannaan iyo la xisaabtan waana in ay maaulin ama awaamiir ka qaadan qof ama hay’ad.Waajibaad gaar oo raacsan mabaadi’idan waxaa lagu sheegi doona sharciga.
Hay’adaha muhiimka ah ee hanti dhowraha guud, Bangiga dhexe, Xeer ilaaliyaha guud waxay ku jiraan cutubyada quseeya iyo meelo kale oo ka mid ah qabyqoraalka Dastuurka ee la tashiga Dadweynaha. Guddiyada lagu taxay axdiga Federaalka ku meel gaarka ah waxaa lagu darayaa qodobbada kala guurka ee Qabyo qoraalka Dastuurka.
Hay’adahaas kala duwan waxay u warbixinayaan Baarlamaanka, hase ahaatee lloama xisaabtamaayo sida wasiirrada. Hanta dhoraha guud warbixintiisu waxay awood u siineeysa mudanayaasha baarlamaanka in ay fahmaan kontroolka maaliyadda iyo in ay qaadaan tallaabooyin haddii ay soo baxaan qaladdaad waaweyn.
Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo arrimaha Federaalku wuxuu sidoo kale ku baraarugsan yahay muhiimadda fahamka daweeynaha ee hawlaha hay’adahaan – kuwaasoo dhab ahaantii gormeeraya dowladda iyagoo ka wakiil ah dadweynaha. Sidaas darted, GMDF wuxuu leeyahay waa in ay u warbixiyaan dadweynaha, una gudbiyaan qaab ay u fahmi
karaan.
Weyddiimo
1. Ma ku raacsan tahay in xubnaha guddiyada xaq u leeyihiin mar labaad loo soo doorto xilka?
2. Ma kula tahay mid sax tirada guddiyada la soo jeediyey?
58
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
3. Ma kula tahay tirada dumarka xubnaha ka ah guddiyada ee lagu soo jeediyey Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha mid ku filan horumarinta ka-qayb galka dumarka qaabdhisameedka Guddiyada madaxa bannaan?
4. Ma kula tahay macquul sababaha iyo habraaca xilka looga qaadayo xubnaha guddiyada?
Shaqda rayidka ah (Cutubka 12)
Cutubkaan waxuu ka hadlaaya shaqada rayidka ah ee heer kastaa, taasoo ah sababta sida gaar ah looga soocay haya’adda fulinta ee Federaalka. Waa cutub kooban oo nidaaminaya mabaadi’ida guud oo uu guddigu aaminsanyahay in ay mihiim u yihiin in la dhiso shaqaale rayid oo ka madaxbannaqan siyaasadda islamarkaasna leh awoo, karti iyo xirfad. Waa suurta gal in dowlad goboleedyada dhistaan shaqaalahooda rayidka, hase ahaatee wuxuu saadaaliyay in howlwadeennada illaa xad la wadaagi karo marka khibraddooda loo baahdo in ay tagaan meel kasta.
Maaliyadda Guud (Cutub 14)
Horhdac
Maaraynta lacgata dal waxay muhiim u tahay sida maamulidda dhaqaalaha qoyska, hase ahaatee waa ka culus tahay. Waxay udub-dhexaad u tahay xukun-wanaagga oo ah ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Dastuurka. Mabaadi’da ugu waaweyn ee masuuliyada ku aaddan maaraynta lacagta qaranka si fiican ayaa loo dersey. Arrimaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
• lacagaha la soo uruuriyey badiba waxa ay ka yimaadan: canshuuraha iyo khidmadaha waa in laga dhigaa qaddar siman; taasoo aa culays ku noqonaynin qaybo ka mid ah bulshada si aan sinay.
• Lacagaha la soo uruuriyay waa in lagu hayaa goob amaan ah.
• Qorshaha miisaaniyada waain la soo diyaariyaa ka hor inta kharashaka Dawladda la galin.
• Canshuuraha iyo kharashyada Dawladda oo idli waa in ay soo ansaxiyaan baaralmaanka-kaasoo ah kii masalayay dadweynha .
• Habraacaan waa in uu noqoadaa mid u daah furan dadweynha sharciydiisana u daah furan.
Arrinta maaraynta maaliyadda waxay noqonaysaa mid aad u culus habka Federaalka Soomaaliya waxaana lgama maarmaan ah in la xaqiijiyo mabaadi’da asaasiga ee arrimahan ay tahay in la xxaq dhowro, sidoo kale ixtiraamida fikrada Federaalka taasoo macanaheedu tahay in go’aanada xukuumadu gaarayso ay noqdaan qaar u dhow dadweynha ..
Guddiga waxa uu eegay Dastuurkii 1960 kaasoo waxyar ka sheegaya habka maamulida maaliyadda-waxa kale oo ay eegen Dastuuro kale..
59
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Sidee buu Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha u wajahayaa arrinta la xiriirata maaraynta maaliyadda?
Qodobbada la xiriira maaliyadda guud ma aha kuwo dhaadheer oo culus, si loo helo ujeedooyinkiisa Qabyoqoraalka Dastuurka waxa uu iska ilaaliyay faafahin dheer oo ku aadan qodobbadaas. Cutubka la xiriira maaliyadda guud waxa uu ka bilaabanayaa oraah mabaadi’ sheegaysa qaar ka mid ah mabaadi’da asaasiga kaasoo lagu xusay hordhaca kan, sidookale mabaadi’da ah in lacagta lagu bixiyo si cadaalad ah. Cutubka waxa uu faahfaahinayaa xiriiraka maaliyadda ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo helo arrimaha la xiriira maaliyadda si wadajir ah. Qaabaynta cutubka wuxuu ka bilaabanayaa uruurinta dakhliga(oo ah canshuuraha) iyadoo loo qoondaynaayo maaliyaddaas qaybaha kala duwan ee xukuumada Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo habka maaraynta lacagahaas. Sidookale waxa ay la xiriirtaa hay’adahaaas: guddiga maaliyadda, hanti dhowrka guud iyo bangiga dhexe.
Marka laga eego Qabyoqoraalka Dastuurka, canshuuraha waxaa lagu uruuriyaa saddex heer xukuumadeed: Federaal, dowlad goboleed iyo dowlad hoose. Dawladda hoose canshuuraheeda waxa ay ku saabsanyihiin gaarahaa dhulka ee deegaankooda. Sharci kasto oo ku saabsan canshuuraha deegaanka waxaa soo saari kara xukuumada Federaalka ama dowlad goboleed. Dowlad goboleedyadu waxa ay aruurin karaan canshuur ayagoo raacaya sharci Federaali ah. Xaqiidiid laguma soo shamaystirin Qabyoqoraalka Dastuurka canshuurtee beey kala qaadayaan heerarka kala duwan ee xukuumadaha.
Waxaa suurta gal ah in mustaqabalka Dawladda Federaalka oo kaliya ay noqoto midda qura ee aruurinayso lacagaha badan (xaaladdaas oo ah mid caadi ah) waxa kale oo lagama maarmaan ah in la dajiyo habkii loogu wareejin lahaa dhaqaalahaasi dowlad goboleedyada. Qabyoqoraalka Dastuurka latashiga dadweynha waxa uu soojeedinayaa in la soo saaro sharci arintaan nidaaminaayo, hase ahaatee waxaa si cad u qeexayo mabaadi’da caddaaladda iyo hufnaanta. Waxaa jira habraacyo xaqiijinaya in dowlad goboleedyadu ay helaan dhaqaalaha ay u baahanyihiin hase ahaatee uusan noqon mid lagu tagri-falo, lana siiyo si heerar si islamid hawlaha khusaynayo arrimaha bulshada, iyadoo la tixgelinaayo maankana lagu hayo qorshaha iyo daruufaha dawlad goboleedyada kala duwan.
Waxaa si cad loo qeexay in aruurinta canshuuraha ay soo sarto golaha xeerdajinta sidoo kale harshay’ada iyo mabaadi’daas waxaa lagu soo celceliyay cutubka xeer-dajinta. Tan macnaheeda ma aha in xubin kasta oo soo ogolaado xeer-dajinta, hase ahaatee waa in la soo ogolaadaa kharajbixinta si guud oo isku dhafan. Xukuumaddu waa in ay soo hor-dhigtaa baarlamaanka ama Golaha deegaanka miisaaniyad taasoo kuu cad qorshaha kharsh bixita xukuumada. Maaliyadda ma aha arin u sahlan xubnaha baarlamaanka in ay fahmaan. Hasayeeshee dariqada sahlan ay ku fahmi karaan waa in ay helaan waqti dheeri ah; Qabyoqoraalka latashiga dadweynha wuxuu sheegayaa in miisaaniyada la hordhigo baarlamaanka laba bilood ka hor inta aysan dhamaanin sanad miisaaniyadeedkii la soo dhaafay. Cutubka ku saabsan baarlamaanka Federaalka ayaa si fiican u faahfaahinaya in masuuliyada baarlamaank ay tahay in ay si fiican uga baaraan dagaan arrimaha maaliyadda xukuumada si taxadr leh aygoo marsiinaaya guddiyo.
Haddii aysan jirin lacag la kharash gareeyo ka hor inata aan la ansaxinin misaaniyad sanadeedka aana la ansaxin miisaaniyadaas, xukuumadu ma helayso lacag ay kharash
60
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
garayso. Sidaas daraadeed Qabyoqoraalka Dastuurka waxa uu tilmamayaa in la-eg Afar dalool hal dalool miisaaniyada la soo dhaafay ay xukuumadu kharshagarayn karto in ku siman afar bilood, hadii xataa la ansaxin miisaaniyada. Waxaa muhiim ah in aan la oggolaan in la isticmaalo kharash ka badan ogolaansho la’aan: raadka arintaan waxa ay tahay oo kaliya in la dhiiri galiyo xukuumada iyo baarlamaanka in loo daayo in ayga ogolaadaan xilli dambe.
Maaliyadda waa masuuliyada ugu muhiimsan xukuumada. Waa in ay xaqiijiyaan in ay jirto dhaqaale ku filan hawlaha oo idil ayna u baahnayihiin in la maalgaliyo. Xubnaha baarlamaanka waxa ay sumcad ka helaan marka ay keenaan barnaamijyo la xiriira kharashka- hase ahaatee ma laha masuuliyada lacag soo uruurinta! Sidaas daraadeed waa caadi in la xadido awooda ay leeyihiin xubnahas baarlamaanka ee ku aadan samaynta arintaas-Qabyoqoraalka Dastuurka latashiga dadweynaha waxa uu tilmaamayaa shuruucyo la xiriira lacagta in ay samayso xukuumada. Dhanka kale, xukuumada waa in ay isku daydaa in ay dhinto misaaniyada haddii ay u baahantahay in ay kaydiso lacag. Waxa kale oo ay u baahantahay in ay jarto xataa maalgalinta garsoorka, taasoo keeni karto khatar saamaysa madaxbanaanida garsoorka. Sidaas daraadeed golaha adeega garsoorka ayaa diyaarinaayo miisaaniyada garsoorka halka ay wasaarada ka diyaarinayso. Waa in loo gudbiyaa wasaarada maaliyadda si uu ugu daro miisaaniyada guud, hase ahaatee waxaa kale oo loo baahanyahay in loo gudbiyo gudiga qaabilsan arrimaha maaliyadda ee baarlamaanka si ay u eegaan in garsoorku helay dhaqaale ku haboon in ay ku fuliyaan howlahooda ay u baahanyihiin.
Habraaca miisaaniyada ee heerka Federaalka iyo dowlad goboleedka waxaa nidaaminaayo sharci.
Habka ugu wanaagsan ee ilaalinta kharashku waxa ay tahay habraaca xisaabaadka. Dhamaan hay’adaha xukuumada oo idil waa in ay leeyihiin xisaabeed hufan islamarkaasan la baari karo xisaabahooda. Baaritaanka xisaabahaas waxa fulinayo sargaal ka madaxbanan xukuumada-sargaalkaasoo uusan u xaglinaynin xukuumada si uu u ilaalsado shaqadiisa! Qabyoqoraalka Dastuurka latashiga dadweynha waxa uu soo jeedinayaa in xafiiska hantidhowrka guud waa in uu leeyahay kadiriin ku filan oo ay ku jiraan xisaabiyayaal badan kaasoo lagu magacabi karo xafiiska baaritaanka qaranka. Mashruucaan si loo fuliyo waa in la helaa oo kaliya hal hanti dhowre guud kaasoo xaqiijinaya baaritaanka guud ee qaranka in si siman loo gutay.
Waxaa kaloo la soojeediyay hanaan lagu samaynaayo talooyin lagu qaybinaayo dakhliga arintaan waxaa fulinaayo guddi iyo ergo ka tirsan qaybaha kala duwan ee dowlad goboledyada. Habkan guddiga ah ayaa la qaatay halka la qaadan lahaa guddi xeeldheerayaal sare ah. Habka la doortay waxa uu u baahanyahay in ay ka wada xaajoodaan qaybaha kal duwan ee Dawladda goboleedyada, kaasoo ah midka Soomaalida ay jeclaan lahayd in ay raacdo . hase ahaatee guddigu malahan go’aanka ugu dambeeyo: waxa ay soojeedinaayaan oo kaliya talooyin. Waxa kale oo ay helayaan taageero khubaro oo ay ku jiraan dhaqaalo yahano iyo xisaabiyayaal, waxa ayna awod u helayaan in ay qiimeeyaan go’aanadii ay soo hordhigeen dowlad goboleedyada, waxa ayna awood u leeyihiin in ay siiyaan tilmaan-raacyo. Go’aanada ay gaarto xukuumadda ee ku saabsan u qoondaynta maaliyadda waa in lagu daraa sharciga, sharcigaasna waxa uu u baahanyahay ogolaanshaha labada golee ee baarlamaanka. . Lacagta lagu bixiyo habka ma ahan habka kaliya ee
61
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
lacagaha loogu qaybin karo dowlad gobleedyada.Xxukuumada Federaalka waxay siin karta dhaqale deeq ah dowlad goboleedyada si ay ugu fuliyaan barnaamijyadooda.
Labada wado kale oo muhiim ah oo Dawladda ku heli karto lacag waxa ay tahay deeqaha dibada iyo lacag daynsasho-hab ganacsi ah ama in laga helo IMF ama dayn bixiya kale Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynha ma tilmaamayo xadayn ku saabsan in ay xukuumada Federaalka daynsan karto lacag( Dastuuro qaar waxa ay xadidaayaan awooda ilaa boqolkiiba miisaaniyada qaranka) hase ahaatee waxa ay soojeedinaayaan in dowlad goboleedyada ay daynsan karaan lacag kaliaya marka Dawladda Federaalka ay ogolaato in ay daymiso(tani macanaheedu waxa ay tahay in Dawladda Federaalka ay balanqaad ka hesho Dawladda goboleedyada in ay dayntaas u soocelindoonto Dawladda Federaalka). Run ahaantii dayn bixiyayaasha waxay ku adkaysanayaan in ay helaan damaanad marwalba.
Sida wadamo sabool ah oo soo korayo, Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay hesho mucaawinada dibada mudooyinka soosocodo. Deeqbixiyayaasha waxa ay u baahanyihiin in ay la xaajoodaan Dawladda Federaalka. Waxaa jira qodob ku jidha Qabyoqoraalka Dastuurka latashiga dadweynha uu tilmaamayo marka wadaxaajood lala galayo Dawladdaha shisheeye iyo hay’adahaba oo ay ku jiraan arrimaha ku saabsan mucaawinooyinka, xukuumada Federaalka waa in ay ku dartaa wadaxaajoodka xubno ka tirsan dowlad goboleedyada si loogu daro wadaxaaajoodka loona dhagaysto talooyinkooda.
Su’aalo
Guddigu wuxuu rajaynayaa xeeldheerayaasha maaliyadeed si qotodheer u eegi doonaan Qabyo-qoralka Dastuurkan si taxadar leh ayna samayn doonaan talooyin wax ku ool ah si loogu hormariyo. Guud ahaan bulshada waxalaga rajeynayaa in ayagana talooyinkooda ku biiriyaan-waa ayaga mida lacgta loo maamulayo. Halkaan waxaa ku qoran su’aalo kooban taasoo u baahan in la siiyo tixgalin mudnaan: :
1.Ma loo baahan yahay in lagu daro qodobbo dheeraad ah oo lagu xaqiijiyo in lacagaha loo maamulo si masuuliyad leh?
2. Ma jiraan qodobbo kale oo loo baahan yahay in lagu kordhiyo si loo xaqiijiyo in xubnaha baarlamanka Federaalka ay faham u yeeshaan arrimaha maaliyadeeed, talana ka dhiiban karaan hab-maaliyadeedka ?
3. Ma tahay in la xadeeyo amaahda ay qaadaneyso Dawladda Federaalka?
4. Ma la xaaraantinimaynayaa cid aan Dawladda ahayn in ay samayn karto sharci lagu xadaynayo samaynta lacagta?
5. Ma kula tahay baarlamaanka oo ah midka matalaya danahaada in la siiyo awood uu wax uga beddelo nuxurka hindisaha sharci ee miisaaniyada Federaalka marka la ogolaanayo?
6. Ma habboon tahay aragtida ah in guddiga maaliyaddu soo jeediyaan qaybinta dakhliga lagu u soo uruuriyay magaca Federaalka? Gaar ahaan, guddigu ma wuxuu noqonayaa mid ku dhisan xeeldheeri ama khibarad, mise wuxuu noqonayaa mid ku dhisan matalaad?
7. Ma jiraan habab Dastuurku uu ku siinayo xubnaha dadweynha in ay helaan xog ku filan, kana qayb-qaatan heerarka isxukunka?
62
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Nabadda, amniga iyo Dastuurka: Cutubka 15ad iyo qodobbada kale ee la xiriira Hordhac
Guddigu wuxuu si dhab ah u dareensan yahay in dadweynha Soomaaliyeed u baahan yihiin nabad waarta, waxayna ka rajaynayaa Dastuurka in uu si cad u qeexo habka lagu ilaalin karo nabadda iyo amniga, loona ilaalin lahaa dadweynaha .
Ilaalinta nabada ee joogatada ah ma ahan hawl u taalla ciidamada balse waa hawl booliis. Hawsha ciidamada qalabka sida waxa ay tahay in ay ka difaacaan qaranka weerarka dibada. Xaalado gaar ah ayaa loo isticmaali karaa ciidamada arrimaha gudaha sababtoo ah mihnadooda hay’adeed , qalabkooda, tababrkooda iyo tiradooda si loogu adeegsado xaaladaha deg deg ah. Waxaa kaloo loog isticmaali karaa xaaladaha gudaha haddii si nasiib daro ah ay timaado arrimo xasilooni daro ah ay timaado ama mucaarad hubaysan oo booliisaka aan awoodin in uu wax ka qabto.
Ciidamada qalabka sida waxaa kale oo loo isticmaali karaa Nabad ilaalinta dalal kale aygoo hoostagaya UN ama AU..
Guddigu wuxuu aaminsan yahay in ay jiraan qataro ka yimid in hub badan ay haystaan dadweynha xiligan nabad galyo la’aanta ama dagaalka sokeeye. Kuwaas waxaa ka mid ahb:
• Haddii ay jiraan wax ka badan hal hay’ad hubaysn oo hoos imaanayso talisyo kala duwan waxaa jiri kara Qatar oo lagu dagaalamo siyaaasad oo keni kara dagaal sokeeye.
• Kuwaas (gaar ahaan kuwa darajada hoose ) waxa ay isku dayayaan in ay aragagixiyaan dadka deegaanka
• Waxa ay isku dayayaan in ay gadoodaan haddii-tusaale ahaan mushaarka la siinwaayo.
• Waxaa dhici karto in Dawladdu ay u isticmaasho in ay ku cabburiso dhaliilo looga soo horjeedo oo sharciyaysan.
• Waxaa dhici karto in ay isticmaalaan xisbiyo siyaasadeed si u hantaan doorashada amam mararka qar ay qabsadaan xukuumada.
• Waxaa dhici karto in ay qabsadaan xukuumada(afgambi) oo ayga u dan ah . • Ayaga oo eegaya danaha difaaca qaranka ayaa waxaa dhici karta in ay galaan kharashyo aan loo baahnayn oo ay ku bixinayaan qalabka ciidamada qalbka sida. • Isku dayo in ay ka qaataan laaluushyo cidda keenayso qalabyada qaaliga ah ee ciidammada (kaasoo fa’iido weyn ugu jirto keenaha )-waxaana jiro dhacdooyin badan oo arintaan ku saabsan )
• Waxay xigsanayaan in ay ku jirto danta qaranka in arrimahaan si qarsoodi ah loo sameeyo si ay ugu sahlanaato in ay qaataan laaluush gaar ahaan habka iibinta qalbka IWM, in ay noqdaan mid qarsoodi ah.
Waxaa loo baahanyahay in la sameeyo isku dheelitir gaar ahaan wadan sideena oo kale taariikha ahaan uu soo maray dagaalo gudaha iyo baahida loo qabo in la helo qalab lagu ilaaliyo nabada iyo waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo in ciidamada lagu ilaaliyo si ku jirta danah dadweynha . Marka dadweynha ay xushaan xukuumadooda taasoo
63
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
samayn doonaan marka uu dhaqan galo Dastuurkan, xukuumada ayaay tahay masuuliyadeeda kowaad ilaalinta ciidamada.
Arrimo
Guddigu wuxuu ka baaraandagay hababka loo nidaaminkaro isticmaalida xoogagaas iyo sidii loo hanan lahaa amaamnka iyo nabada. Waxa ay fiiro gaara u yeesheen in ay tahay habka ugu wanaagsan oo lagu xaqiijinaayo arrimahaas ay isku mid yihiin: in la helo anshax wanaagsan oo ciidamada dhaxdooda ah iyo mihnad sare ee ciidamada oo idil. Mihnadaas sare waa in ay ku jirtaa xadaynta awoodaha, ixtiraamida dadweynha , gaar ahan ilalinta xuquuqahooda asaasiga in ay ka bad baadaan cagajulayn iyo rabshado.
Ugu dambayntii ilaalinta cid aan ciidanka tirsanayn inay ilaaliso ciidanka militeriga, macanheedu waa in xukuumada si wayn u kormeerto iyo isticmaalida ciidankaas waa furaha ugu muhiimsan. Ciidamada iyo xoogaga kale ee hubaysan ee anshaxa leh waxaa lagu dhaqayaa dasturka iyo sharciga sida bulshada inteeda kale. Hae ahaatee ilaalin cid aan ciidanka ka tirsanay ma ahan mida arin kaliya u taalo xukuumada sababtoo ah qatarta in xukuumada ku tagrifasho awooda iyadoo adeegsanayso ciidamada. Xeerdajinta oo ah kuwa ay dadweynha soo doorteen waa in ay ku lug lahaadaan hawlaha ciidamada sida dalal badan in xubno ka tirsan bulshada ay kormeeri karaan ciidamada. Tani si gaar ah waxa ay uga muuqataa booliiska, sababtoo ah xiriirka dhaw ay la leeyihiin dadweynha . Dalalka qaar arrimaha la xiriira ku xadgudubka xuquqda aadanaha ay galaan ciidamada waxaa la horgeeyaa maxkamadaha caadiga ah.
Hal aragti oo ku saabsan kormeerka cid aan ciidanka ka tirsanay waxa laga arki karaa sida loo kormeero miisaaniyada. Inkastoo ay muhiimtahay in aan si balaaran loo oganin awooda difaaca dalka sababo amani awgeed haddana waa in aan la ogolaan arrimaha ay ku dhisanaanyaan ciidamada awoodooda hubeed in ay noqoto mid aan lala xisaabtami Karin.kormeerida iyo daahfurnaanta waa suurtogal waana muhiim si looga hortago laaluush arintaas oo badanaaba ka timaado heshiisyada qalbaka ku keensanyaan.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in si cad look ala saaro coiidamada iyo siyasada. Sida syaasiyiintaba aysan awood ugu lahayn in ay samayn ku yeeshaan ciidamada qalabka sida, ciidamaduna waa in aan loo ogolaan in ay saamayn ku yeeshaan xukuumdda.
Dul -eegid ee Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynaha iyo arrimaha amniga
Waxaaa jiro cutub gaar ah oo ku saabasan nabda iyo amniga(15). Hal dhinac oo arintaan ah waxaa laga soo qoray arrimo badan oo muhiim ah : muhiimada anshaxa iyo wadaninimada, ixtiraamida xuquuqda aadanaha, ku dhaqanka Dastuurka iyo talinata sharciga, dhaxdhaxaadnimada siyaaasadeed. Qiyamkaas waa muhiim waxa ayna gaarsiin kartaa friin muhiim ah oo aan ku socon ciidamada kaliya iyo kuwa anshaxa leh balse ku socoto dadweynha si ay u gutaan hawlaha qaranka.
Sidoo kale, hay’aduhuna waa muhiim. Arinta muhiimka ah waxa ay tahay in la helo hal ciidan. Qaran leh in ka badan hal ciidan waxa soo food-saara khataro badan oo culus. Xaqiiqdii samaynta hal ciidan waxa ay qadanaysaa waqti, waxa ayna u baahantahay wadaxaajood si taxdar leh loo sameeyo(qodobo lagu dhaqangalinaayo ayaa keeni kara si loo
64
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
gaaro hadafkan). Hase ahaatee qabyo-qoraaalka Dastuurka latashiga dadweynha kama dhigin arintan hadafkooda ugu dambeeyo uma qeexin si cad.
Ilaalinata xuquuqada asaasiga waxa ay u baahnatahay habkastoo lagu illliyo , ma ahan oo kaliya qoraal lagu dhahayo hala ixtiraamo. Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynha waxa uu qorayaa xadgudubyada waaweyn ee loo gaysto dadweynha in la horgeeyo maxkamadaha cadiha ah- tani am aha oo kaliya arrimo ah anshax ciidan in loogu qaado gudahooda oo kaliya. Dadweynha na waa in ay awood u leeyihiin in ay helaan xafiis ay u gudbin karaan dacwadahooda.
Ugu dambayntii kormeer aan ciidan ahayn ee kormeerida ciidamada waa arin muhiim ah; tani macnaheeda maha qofka aan ciidanka ahayn in uu u sheego askarta sida ay u dagaalami lahaayeen ama bbooliiska sida uu u soo qaban lahaa dambiilayasha. Balse waxa ya tahay masuulka aan ciidanka ahayn awoodiisa wa in uu go’aamiyaa waqtiga dagaalka la galayo waxa ayna tahay in lagu bixinayo lacagta ay bixiyeen canshuurbixiyayaasha dagaaladas, waana ayga kuwa masuulka ka ah ciidamada ugu dambayntii, maadaama ay yihiin kuwii la soo doortay. Cutubka amniga waxauu sheegayaa in madaxda ciidamada ay soo magacabaan xukuumada iyo in guddi gaar ah oo baarlamaan ay kormeerayaan ayga iyo in uu jiro wasiir difaac waayoo wasiirkaas shaqo kale ma hayo, waana in uusan noqon qof ciidan ah wasiirkaas.
Go’aanaka ah in loo isticmalo ciidamada dibada iyo gudaha ayna ku jiraan ilaalinta nabada caalamka waa in ay ansaxisaa xukuumada laguna wargaliyaa si joogto ah baarlamaanka, mararka qaarna ay ansaxisaaba.
Si cad ayaa look ala saaray ciidamada booliiska iyo kuwa qalabka sida. Waxa jira ciidan booliis Federaal ah oo awoodiisa gaarsiisantahay dalka oo idil, waxa la oojeediyay-in dowlad goboledyadu ay yeelan karaan ciidan booliis u gaar ah. Ma jiri doono ciidamo amani hubaysan ay ku jiraan ciidamada amniga ee shirkadaha ganacsiga lamina samayn karo sharci la’aan.
Qaybaha kale e Dastuurka
Arrimo kale oo badan ee Qabyoqoralka Dastuurka Latashiga dadweynha ayaa ah kuwo ku haboon nabada iyo amniga. Lama ogolo xisbi siyaaso ciidan. Cutubka xuquuqada asaasiga, inkasto uu ogolyahay xoriyada ka mid ahaanshaha, waxa uu ogolaaday arrimo macquul ah oo lagu xadayn karo xuquuqdas-wuxuu ka xaarantinimaynayaa sarakiisha sare ee booliiska iyo ciidamada qalnka sida in ay ka qayb qaataan hawlaha siyaasada taasoo shaki la’aantahay mid macaquul ah.
Mabaadi’da guud eek u sabsan kharashka Dawladda in uu ansaxiyo baarlamaanka saas oo kale waxa ay khusaysaa kharashka ciidamada qalabka sida.iyo xuquuqda helitaanka xogta waa arin muhiim ah si looga helo xogta ciidamada Dawladda oo ka caga jiidaya bixinta xogtaas kuwaasoo ay ku jiraan booliiska iyo ciidamadaba.
Maxkamadi ma samasan karto habraayo ka baxasan Dastuurka-gaar ahan maxkamadaha ciidamada waxa ay noqodeen awood isticmaasho xadgudub dalal badan oo dunida ah. Cutubka garsoorka wuxuu sheegayaa in maxkamadaha cidamada aysan dacwad uku qaadi Karin rayid.
65
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Hay’adaha dhaqanka waxa ay ahaayeen kuwo si wayn u ilaaliya isticmaalida awooda bulshada deegaanka. Waxaa jira qodobo lagu aqoonsaday maxkamadaha dhaqanka oo ka baxsan nidamka maxkamadaha caadiga ah sida go’anada ay garaan madax dhaqameedyada ku xusun cutubka garsoorka, siina wadayaan howshooda ku aadan ilaalinta bulshada taasoo badanaaba ay ogolyihiin mujtamaca.
Ugu dambayntii –nidaamka Federaalka waa hab isku soo dhawaynaayo xukuumada iyo dadweynha . Waxa kale uu kala qaybinayaa xukuumadda. Mararka qaar waxa uu abuurayaa dhibaatooyin loo baahanyahay in si wadajir ah la isga kaashado. Sababtaa awgeed arrimaha ku saabsan la dagalanka argagixisada iyo kuwa burcadbadeeda iyo sidoo kale dambiyada aabaabulan guud ahaan in loo siiyo awood Dawladda Federaalka.
Su’aaalo
1. Qabyoqoraalka Dastuurka ee Latashiga Dadweynaha ma yahay mid si haboon u ilaalinaya xuquuqada asaasiga dadweynaha?
2. Ma habboon tahay in loo sameeyo qodobbo ay kaga qayb-geli karaan dad aan ka tirsanayn xukuumaddu in ay kormeeraan booliiska ?
3. Isudheelitirkii saxda ahaa ma jiraa marka la isku daro dad leh go’aana qaadasho xirfadaysan iyo kormeer rayid ah ?
4. Waa maxay walaaca ugu weyn ee la xiriira horumarinta, maaraynta ee habdhaqanka ciidamada amniga ?
_______________________
Wax-ka-beddelka Dastuurka (cutubka 16)
Hordhac
Dastuurro badan waxaa ku jira cutub qeexaya sida wax looga beddelaayo Dastuurka. Habkaan ayaa sheegaya in mustaqabalka beddelaad lagu samayn karo Dastuur, iyadoo la eegayo xaaladaha dalka iyo dareenka ay dadweynuhu ka qabaan Dastuurka si ay ku jirto dimoqoraaadiyad iyo nabadgelyo, lana daaweyn karo khaladaadka ka dhasha
Dastuurka.
Habraacaan ayaa noqoday mid muhiim ah, maadaama dadweynha iyo duruufaha lagu jiraa ay la jaanqaadi karaan hannaanka dawlad federaal ah. Hase ahaatee, si looga qaybqaato waxaa loo baahan yahay in la isku dheellitiro baahida degganaanshaha loo qabo, gaar ahaan sanadaha ugu horeeya ee nidaaamka Federaalka.
Waxaa mar kasta adag in wax laga beddalo Dastuur. Haddii ay sahlanaan lahayd in Dastuur wax looga badalo maxkamadaha caadiga ah, arinta la xiriirta sharciyada xadidaada, sharci dajinta iyo xukuumada kuma nagaadeen muddo dheer xukunka! Arintaani, waxaa loo baahanyahay in la helo aqalabiyad balaaran (malaha 65%) xubnaha xeer dajinta si ay wax uga badalaan Dastuurka. Waxaa kale oo caadi ah in laga sii dhigo mid sii adag arrimo qaar, gaar ahaan mabaadi’da asaasiga sida xuquuqda asaasiga,
66
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
xiriirka u dhaxeeya nidamka Federaalka oo ah xukuumada Federaalka iyo xukuumadaha heerarka kala duwan, iyo u qoondaynta awoodaha heerarka kala duwan. Tusaale ahaan waxkabadalida waxaa loo bahnaan karaa mid aad u saraysa ee codadka xeerdajinta ama afti dadwayne. Tani waa in ay xaqiijisaa wadaxaajood qaran oo balaaran in la qabto ka hor inta aan la samayn wxkabadal Dastuurka iyo in la helo go’aan wadareeka qaran.
Guddigu wuxuu dersey Dastuurradii hore ee Soomaaliya iyo sidoo kale iyo habdhaqano Dawladdao kale oo leh xaalado iyo raadad isku mid ah kuwa Soomaali. Marka ay gaarayeen talooyinka waxay ay ujeedadooda ku salaysnayd in ay aburaan jawi lagu ilaalin akro nabda Soomaaliya, ayagoo oggolaanaya dabacsanaanta Dastuurka in uu ka hirgalo dalka.
Arrimo muhiim ah
Guddigu wuxuu ka dooday su’alaha soo socoda si uu u soo jeediyo talooyin : Ma kula tahay in laga saaro gebi ahaan qodobbo qaar in wax laga beddelo?
Dastuurrada qaar waxa ay qorayaan maaddooyinka qaarkood in aan weligood waxba laga beeddeli karin, sababtoo ah waa kuwo asaasi ah, wax-ka-beddaliddooduna ay keeni karto in ay wax ka beddelmaan saldhigga guud ee Dastuurka oo idil iyo dalka. Guddigu wuxuu go’aansaday in mabaadi’ida saldhigga ah ay ka mid yihiin Dastuurka iyo
Jamhuuriyadda ay saldhig u yihiin midnimada Jamhuuriyadda, dimoqoraadiyadda, Islaamka iyo xuquuqda aadanuhu ay yihiin lafdhabarta Qabyoqoraalka Dastuurka Latashiga Dadweynha, ayna noqodaan kuwo laga saaro in waxa laga beddeli karo. Tani ma hor istageyso in xuquuqda la sii xoojiyo, balse waxa ay hor istaagaysaa in la wiiqo.
Ma jiri doonaan waqti dhaqangalinta Dastuurku uu ka bilaabanayo iyo waqti aan isbeddel lagu samayn karin?
Si loo taageero nabadda, loogana bixiyo Jamhuuriyadda ku-meel-gaarnimada iyo habab ku-meelgaar ah, guddigu wuxuu dareemay in loo baahanyahay waqti an lagu samayn madaxda xukuumada si ay uga dhigaan nidaamka mid dhaqan gala sida ugu haboo ee ay awoodaan. Toddobada sano ee ugu soo horeeyso inta uu dhaqan galaayo Dastuurkan, lama ogola waxkabadalid aan ka ahayn kuwo lagama maarmaan ah kadib markii lagala xaajoodo Puntland iyo Somali land.
Immisa hab oo wax-ka-beddelid Dastuur ah ayaa jiraya? Hal habraac miyaa la isticmaalayaa, mise habracyo gooni ah ayaa loo samaynayaa qodobbada asaasiga ah?
Waddammada qaar waxay leeyhiin habraacyo kala duwan ee wax ka beddelidda qodobbada kala duwan. Tusaale ahaan habraaca wax-ka-beddelidda arrimaha saameeynaaya dowlad goboleedyada waxay u baahanayaan in ay ku lug yeeshaan labadaba dowlad goboleedka iyo Federaalkaba.halka arrimaha gaarka ah ee qaran ama fedral ah waxay u baahan yihiin dowladda Federaalka kaliya in ay ku lug yeelato.Guddigu wuxuu soo jeedinaaya in uu jiro hal hab keliya oo waxka beddelid Dastuurka .Goa’aanka kama dambaysta waxka beddelidda Dastuurka waxaa kaliya oo sameeynaayo xeerGolaha Sharcidejinta Federaalka, ka dib markii uu latashi dadweyne yeesho, bacdamaa ay masalaad ku leeyhiin dadk labada aqal.
67
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Yaa awood u leh inuu bilaabo habraaca wax-ka-beddelidda Dastuurka?
Waa muhiim in la go’aamiyo cidda awoodda u leh in ay dhaqaajiso habraaca wax ka beddelidda Dastuurka.Markale waxaa in leeysu dhelitiraa habraaca iyo cidda sameeyneeyso iyo baahida loo qabo in laga hortago qatarta xadgudb oo abuuri karta buuro soo jeedin waxkabeddelid Dastuur iyo waqtiga iyo kharajka ku dhumaya.Sidaas darted guddigu wuxuu soo jeedinaaya in habraaca wax ka beddelidda Dastuurka in ay dhaqaajiso dowladda Federaalka ama dowlad goboleed, xubin baarlamaanka Federaalka iyo codsi qoraal ah oo ay soo gudbiyaan ugu yaraan 20000 muwaadhin.
Wax-ka-beddelidda Dastuurku ma arrin u gaar ah Baarlamaankaa?
Guddigu wuxuu soo jeediyay in dadweynaha laga talageliyo. Marka soo jeedin sharci ee wax ka beddelid sharci baarlamaanku soo dhaweeyo guuddi isku dhaf ah ee labada aqal waa in la magacaaba si ay u darsaan soo jeedinnada kadibna u wargeliyaan lana tashadaan dadweynaha. Warbixintooda waa in ay muujisaa natiijadii la tashiyada dadweyne waana in ay ku soo gudbiyaan 2 bilood gudahood.
Waa sidee nidaamka codayntu?
Ansaxinta wax ka beddelidda waxaa loo baahanyahay ugu yaraan codad 3 meelood 2 ee aqal kasta. Marka soo jeedinta wax ka beddelidda ay saameyn weyn ku leedahay awoodaha iyo xilalka dowladaha, waxaa lagu casumaya xeer dejinta dowlad goboleedka in ay u soo gudbiso aragtideeda dowladda Federaalka.
Ma yeelanaysaan habraac dib-u-eegid Dastuur?
Guddigu wuxuu ogaaday in waddamada qaar ay muuddo kadib Dastuurka ku sameeyaan dib u eegis. Dib u eegidda Dastuurka ee muddeysan waxaa loogu isticmaala in la ogaado sida wanaagsan uu Dastuurku u shaqeeyay iyo sida uu ugu haboon yahay bulshada iyo in lagu dhigo karo mid si wanaagsan u shaqeeya. Guddigu wuxuu soo jeediyay in lix bilood iyo bar ka dib dhaqangalka Dastuurka, waa in xeerdejinta Federaalka ay magacaawdaa guddi darsa hirgelinta iyo shaqeynta Dastuurka iyo in uu dadweynaha kala tashado isbeddellada suurtagalka ah in lagu sameeyo. Iyagoo saldhig uga dhigaaya waxyaabaha ay ka heleen natiijada,waxay soo bandhigayaan wax-ka beddelid ku habboon in lagu sameeyo Dastuurka.
Weyddiimo
1. Ma tahay 6 -7 sano waqti ku filan dalku inuu go’aan kaga gaaro sida Dastuurku u shaqeeyey?
2. Aad miyay u dheer tahay? Suurtagal ma tahay in wax-ka-beddelid la sameeyo ka hor?
3. Ma taageereysaa in wax-ka-beddelidda Dastuurka shardi looga dhigo afti?
68
Warbixinta Guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka
Soo-bandhigidda Dastuurka cusub iyo hirgelintiisa ( Cutubka 16 iyo Jadwalka 1-ad)
Dastuur cusub wuxuu ku dhaqan-galaa si tartiib-tartiib ah. Sharciyo cusub ayaa loo baahan yahay, kuwii horena waa in dib loo eegaa. Waxaa loo baahan yahay hay’ado cusub: Maxkamado cusub, Guddiyo, Aqal cusub oo Baarlamaan. Dadweynuhu waxay u baahan yihiin in ay bartaan fikrado cusub. Arrimaha qaar dhiciddooda waxaa u shardi ah dhacdooyin kale. Suurtagal ma ah in la soo jeediyo qodobo faahfaahsan marka la soo bandhigaayo Dastuurka cusub ka hor inta ay kala caddaanayaa daruufaha iyo waxyaabaha faahfaahinta u baahan.
www.dastuur.org
info@dastuur.org
69